Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

WASAARADDA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KORMEERTAY GOOBO AY KA JIREEN CAAFIMAAD DARRO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
May 15, 2012
in Caafimaadka
0
WASAARADDA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KORMEERTAY GOOBO AY KA JIREEN CAAFIMAAD DARRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMadaxa dawaynta iyo ka hortagga cudurka Duumada ee wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland Cabdikariim Xuseen Xasan ayaa sheegay in kooxo caafimaad oo ka socda wasaaradda caafimaadka Puntland ay kormeero ku saabsan daweyn iyo ka hortagid cudurka Duumada ay ku tageen degmooyin hoos yimaada gobollada Nugaal iyo Mudug.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay madaxa daaweynta iyo ka hor tagga cudurka Duumada ee wasaaradda caafimaadka Puntland idaacadda Ergo ayuu ku sheegay in ujeeddada koowaad ee kormeerkoodu ay ahayd wax ka ogaanshaha xaaladda cudurka Duumada,waxaan bixinnay dawooyin ku saabsan ka hortagga cudurka Duumada kuwaasoo aan siinnay caruurta da.doodu ka hooseyso shanta sano,iyo hooyooyinka ,waxaanana marnay melo badan oo ay ka jiraan xaalado banii,aadaminimo iyo xaalado caafimaad darro,runtii dawooyin ayaanan ka qaybinnay dhammaan goobahaasi.

Dhinaca kale, madaxa ka hortagidda iyo daaweynta cudurka malaariyada Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa sheegay in qorshaha kooxdaan dhakhaatiirta ah uu ku aaddanaa in gobollada Nugaal iyo Mudug oo ah dhul hawd ah ay ka bixiyaan daawooyin, isagoona sheegay in ay jiraan baahiya dhanka caafimaadka ah oo ay tabayaan gobollada kale ee Puntland.

“Degmooyinka aan tagnay waxay isugu jireen kuwa leh xaruma caafimaad iyo kuwa aan lahayn, dadka reer guuraaga ah waxaa saamayn xooggan ku leh xanuunka Qufaca” sidaana waxaa Ergo u sheegay Cabdikariin Xuseen Xasan madaxa daweynta iyo ka hor tagga cudurka Duumada ee wasaaradda caafimaadka Puntland isagoona intaasi ku daray in degaanadii ay soo mareen aysan ku soo arkin caruur u geeriyootay xanuunadaasi balse waxaa uu sheegay in dadku ay cabanayeen cudurka Jadeecada.

Dhanka kale Qaar ka mid ah dadka degaanka oo ay la xiriirtay idaacadda Ergo ayaa sheegay in ay jiraan caruur u geeriyootay cudurada Shubanka iyo jadeecada.

Ugu dambayntii Madaxa ka hortaga iyo daweynta cudurka duumada wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa sheegay in dadka reer miyiga ah ay si diiran u soo dhaweeyeen kooxdaan caafimaad ee booqday deegandooda waxaana uu tilmaamay inay baahi u qabeen in wasaaradda caafimaadka Puntland ay xarumo caafimaad ka hirgaliso dhulka ay joogaan. Si ay u yaraato dhimashada badan ee soo waajahda sanad walba caruurrta ka yar shanta sano.

Maxamed Cabdullahi Kooshin/AA/MG

Previous Post

Barakacayaal ku dhibaataysan nawaaxiga dhoobley

Next Post

Gaari lagu rasaaseeyay duleedka xerada qaxootiga Xagardheer

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Gaari lagu rasaaseeyay duleedka xerada qaxootiga Xagardheer

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo