Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

QM oo ku baaqday in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku sugan wadada afgooye

Radio Ergo by Radio Ergo
May 23, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
QM oo ku baaqday in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku sugan wadada afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankIskahorimaadyo u dhaxeeya ciidamada dawladda KMG ah ee Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada midawga Afrika ee AMISOM  iyo Alshabaab ayaa ka soo cusboonaaday duleedada magaalada Muqdisho, iyo qeyb ka tirsan degmada Dayniile halkaasoo ay ku sugan yihiin dad  rayid ah.

Degaanada qaar ee ay ku noolaayeen dadka barakacayaasha  sida degaanada , Ceelasha biyaha, Lafoole.Km13,Carbiska, Calamada iyo Garasbaalley ayaa waxaa ka billowday barakac kaddibmarkii cabsi iyo walwal xoogan ay soo foodsaartay dadka rayidka ee goobahaas ku sugan, kuwaa oo walwal ka qaba in dagaaladu ay ku dhex qabsadaan guryaha u badan cooshadaha oo ay deganyihiin.

Radio Ergo waxaa u suurtagashay  inay wareysi ku aadan arrimahaas ay kala yeelato ku xigeenka xiriiriyaha howlaha bini,aaddanimo ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Kilian Kleinschmidt, Maxamed Gaarane oo wareystay ayaa ugu horeyn waydiiyay waxa uu kala socdo dhaqdhaqaaqyada AMISOM iyo TFGda ee ku wajahan wadada Afgooye.

Jawaab:-Hagaag, runtii, anigu ma ihi askari , waxaan ahay shaqaale gargaar, markaanigu safka hore  kuuma sheegi karo waxahalkaa ka socda, sidaas  darteed waxan  ognahay, in ciidamada AMISOM iyo TFGda ay udhaqaaqeen dhinaca Afgooye illaa saakay,  waxaan iska diidayaa inaan faah faahin kabixiyo dhaq dhaqaaqyadan laakiinse waa wax aan yaabinagu  noqonaynin inaga oo dhan.

Su’aal:-Maxaad ka qabateen adinka iyo hay,adaha kale iyo Amisom si loo xaqiijiyoammaanka tobanaanka kun ee rayidka ah eek u sugan waddada Afgooye?

Jawaab:-Haa, tan waa dabcan mida noogu walaaca badan in dadka rayidka ah ee ku haray waddadaasla ilaaliyo, oo lagu darsado habka dagaalka hadda socda loo dejiyay oo aygoobahan yihiin kuwa si aad ah loo degganyahay, inkastoo dad badan ay ka sooguureen, waxaan ognahay in dad badan ay yimaadeen Muqdisho bishii Febraayo  halkaa oo ay dad badan ku soo laabteen,waxaan sidoo kale ognahay in muddo kaddib ay suuqa Bakaaraha oo hadda furan ay dadiyo ganacsato ku soo laabteen, sidoo kale dad kale oo barakacay ayaa Muqdishoku soo laabtay si ay gar gaar u helaan laakiinse tirade  guud lama oga, waad saxantahay in tobonaan kunay wali joogaan waddada, waanu ka wlaaac sannahay, waxaannu la hadalnay AMISOM,waxaan la hadalnay TFG in xaga militariga la xaqiijiyo aysan dhicin dhacdo waynoo waxyeelo soo gaar siiso dadka rayidka ah, sidaa darteed taas waa la qabtay,waxaad aragtay war saxaafadeed ka soo baxay AMISOM oo ay ku caddeyd ilaalintadadka rayidka, waanu soo dhawaynaynaa taas, dabcan waxaanu isku dayaynaa inaangaarno dadka sida ugu dhaqsiyaha  badanlaakiinse waxaa muhiim ah dhaq dhaqaaqa gargaarka , waana inuu ahaadaa mid sicaddaalad ah loo gaarsiiyo dadka.

Su’aal:-Mudane dadka doonaya in ay ka soo laabtaan goobaha la isku hayo sida waddadan oo kale haddii aad ka soo qaaddid naftaada sida qof barakacay oo Afgooye jooga oo aad dabcan jeclaan lahayd inaad u soo laabatid magaalada Muqdisho,waxaadrabi lahayd inaad hesho adeeg sida meel aad degtid ,cunno marka waxyaabahaas mau diyaarsan yihiin dadka doonaya in ay soo laabtaan?

