
Waddamo ay ka mid yihiin Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Yemen oo kamid ah dalalka gobolka oo ay ku nool yihiin qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed ayaa waxaa hadda ka soconaya munaasabado ay ka qey bgalayaan horjoogayaasha xeryaha qaxootiga, madaxda hay`adda QM iyo kuwa kale ee samafalka ah, dadka qaxootiga ah iyo mas`uuliyiinta goobaha ay magansadeen qaxootigaasi.
Xeryaha Dhadhaab waqooyiga Kenya waa xerada ugu weyn caalamka oo ay ku jiraan qaxootiga u badan caalamka oo tiradooda lagu qiyaasayo inay kor u dhaaftay 460,000 oo qaxooti ah, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka taagnaa cariiri kadib markii ay xeryahaasi la buuxdhaafeen qulqulka qaxooti ka badnaa 100,000 oo sanadkii 2011-ka ka soo barakacay abaarihii macaluusha watay ee ku dhuftay gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo amaan darro baahsan oo ay la kulmeen dadka qaxootiga ah taasoo ka dhalatay markii ay ciidamada Kenya horraantii sanadkan u tallaabaan xuduudda Soomaaliya.
Guddoomiyaha xerada Xagardheere oo ka tirsan Dhadhaab Aadan Guure oo saaka ka hadlay munaasabadda maalinta qaxootiga ayaa sheegay inay jiraan dhibaatooyin adag oo dadka qaxootiga soo foodsaaray.
“Munaasabaddan aad bay muhiim noogu tahay, waxaanu ku soo bandhigeennaa danaheenna, wixii dhib ah ee qaxootiga haysta ayaan kaga hadlaynaa, haddii ay ahaan lahayd dhinaca nabadgelyada, xagda cuntada, caafimaadka iyo dhinac walba waan ka liidannaa, waxaana doonaynaa inaan caalamka ugu bandhigno,” ayuu yiri Aadan
Aadan Guure ayaa sheegay inay maalintan xoogga ku saarayaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaha ka maqan ee qaxootinnimo.
Saraakiisha dowladda Kenya iyo kuwa QM ayaa aaminsan in arrimaha nabadgelyada ay yihiin caqabadaha ugu badan ee ku hor-gudban sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaxootiga ah.
Afhayeenka UNHCR ee Kenya Emmanuel Nyabera ayaa sheegay in ammaanka oo sii xumaanayay lixdii bilood ee la soo dhaafay markii xeryahaas oo ay deggan yihiin ku dhowaad 500,000 oo qaxooti ah shaqaale gargaar laga afduubtay, iyadoo qaraxyana laga gaystay kuwaasoo la tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab ay taasi hoos u dhigtay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka qaxootiga ah.
Dalka Ethiopia, xeryo qaxooti oo ay ka mid tahay xero ku taalla deegaan ka tirsan degmada Doolow Caddow ayaa waxaa ku jira qaxooti badan oo Soomaali ah. Laga soo billaabo bishii July 2011, hay`adda UNHCR ayaa waxay ku qiyaasaysaa in qaxootiga waddanka Ethiopia soo galaya ay tiradooda kor kacday boqolkiiba 67, taasoo u dhiganta in waddankaas ay ku sugan yihiin qaxooti gaaraya 160,000 oo dhalashadoodu ay tahay Soomaali. Lix xero oo cusub ayaa laga xirgeliyay waddankaas shantii sano ee ugu dambaysay, labo ka mid ah waxay ku yaallaan bariga Ethiopia meel u dhaw magaalada Jigjiga, halka afar ka mid ahna ay ku yaallaan koonfur-bari nawaaxiga degmada Doolow Caddow. UNHCR ayaa sheegaysa in tirada dadka qaxootiga ah ay si xad-dhaaf ah u sii korortay sanadkii 2011-ka, xiligaas oo macaluul,abaaro daran iyo amaan darro ay ku dhufteen Soomaaliya, qiyaastii 23,000 oo dad ah ayaa bil kasta sanadkaas gaarayay waddanka Ethiopia.
Dhinaca kale xerada Al-Kharaz oo ku taalla koonfurta waddanka Yemen ayaa waxaa munaasabad loo qabtay maalintan ay dadka qaxootiga ku soo bandhigeen duruufaha ku haysta xeradaas, sida cunto yaraanta, adeegyada biyaha iyo daryeel la`aan.
Haweenka qaxootiga ah ee Al-Kharaz ku sugan oo qaarkood ay xeradaas galeen sanadkii 1991-dii ayaa sheegay in duruufaha nolosha ay ku qasbeen inay waddooyinka ka tuugsadaan, iyadoo xiliyada habeenkii ahna ay dumarkaas la kulmaan kufsi loo gaysto.
Mid ka mid ah haweenka qaxootiga ah ee ku sugan xeradaas ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in kadib markii wiil ay dhashay oo 11-sano jir ahaa uu uga ambaday xeebta ayna muddana baadi-goob ugu jirtay, iyadoo meel duur ah maraysa ay fool ku qabatay kadibna ay waddo dhinaceeda ku dhashay.
“Habeenkii aan soo gaarnay xeebta, wiilkayga oo 11-sano jir ah wuu iga lumay, waayo inaggoo dhan waan dawaqsanayn waayo xitaa aabbihiis waa la garaacay oo madaxa ayaa dhiig uga furmay”.
Shariifo Saalax Calasow ayaa intaas ku dartay “ Aniggoo afar bilood ah ayaan duurka isaga baxay si aan u baadi-goobo wiilkayga, markii aan lix bilood raadiyay ayaan meel duur ah oo buur hoosteed ah ku dhalay, sakiin aan watay ayaan xudunta uga jaray, waxaana aan imid isbitaalka anigoo wata cunuggayga.”ayay tiri .
Maxamed Gaarane/FM










