Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Waxbarashada

SAAMAYNTA AY ISBEDELLADA MAAMUL IYO AMMAANKU KU YEESHEEN WAXBARASHADA GOBOLKA HIIRAAN

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
June 12, 2012
in Waxbarashada
0
SAAMAYNTA AY ISBEDELLADA MAAMUL IYO AMMAANKU KU YEESHEEN WAXBARASHADA GOBOLKA HIIRAAN
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa badan dhibaatooyinka la soo gudboonaada ardayda ku nool goobaha wax barasho ee ku yaal meelaha iska hor imaadyadu ka dhacaan waddanka Soomaaliya. Ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa tacliintooda ku dhammaysta duruufo aad u adag oo la xiriira heerarkooda nololeed sida degganaasho la`aan dhinaca ammaanka, dhaqaalo xumo ay u dheertahay, barakaca iyo la`aanta hannaan dowladeed ee gobolka Hiiraan. Macallimiinta, waalidiinta iyo dadweynaha kale ee gobolka ayaa si isku mid ah iyana arrimahaani ay u saameeyeen, iyagoo dadaal u gala inay bixiyaan wax kastoo dhiirri gelin u noqon kara inay ardaydu duruufahaas qalafsan uga tegin goobaha waxbarashada.

Cismaan Axmed Maxamed oo ka mid ah arday sanadkaan dhammasatay waxbarashada dugsiga hoose/dhexe/sare ee Beledweyne  ayaa Raadiyo Ergo uga warramay duruufaha ay wax ku barteen “Dhibaato ba`an ayaan soo maray muddadii sanadaha ahayd ee aan soo dhiganayey iskuulka,  tiro illaa saddex goor ayaan ka  qaxay Beledweyne colaado jira dartood.”

Ikaraan Cabdi Axmed oo iyana ku faraxsanayd inay dhammaysato dugsiga sare sanadkaan ayaa iyana tiri “Runtii aad baan u faraxsanahay inaan xilli adag oo colaadi jirto aan dhammeeyo waxbarashadii aasaasiga ahayd, waxaan jeclaan lahaana inaan helo jaamacad arrimaha caafimaadka ah, anoo ku hammiyaya inaan helo tacliinta sare ee jaamacadda.”

Arday isaguna ka mid ah kuwa hadda u fadhiya galaaska afaraad ee dugsiga sare ayaa Raadiyo Ergo uga warramay dhibaatada uu ku qabo ammaan xumida “Maalin maalmaha ka mid ah sanadkii tegey anigoo subax isu diyaariyey iskuulka, ayaa gurigaygii intaanan ka bixin qarax agtiisa ka dhacay, dantuna waxay igu qasabtay inaan maalintii oo dhan guriga joogo, anigoo ka baqaya sidoo kale in xitaa guriga laguugu soo galo, waxaa kale oo marar badan aan guriga ugu negaaday iska hor imaadyo, iyo maamullo cusub oo magalada la kala wareegay.”

Xasan Cali Cabdikariin waa maamulaha dugsiga hoose/dhexe/sare ee Beledweyne, wuxuu sheegay in sanad kasta boqollaal arday ka qalin jebiyaan dugisgaas, iyadoo ay jiraan tirooyin kale oo duruufaha jira ay ku qasbeen inay ka tagaan goobaha waxbarashada, iyadoo sanadkaan 2011 iyo 2012 ay ka qalin jebiyeen dugsigaas 118 arday, inkastoo gabdhuhu yihiin tirada ugu yar ee aada goobaha waxbarashada taasoo ay ugu wacan tahay arrimaha ammaanka oo ay baqdini ka jirto, waxaana sanadkaan ardaydii dugsigaan dhammaystay gabdho ahaa 18 keliya.

