
Waddamada lagu xiro maxaabiistan ayaa waxaa ka mid ah Uganda, Tanzania, Rwanda, Brundi, Muzambique, Angola, Botswana, Zambia, Malwi iyo kuwo kaloo badan. Maxamed Maxamuud Guutaale oo ah xoghayaha abaabulka iyo isku xirka guddiga ganacsatada xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi oo dhowaan safar ku maray waddamadaas isla markaana booqday qaar ka mid ah xabsiyada ay maxaabiista Soomaaliyeed ku jiraan ayaa Raadiyo Ergo uga warramay waxyaabihii uu ku soo arkay “Waddamadaas aan maray waxaan ku soo arkay dhalinyaro aad u dhibaateysan 25% waa haween, dalalka Muzambique iyo Tanzania ayaana ugu badan meelaha lagu xiro Soomaalida, waxaan ku soo arkay xaalado qof walboo damiir leh uu ka damqanayo,”
Maxaabiistan oo sababaha loo qabto ay ka mid yihiin iyagoo sharci darro ku soo gala waddamadaas, isla markaana marin uga sii dhigta dalka Koofur Afrika ayaa waxaa gudaha xabsiyada loogu geystaa ciqaab adag, “Dhalinyaradii aan la kulmay waxay ii sheegeen inay nolol ka quusteen, waxaan aad ula yaabay markii aan mid ka mid ah xabsiyada dalka Tanzania ku arkay maxaabiis Soomaaliyeed oo lagu ciqaabayo inay subixii jidadka nadiifiyaan iyo inay beeraha hagaajiyaan oo ay ka guraan khashinka, dhibaato badan oo xagga nolosha iyo caafimaadkana way ku qabaan,” Ayuu mar kale yiri Guutaale.
Saxaraha Kalahari ee u dhaxeeya waddamada Botswana, Namibia iyo Koofur Afrika ayaa dhowaan ay gaajo iyo harraad ugu geeriyoodeen dhalinyaro soomaaliyeed, xilli ay halkaasi tahriib ku marayeen si ay ugu gudbaan waddanka Koofur Afrika.
Ma jiraan safaarado waxqabad muuqda ka geystay sii deynta maxaabiistaas soomaaliyeed, “Safaaraduhu waxay caawin lahaayeen dadka waxayna ka saari lahaayeen xabsiyada, ama UNHCR ayay ku wareejin lahaayeen laakiin dhibaatada taagan waxay tahay dhibaato ayaa soomaalida ka heysata dhinaca diblomaasiyadda, waxqabad muuqdana laguma arko safaaradaha soomaaliyeed.” Ayuu yiri Guutaale.
Sida uu ku sheegay shir jaraa`id oo uu dhowaan magaalada Muqdisho ku qabtay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu kulan la qaatay dhiggiisa Tanzania, Jakaya Kikwete wuxuuna kala hadlay arrimaha maxaabiista iyo sida lagu sii deyn lahaa xilligan “Hadda waxaan wada gaarnay heshiis ah in dhammaan la sii daayo maxaabiista soomaalida waana iga aqbalay madaxweynaha Tansaniya, waxa hadda la sugayana waa in aan u dirno diyaarad soo qaadda dadka oo dib loogu soo celinayo Soomaaliya.” Ayuu yiri madaxweynaha.
Weriyeheenna Faarax Dubbad oo jooga waddanka Muzambique ayaa ku soo warramaya in dhibaatada ay qabaan Soomaalida galeysa dalkaasi ay sii kordhayso maalinba maalinta ka dambaysa, iyadoo tirada dadka magangalyo doonka Soomaalida ah ee gaaraya waddamo ay ka mid yihiin Malawi, Mozambique, Zambia, Koonfur Afrika, Angola iyo Zimbabwe ay sii badanayso.
Asad Maxamad Cali oo isagu horey u ahaan jiray afhayeenka qaxootiga Soomaalida ee ku sugan waddankaasi, haddana ah guddoomiyaha qaxootiyada laga tira badan yahay ee ka soo kala jeeda waddamada Soomaaliya, Eritrea Ethiopia, iyo Uganda ayaa Ergo u sheegay in xerada Marataani oo ku taalla dalka Muzambique la aas`aasay sanadkii 2000 bishii Maarso, markaasoo ay si xooggan u degeen xeradaasi qaxooti ka soo kala jeeda dalalka Congo Burundi iyo Ruwanda.
“Soomaalidu waxay halkaan ku soo gaaran silic iyo saxariir, waxay soo racaan kolkii ay u soo socdaan Mozambique doonyo xun xun oo loogu tala galay in la saaro illaa 50 ruux oo kaliya, balse iyaga waxaa lagu soo saaraa in ka badan 100 ruux taasoo keenta in badda ay ku daataan.” sidaa ayuu Ergo u sheegay Asad Maxamed.
Asad ayaa intaasi ku daray in qaxootiga ay u suura gasho inay ka soo bad baadaan badda ay dhexda kula soo kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin kufsi, jirdil, baarasho, iyo dhiigga oo laga cabo, waxaa sidoo kale uu sheegay Asad in Soomaali badan ay ku xiran yihiin waddanka Tanzania, kuwaasoo doonayay inay soo gaaraan halkaan.
Weli Soomaali badan ayaa ku sii qulquleysa waddamada ay deriska yihiin dalka Koofur Afrika si ay uga sii gudbaan, iyagoo ka soo cararaya dagaalada, abaaraha iyo shaqo la`aanta dalkooda Soomaaliya ka jira.
Faadumo Macallin Abuukar









