
Degaanada qaar ee ay ku noolaayeen dadka barakacayaasha sida degaanada , Ceelasha biyaha, Lafoole.Km13,Carbiska, Calamada iyo Garasbaalley ayaa waxaa ka billowday barakac kaddibmarkii cabsi iyo walwal xoogan ay soo foodsaartay dadka rayidka ee goobahaas ku sugan, kuwaa oo walwal ka qaba in dagaaladu ay ku dhex qabsadaan guryaha u badan cooshadaha oo ay deganyihiin.
Radio Ergo waxaa u suurtagashay inay wareysi ku aadan arrimahaas ay kala yeelato ku xigeenka xiriiriyaha howlaha bini,aaddanimo ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Kilian Kleinschmidt, Maxamed Gaarane oo wareystay ayaa ugu horeyn waydiiyay waxa uu kala socdo dhaqdhaqaaqyada AMISOM iyo TFGda ee ku wajahan wadada Afgooye.
Jawaab:-Hagaag, runtii, anigu ma ihi askari , waxaan ahay shaqaale gargaar, markaanigu safka hore kuuma sheegi karo waxahalkaa ka socda, sidaas darteed waxan ognahay, in ciidamada AMISOM iyo TFGda ay udhaqaaqeen dhinaca Afgooye illaa saakay, waxaan iska diidayaa inaan faah faahin kabixiyo dhaq dhaqaaqyadan laakiinse waa wax aan yaabinagu noqonaynin inaga oo dhan.
Su’aal:-Maxaad ka qabateen adinka iyo hay,adaha kale iyo Amisom si loo xaqiijiyoammaanka tobanaanka kun ee rayidka ah eek u sugan waddada Afgooye?
Jawaab:-Haa, tan waa dabcan mida noogu walaaca badan in dadka rayidka ah ee ku haray waddadaasla ilaaliyo, oo lagu darsado habka dagaalka hadda socda loo dejiyay oo aygoobahan yihiin kuwa si aad ah loo degganyahay, inkastoo dad badan ay ka sooguureen, waxaan ognahay in dad badan ay yimaadeen Muqdisho bishii Febraayo halkaa oo ay dad badan ku soo laabteen,waxaan sidoo kale ognahay in muddo kaddib ay suuqa Bakaaraha oo hadda furan ay dadiyo ganacsato ku soo laabteen, sidoo kale dad kale oo barakacay ayaa Muqdishoku soo laabtay si ay gar gaar u helaan laakiinse tirade guud lama oga, waad saxantahay in tobonaan kunay wali joogaan waddada, waanu ka wlaaac sannahay, waxaannu la hadalnay AMISOM,waxaan la hadalnay TFG in xaga militariga la xaqiijiyo aysan dhicin dhacdo waynoo waxyeelo soo gaar siiso dadka rayidka ah, sidaa darteed taas waa la qabtay,waxaad aragtay war saxaafadeed ka soo baxay AMISOM oo ay ku caddeyd ilaalintadadka rayidka, waanu soo dhawaynaynaa taas, dabcan waxaanu isku dayaynaa inaangaarno dadka sida ugu dhaqsiyaha badanlaakiinse waxaa muhiim ah dhaq dhaqaaqa gargaarka , waana inuu ahaadaa mid sicaddaalad ah loo gaarsiiyo dadka.
Su’aal:-Mudane dadka doonaya in ay ka soo laabtaan goobaha la isku hayo sida waddadan oo kale haddii aad ka soo qaaddid naftaada sida qof barakacay oo Afgooye jooga oo aad dabcan jeclaan lahayd inaad u soo laabatid magaalada Muqdisho,waxaadrabi lahayd inaad hesho adeeg sida meel aad degtid ,cunno marka waxyaabahaas mau diyaarsan yihiin dadka doonaya in ay soo laabtaan?
Jawaab:-Hagaag, waxaa jira gargaar laga heli karo Muqdisho oo dhan, taas waa dhab, waxaajira qiyaastii 200,000 kun qoffood oodadka baracay ah oo jooga meel bannaan ah oo magaalada ah, taas dabcan waa gargaar aan kalsooni badan lagu qabi Karinmarka loo eego tiradaas waxaan sidoo kale sheegayaa in meelaha qaar aansidii loogu talo galay loo qeybin gargaarka , hadda gaaritaanka magaalada oo dhan waamacquul, waa wax u baahan inaanu uga faaíidaysanaa sida ugu dhaqsiyaha badan,waayo waxaanu ogaanay in in meelaha qaar biyo wanaagsan laga heli karo laakiinse cunto kama heli kartid, meel kale waxaa laga yaabaa in aad gaysay adeegyo kale laakiinse nadaafad fiican majirto. Xaga guryaha waa dhibaato ka jirta magaalada oo dhan sidaa darteed gargaar waa jiraa marka dhibaatada ugu badan waxa ay tahay dadku waxa ay dhibaato ku qabaan inay helaan qaar kamid ah kuwaan,waayo waxaa jira dad aad iyo aad u badan oo safaf u gala sidii ay cunto ku heli lahaayeen, sidii ay caafimaad u heli lahaayeen iwm, marka waa mid kamid ah sababaaanu dadka ugu dhiiri gelinayno inay joogaan goobaha ay ku sugan yihiin.
Su’aal:-Ma u sheegteen in dadka ay tagaan goobo ay ku badbaadi karaan oo ay is dhawraan,idaacadahase ma u marsiiseen farriimo ah in ay is dejiyaan, waxaan ka maqlaynay dad jooga Afgooye in ay cabsi halkaas ka jirto?
Jawaab:- Haa waxaa jiray, farriimo la isla gartayoo dadka loo jeediyay , waxaase laga yaabaa inaysan gaarin qof walba, sidookale AMISOM iyo TFG, horay ayay u soo saareen , in tan ugu wanaagsan aytahay xaqiiqdii inaan la dhaqd haqaaqin xaaladdan oo kale, si la isaga ilaaliyoin aan dad rayid ah waxba loo gaysan xilliyada ay howlgalada socdaan, sidaadarteed waxaa rajeynaynaa in mar kale ay tan tahay macquul, sidoo kaledhinacyadana ay tix gelinayaan ilaalintadadka rayidka ah , marka laga soo tago wax walba iyaga ayayna ku xirantahay, dabcan dadku waxaay oranayaan ma aanaan ogeyn, waa ay walaac sanyihiin, waxayna u baahan yihiinin la tix geliyo, waa mid cad in howlgal military oo kasta uu walaac ku abbuurobulshooyinka, Sidaa darteed wax walba oo dhacaya waxaanu rajeynaynaa inay kusoo dhamaadaan si deg deg ah oo dhaqso badan, oo ay ciduna ku dhicin dhaawacaan loo baahnayn.
Suaal:-Mudane ugu dambeyntii nafsi ahaantaada maxay kula tahay saamaynta ay colaaduhu ku keeni karaan dadka rayidka ah xiligan?
Jawaab:-Sidii aan sheegay, waxaannu samaynay qorshayaal dhawr ah oo ku aaddan dhaqdhaqaaqa dadka ,mar kale waxaan carrabka ku dhajinaynaa inaanu jecelnahay inaanu gaarno goobaha ay dadku deggan yihiin sida ugu dhaqsiyaha badan, maanta arrintaan waan ku adkeeyay AMISOM, in sida ugu dhaqsaha badan oo xaaladda ammaan noogu saamaxayso aan ku gaarno, waxaanu rajeynayaa inaan gaarno goobaha waddada Afgooye waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan caddeeyo in ay tahay nasiib darro in muddo bilo ah aanaan awood gaaritaan u helin sidii loo baahnaa, ma doonayo in aan cid gaar ah farta ku fiiqo, laakiinse awood uma aanan lahayn inaan ku gaarno bulshooyinka sidaa darteed, ganacsiga iyo howlaha gargaarka oo gaara goobahaas waa mid muhiim ah hadda.
MG/AA