Jawaab:-Hagaag, waxaa jira gargaar laga heli karo Muqdisho oo dhan, taas waa dhab, waxaajira qiyaastii 200,000 kun qoffood  oodadka baracay ah oo jooga meel bannaan ah  oo magaalada ah, taas  dabcan waa  gargaar aan kalsooni badan lagu qabi Karinmarka loo eego tiradaas  waxaan  sidoo kale sheegayaa in meelaha qaar aansidii loogu talo galay loo qeybin gargaarka ,  hadda gaaritaanka magaalada oo dhan waamacquul, waa wax u baahan inaanu uga faaíidaysanaa sida ugu dhaqsiyaha badan,waayo waxaanu ogaanay in in meelaha qaar biyo wanaagsan laga heli karo  laakiinse cunto kama heli kartid, meel kale waxaa laga yaabaa in aad gaysay adeegyo kale laakiinse nadaafad fiican majirto. Xaga guryaha waa dhibaato ka jirta magaalada oo dhan sidaa darteed gargaar waa jiraa  marka dhibaatada ugu badan waxa ay tahay dadku waxa ay dhibaato ku qabaan inay helaan qaar kamid ah kuwaan,waayo waxaa jira dad aad iyo aad u badan oo safaf u gala sidii ay cunto ku heli lahaayeen, sidii ay caafimaad u heli lahaayeen iwm, marka waa mid kamid ah sababaaanu dadka ugu dhiiri gelinayno inay joogaan goobaha ay ku sugan yihiin.

Su’aal:-Ma u sheegteen in dadka ay tagaan goobo ay ku badbaadi karaan oo ay is dhawraan,idaacadahase ma u marsiiseen farriimo ah in ay is dejiyaan, waxaan ka maqlaynay dad jooga Afgooye in ay cabsi halkaas ka jirto?

Jawaab:- Haa waxaa jiray, farriimo la isla gartayoo dadka loo jeediyay , waxaase laga yaabaa inaysan gaarin qof walba, sidookale AMISOM iyo TFG, horay ayay u soo saareen ,  in tan ugu wanaagsan aytahay xaqiiqdii inaan la dhaqd haqaaqin xaaladdan oo kale, si la isaga ilaaliyoin aan dad rayid ah waxba loo gaysan xilliyada ay howlgalada socdaan, sidaadarteed waxaa rajeynaynaa in mar kale ay tan tahay macquul, sidoo kaledhinacyadana  ay tix gelinayaan ilaalintadadka rayidka ah , marka laga soo tago wax walba  iyaga ayayna ku xirantahay, dabcan dadku waxaay oranayaan ma aanaan ogeyn, waa ay walaac sanyihiin, waxayna u baahan yihiinin la tix geliyo, waa mid cad in howlgal military oo kasta uu walaac ku abbuurobulshooyinka, Sidaa darteed wax walba oo dhacaya waxaanu rajeynaynaa inay kusoo dhamaadaan si deg deg ah oo dhaqso badan, oo ay ciduna ku dhicin dhaawacaan loo baahnayn.

Suaal:-Mudane ugu dambeyntii nafsi ahaantaada maxay kula tahay saamaynta ay colaaduhu ku keeni karaan dadka rayidka ah xiligan?

Jawaab:-Sidii aan sheegay, waxaannu  samaynay qorshayaal dhawr ah oo ku aaddan dhaqdhaqaaqa dadka ,mar kale waxaan carrabka ku dhajinaynaa inaanu jecelnahay inaanu gaarno  goobaha ay dadku deggan yihiin sida ugu dhaqsiyaha  badan, maanta arrintaan waan ku adkeeyay AMISOM, in sida ugu dhaqsaha badan oo xaaladda ammaan noogu saamaxayso aan ku gaarno, waxaanu rajeynayaa inaan gaarno goobaha waddada Afgooye waxaan sidoo kale jeclaan lahaa  inaan caddeeyo  in ay tahay nasiib darro in muddo bilo ah aanaan awood gaaritaan u helin sidii loo baahnaa, ma doonayo in aan cid gaar ah farta ku fiiqo, laakiinse awood uma aanan lahayn inaan ku gaarno bulshooyinka sidaa darteed, ganacsiga iyo howlaha gargaarka  oo gaara goobahaas waa mid muhiim ah hadda.

MG/AA

Previous Post

Biyo la’aan ka taagan degmada garbahaarey

Next Post

Barakac ka taagan duleedada muqdisho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Barakac ka taagan duleedada muqdisho

Barakac ka taagan duleedada muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo