Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gaari lagu rasaaseeyay duleedka xerada qaxootiga Xagardheer

Radio Ergo by Radio Ergo
May 15, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHal ruux ayaa ku dhintay saddex kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan ka dib markii kooxo hubaysan ay rasaas ku fureen gaari nooca mini baska ah oo ay saarnaayeen rakaab, kaasoo marayay duleedka xerada qaxootiga Xagardheer, ee deegaanka Dhadhaab dalka Kenya.
Gaariga lagu furay rasaasta ayaa lagu soo warramay inuu isaga kala gooshayay xerooyinka qaxootiga Xagardheer iyo Ifo, oo labaduba ka tirsan xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab.

Ruuxa dhintay ayaa wuxuu ka mid ahaa rakaab xilligaasi u socday xerada qaxootiga ee Ifo, saddexda ruux ee dhaawacantay ayaa loola cararay isbitaalka xerada qaxootiga Dhadhaab, halkaasoo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo.

“Waxaan ka warhelnay dhawaqa xabado gaarigeenna ku dhacaya wax yar ka dibna wiil agtayda fadhiya ayay dhuunta kaga dhaceen rasaas nalagu soo riday, bartii ayuuna ku dhintay,” sidaana waxaa Ergo u sheegtay Aamina Cabdulqaadir oo ka mid ahayd rakaabkii saarnaa gaarigaasi la huwiyay tacshiiradda, Aamina ayaa intaasi raacisay in sidoo kale ay isla gaariga dhexdiisa ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale, waxayna sheegtay in wadihii gaarigaasi uu cararay isagoo ka baqanaya inay waxyeello soo gaarto, waxaana ay intaasi raacisay in ninkii meydka ahaa ay halkii kaga soo tageen dhaawacii iyo ayadana ay soo gaareen xerada qaxootiga Xagardheer.

“Waxay na dhaheen ma haysaan sigaar,  rakaabkii ayaa ku jawaabay maya, haddana waxay na su`aaleen aaway wadihii gaariga waa uu cararay ayaan dhahnay, wey nagu qayliyeen cabbaar waxay nagu amreen inaan lacago isugu darno illaa dhowr kun oo shilinka Kenya ah ayay naga qaateen.” ayay hadalkeedii ku soo gabagabeysay Aamina oo sheegtay in raga falka geystay ay is qarinayeen iyagoo ka baqanayay in la aqoonsado.

Toddobaadkii aanu ka soo gudubnay ayay ahayd markii kooxo hubaysan ay dileen laba nin oo mid kamid ah uu ka soo jeeday qawmiyadda loo yaqaano Gambella kan kalana uu ahaa Soomaali, kuwaasoo ka mid ahaa rakaab saarnaa gaari u socday xerada qaxootiga Xagardheer waxaana isla gaarigaasi kooxdaasi ay ku dhaawaceen haweeney uur leh.

Xaalado ammaan darri ah ayaa muddooyinkaan dambe laga soo sheegayaa xerooyinka qaxootiyada, iyadoo qarax uu isla maanta galinkii dabe ka dhacay xerada qaxootiga dhagaxleey kaasoo wararku sheegayaan inuu ku dhintay mid ka mid ah ciidamada waddanka Kenya, saddex kale oo ka tirsan ciidankana ay dhaawacyo soo gaareen.

Dhammaan waxaa xiran goobaha ganacsig,a mana jiraan illaa iyo hadda wax dhaqdhaqaaq ah oo ka jira Dhagaxleey xeraduna waxay ku jirtaa xaalad bandow ah.

Farxaan Lafoole/AA/MG/FM

Previous Post

WASAARADDA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KORMEERTAY GOOBO AY KA JIREEN CAAFIMAAD DARRO

Next Post

Digniin! been abuurasho shakhsiyaad iska dhigaya inay u shaqeeyaan IOM

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Digniin! been abuurasho shakhsiyaad iska dhigaya inay u shaqeeyaan IOM

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo