Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

KHATARTA HIV/AIDS IYO DADKA U NUGUL EE BOOSAASO.

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
June 21, 2012
in Caafimaadka
0
KHATARTA HIV/AIDS IYO DADKA U NUGUL EE BOOSAASO.
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQiyaasta cudurka HIV/AIDs iyo dadka la nool ee guud ahaan gobollada Soomaaliya ayaan si saxan loo hayn, tanoo ay ugu wacan tahay duruufaha maamul iyo adeegyada caafimaad oo yar oo keenay in si aan muuqan cudurkaani ugu fido bulshada, maamul goboleedka Puntland ayuu cudurkaani ka jiraa iyadoo ururrada ka shaqeeyaa arrarimaah cudurkaani waqtigaan niyadasami ay ka muujinayaan heerka baraarugga cudurka ee bulshada dhexdeeda, inkastoo weli heerkii digtooni ee loo baahnaa uusan ka dhex jirin dadka.

Wakiilka hay`adda maarraynta cudurka HIV/AIDs ee Puntland marka la soo gaabiyana la yiraahdo PAC xafiiskeeda Boosaaso Maxamed Cabdillaahi Khuurshe ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in gobollada Puntland oo dhan hannaanka wacyi gelintu si hagaagsan uga socoto, PAC ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyey 4500 oo qof laga helay 270 qof, iyadoo sahankii ugu danbeeyey ee Puntland lagu sameeyey xaddiga cudurkaan iyo dadka la nool lagu ogaaday sanadkii 2005 – 2006 wuxuu ahaa Puntland 1%, iyadoo 2010 mar kale sahan lagu celiyey cudurku hoos u dhacay noqdayna 0. 5% Waqtigaanna tirada la qaatay waxay muujinaysaa in Boosaaso tahay tan ugu korraysa magaalooyinka Puntland ee ay ku nool yihiin dadka qaba HIV/AIDS, waxaana heerka cudurkaani marayaa Boosaaso 1.2% siduu sheegay wiilkaa hay`adda maarraynta cudurka HIV/AIDs xafiiskeeda Boosaaso.

Iyadoo ay tani jirto ayaa darawallada gaadiidka isaga kala goosha gobollada waddanku, dadka balwadda leh iyo ciidamadu noqdeen dadka ugu khatarta badan ee cudurkaani sida baahsan ugu fido,.

Baxsan Xasan Maxamed waa guddoomiyaha dallad ka shaqaysa dhinaca wacyi gelinta cudurka HIV/AIDS lana yiraahdo Badbaado kana dhisan gobollada Puntland, waxayna sheegtay in cudurkaani uu xoog u korayo, iyadoo taasina ay sabab u tahay iska indho tirka bulshada khatarta cudurkaani uu leeyahay, waxayna sheegtay in darawallada gaadiidka gobollada isaga kala goosha, dadka balwadaha leh iyo goobaha ay ku kulmaan ay kow ka yihiin meelaha ugu badan ee cudurkaani ku sii fido.

Bilaal Cabdiraxmaan waa agaasimaha dalladda isku xirka wacyi gelinta dhalinayrada Boosaaso ee YAHAN, wuxuu sheegay inay xoogga saaraan sidii ay dugsiyada sare iyo dhalinyarada u dhex geli lahayeen, iyagoona ururiyey dadka qaba cudurkaan ee ku nool Puntland, haddana xafiisyo ku leh gobollada, wuxuuna intaas ku daray Bilaal inay dadka cudurkaan qaba iyagu hadda qayb weyn ka qaataan dhinaca wacyi gelinta sidii la isaga ilaalin lahaa cudurkaan, iyadoo ay jiraan dad badan oo weli cudurkaan khatartiisa aysan gaarin tahayna muhiimaddu in xoogga la saaro sidii dadkaas lagu gaari lahaa looguna sharrixi lahaa halista HIV/AIDS.

Cali Muuse Kobra waa mid ka mid ah dadka la nool cudurkaan, waana guddoomiyaha dalladda dadka qaba cudurkan HIV/AIDS kana dhisan Puntland xafiiskooduna yahay Boosaaso, wuxuuna Raadio Ergo u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qayb qaato wacyi gelinta bulshada khatarta cudurka, isagoo hadlayana wuxuu yiri“Aniga runtii intuusan cudurku igu dhicin waxaan ahaa nin meel kasta isaga dhaca balwad badan leh, wuxuuna cudurku igu dhacay xilli aan qayili jiray askarina ahaa, waqtigii i soo maray haddaan dib u xasuustana wax badan oo dayac dhinacayga ka yimid ayaa sabab u ahayd qaadistii aan qaaday cudurkaan” isagoo intaas ku daray Kobra in inkastoo ay hadda xafiis iyo dallad leeyihiin dadka cudurkaan la nooli haddana weli ay jirto takoorkii bulshadu ku haysay, taasina ay tahay arrin loo baahan yahay in laga gudbo lana fahmo in cudurku cid kasta uu ku dhici karo, loose baahan yahay in si wada jir ah la isaga kaashado joojinta fiditaankiisa.

Haweeya Cabdalle Guuleed waa madaxa xarunta VCT ee ku taal isbitaalka guud ee Boosaaso waxayna Raadiyo Ergo u sheegtay in xaaladah VCT Boosaaso la furay October 2006, waqtigaas waxay ahayd meel farta lagu fiiqi jiray qofkii soo gelaya, haddase dadku si iskood ah ayey u yimaadaan iyagoo raba baaritaan ku salaysan inay ogaadaan xaaladdooda caafimaad, waxaa yimaada dadka raba inay is guursadaan si ay u xaqiijiyaan caafimaadkooda, waxayna sheegtay Haweeya in xawligii cudurkaani uu sii kordhayo, iyadoo taas u sababaysay dadka soo gelaya Boosaaso iyo kuwa ka baxaya oo badan, waxayna walaac ka muujisay in dadka qaba cudurkaan ee ay daawooyinka u billaabaan ay yihiin dad socoto ah oo meelo kale u sii hayaama, ayna toddobaad kasta dad cusubi yimaaddan muddo kooban ka dibna ay waayaan meel ay aadeen iyagoon laga warqabin, taasina waa dhibaato jirta, waxayna hadalkeedii ku sii dartay in qofka qaba cudurkaan ee tegaya looga baahan yahay inuu sii qaato daawo ku filan maalmaha socodkiisa iyo warqado caddaynaya xaaladihiisa caafimaad, si goobaha uu tago looga sii wado daaweyntiisa.

Dhamaad.
Mohamed Hassan

Previous Post

Maalinta qaxootiga caalamiga ah ee 20-ka June

Next Post

KUFSI LAGU HAYO HAWEENKA KU NOOL XERYAHA BARKAACA EE MUQDISHO

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
KUFSI LAGU HAYO HAWEENKA KU NOOL XERYAHA BARKAACA EE MUQDISHO

KUFSI LAGU HAYO HAWEENKA KU NOOL XERYAHA BARKAACA EE MUQDISHO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo