Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Soomaali lagu dilay Koonfur Afrika

Radio Ergo by Radio Ergo
June 19, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Soomaali lagu dilay Koonfur Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank19 June, 2012 NAIROBI Weli waxaa dalka Koofur Afrika ka socdo dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee mehradaha ganacsi ku leh gudaha dalkaasi. 17-kii bishan ayaa laba dhalinyaro soomaaliyeed oo ganacsi ku lahaa magaalada Cape town ee dalka Koofur Afrika lagu dilay mehraddoodii ganacsi, kadib markii ay soo weerareen kooxo hubeysan oo dalkaasi u dhashay.

Siyaad Xuseen Cismaan oo ah weriye madax bannaan oo ku sugan Cape town ayaa Raadiyo Ergo uga warramay sida ay wax u dhaceen “Habeennimadii axaddii ayaa kooxo burcad ah ay soo weerareen dukaan ay lahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed, halkaasna waxay ku dileen laba qof, dhacdadaan cusubna aad ayay u argagax gelisay ganacsatada Soomaaliyeed.”

Labada qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Barre Xuseen iyo Cabdifitaax Xasan Cali, afhayeenka booliiska dalkaasi oo goobta soo gaaray ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan dilkaasi, iyagoo ugu baaqay Soomaalida inay la shaqeeyaan booliiska.

Dhowaan ayaa waxaa magaalada Muqdisho gaaray wafdi ka socday dalalka Koofur Afrika iyo Muzambique oo uu hoggaaminayay wasiirka dastuurka iyo cadaaladda Koofur Afrika Mr. Jeffrey Radebe, waxayna kulan la qaateen madax ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Raysal wasaare Cabdiwali Maxamed Gaas oo wafdigaasi la kulmay ayaa kala hadlay arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalkooda ku sugan, gaar ahaan dowladda Koofur Afrika ayuu ka codsaday inay ku dadaasho sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dilalka lagula kaco Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika ayaa caado ka noqotay dalkaasi, iyadoo boob iyo dhacna loo geysto dukaamadooda, dhowr jeer oo hore ayay kulamo dhex mareen dowladda dalkaasi iyo Soomaalida, kulamadaasoo looga hadlayay dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida balse weli wax muuqda lagama qaban.

MG/FM

Previous Post

BANDOW HABEENKII AH OO LAGU SOO ROGAY AFGOOYE

Next Post

Maalinta qaxootiga caalamiga ah ee 20-ka June

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Maalinta qaxootiga caalamiga ah ee 20-ka June

Maalinta qaxootiga caalamiga ah ee 20-ka June

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo