
Aamino Cabdullaahi waa gabar yar oo 15 jir ah waxay ku nooshahay mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha Magaalda Muqdisho, xilli habeen ah ayay ii sheegtay nin ku hubeysan mindi inuu u soo dhacay buush ay hurdaysay kaligeed “Habeenkii Jimcada ahayd ayaa waxaa igu dhacay tuug ayaa buushkeyga iigu soo galay anigoo hurdaayo, mindi ayuu dhuunta iga saaray car hadal ayuu i dhahay, wuu i kufsaday, markuu iga tagay ayaan u soo garguurtay buush kale oo dariskeyga ah gabar joogtay ayaan u sheegay” sidaasi waxaa sheegtay Aamino Cabdullaahi oo dhibbane ah.
Tacaddiyada noocan ah ee ku dhaca haweenka ayaa ah kuwo ku soo badanaya xeryaha barakacayaasha , waxeyna kuu sheegayaan haweenka ku dhaqan kaamamka in inta badan dhacdooyinka noocan ah ay qariyaan kolka haweeney la kufsado ama la jirdilo iyadoo xoolo laga doonayo ay ku qasbanthaay inay qariso tacaddiga ku dhaca sababo la xiriira ammaankooda.
Sidaasi si la mid ah haweeney uur lahayd oo magaceeda diidday in la isticmaalo sababo dhanka ammaanka ah oo iyana kufsi iyo jir dil uu u geystay sida ay ii sheegtay nin ku hubeysan bastoolad ayaan kula sheekaystay mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee gudaha magaalada muqdisho, iaydoo ka sheekaynaysa waxa ku dhacay waxey tiri “ Habeen Saacaddu ay tahay 11 habeennimo ayaa nin tuug ah ii soo galay guriga, aniga iyo ilmahayga ayaa isla jiifnay, Bastoolad ayaa wadnaha la iiga qabtay waa la i kufsaday, uur ayaan lahaa, dhiig badan ayaa iga baxay ilmihi waa iga soo hallaabeen isbitaal ayaana la igeeyay, hadda xitaa wadnahayga waa garaacmayaa, dhabarkana waa I xanuunayaa”.
Haddaba iyadoo ay jiraan tacaddiyada kufsiga ah ee lagula kaco haweenka ku sugan xeryaha barakacayaasha, ayaa dhinaca kale waxaa jira hay`ado gargaar yar siiya haweenka lagu xadgudbo.
Sidaar Ibraahim waxay ka tirsantahay hay`adda daryeelka haweenka iyo carruurta ee ka shaqeysa magaalada Muqdisho, waxay ka qeyb qaadataa wacyi galin loo sameeyo haweenka ku dhaqan xeryaha barakacayaasha iyagoo ku dhiiri galiya haweenkaasi sida ay ii sheegtay iney soo bandhigaan tacaddiyada ku dhaca , waxaanse marka hore weydiiyay sida ay ula macaamilaan kolka ay la kulmaan haween la kufsady, “Waxaan ugu tagnaa buushashka ay deggan yihiin, waan waraysanaa, gurmad ayaan u samaynaa isbitaalka ayaan la xiriirinnaa si daawooyin ay u helaan, waa nagu kalsoon yihiin innaga.”
Si kastaba ha ahaatee xadgudubyada noocan ah ee lagula kaco qaar ka mid ah haweenka barakacayaasha ah ayaanan jirin cid si rasmi ah u damaanad qaadda iney wax ka qabato, iyadoo inta badan lagu tuhmo inay ka dambeeyaan ragga hubeysan iyo kuwa daroogada isticmaala.
Sacdiyo Mohamed/FM/MH