Isagoo hadlaya wuxuu yiri “Runtii dugsigaan waxaan ku soo wadnay duruufo aad u adag oo dhinaca ammaanka ah, waxaa qasab noqotay inaan muddo badan bixinno fasaxyo aan ku talo gal ahayn oo dagaallo ama isbeddel maamul oo magalada ku yimid nagu keenay, taasina ma ahan mid annaga naga timid ee duruufo ay keeneen colaadaha ayaa qasab ka dhigay,”
Xasan Cali ayaa sidoo kale sheegay inay dhibaatooyin badan  qabaan “Waxaan ku shaqaynaynaa dowlad la`aan, barakaca ayaa kow ka ah dhibaatada haysata waxbarashada Beledweyne, macallinkii iyo ardaygii aad sugaysay ayaan kugu soo noqonaynin, waana mid haysata dhammaan goobaha waxbarashada ee Beledweyne, illaa waqtigaanna aan wax laga qaban, xitaa mararka qaar waxaa loo geystaa dil. Duruufaha kale ee ardayda Beledweyne haysata ayaa ka mid ah bandowga saaran magalada uu billowdo 7-da subaxnimo illaa 11 barqannimo, waxayna badi ku dadaalaan inay xilliyo hore ka baxaan guryahooda, waxaa kaloo bandowgu uu beddelay jadwalkii dugsiyada.”

Mas`uuliyiinta iyo macallimiinta dhiga dugsiyadda Beledweyne ayaa si niyad sami leh u sheegay inay ka go`antahay inay wadaan goobaha wax barashadda duruuf kastoo jirta.

Xaaladaha ammaan ayaa saamayn ku yeeshay ardayda hababka ay ula nool yihiin qoysaskooda, mid ka mid ah ardayda dhigata dugisga hoose dhexe ee Beledweyne ayaa Raadiyo Ergo u sheegay “Walaal anniga waxaan degganahay xaafadda Kooshin, waxaan iskuulka ka dhigtaa xaafadda Camalow ee isbartiibo, waayahan dambe waan ka guuray xaafaddii waalidkey iyagoo igu dhiirri geliyey inaan dego xaafad u dhow iskuulka, horay Keliga ayaan ka gudbi jiray haddase Keligii waxaa ku jira biyo, buundadii webigana waxaa fadhiya ciidan oo lama mari karo bandow ayaa saran, waxaan dul saar ku ahay qaraabo iyadoo walidkay ay deggan yihiin magaalada.”.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa mas`uuliyiinta goobaha waxbarashada ee Beledweyne ay sheegayaan in tiro ku dhow illaa 200 oo arday sanad kasta ay dhammaysato dugsiyada sare, kuwaasoo sanad kasta tacliinta sare ee jaamacadaha u raadsada gobollada kale ee waddanka iyagoo ay dhegahooda ka sii qaylinayaan duruufihii adkaa ee ay ku soo dhammaysteen dugsiyadii sare.

Haddaba maxay tahay wax qabadka jamaacadda Hiiraan ee magalada Beledweyne? Dr. Cismaan Maxamuud Cilmi waa xiriiriyaha jaamacadda “Annaga waxaan qorshaynaynaa wixii karaankeenna ah inaan qaabilno, ayna ka maarmaan ardaydu inay goobo kale u raadsadaan waxbarashada jaamacadeed, waxaan qorshaynaynaa inaan dhisno kulliyado dheeraad ah kuna soo darno jaamacadda, iyadoo hadda ay furan tahay saddex kulliyadood oo kala ah kuliyadda caafimaadka, shareecada iyo tan tiknoolojiyadda, waxanan qorshaynaynaa inaan kulliyado beeraha oo kale ku soo  kordhinno sanadkaan.”

Dhammaad

Cabdullaahi Salaad/MH/FM

Previous Post

Barakacayaal ku dhibaateysan Gedo

Next Post

In ka badan afar kun oo Soomaaliya kuna xiran dhinaca koonfureed ee qaaradda Afrika

Related Posts

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo

November 19, 2025
Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado

October 17, 2025
Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada
Wararkii u Danbeeyay

Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada

September 12, 2025
Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada

September 10, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Dhaqaale la’aan waxbarashada ka reebtay boqollaal arday

August 25, 2025
Next Post
In ka badan afar kun oo Soomaaliya kuna xiran dhinaca koonfureed ee qaaradda Afrika

In ka badan afar kun oo Soomaaliya kuna xiran dhinaca koonfureed ee qaaradda Afrika

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo