Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dagaal ka dhacay Garbahaarrey oo waxyeello u geyestay cisbitaalka guud ee degmadaasi.

Radio Ergo by Radio Ergo
March 1, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dagaal ka dhacay Garbahaarrey oo waxyeello u geyestay cisbitaalka guud ee degmadaasi.
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

01 March, 2012 GEDO

blankWararka laga helayo degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus oo socnayay muddo ka badan illaa 7 saacadood in fiidnimadii xalay uu degmadaasi ku dhex maray Ciidamo ka kala tirsan kuwa DKMG iyo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, iyadoo dagaalkaasina uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ah ee soo kala gaarey dhinacyadii ku dagaallamay degmadaasi,inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dagaalkaasi in ay ku geeriyoodeen illaa 6 ruux, halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkaasi oo markii dambe si iskiisa ah u is taagay, ayaa waxyeelladii ugu darneyd waxay ka soo gaartay cisbitaalkii guud ee degmada Garbahaarrey, gaar ahaan qeybta Sheybaarka iyo daawada, ka dib markii ay ku dhaceen tiro madaafiic ah, taasina waxay keentay in halkaasi ay ku bas beelaan sheybaarkii iyo daawadii cisbitaalka keydka u ahayd.

Aadan Cabdi Xaashi (Aadan Goomey) oo ah maamulaha cisbitaalka degmada Garbahaarrey, oo u warramayay Raadiyo ERGO ayaa walwal xooggan wuxuu ka muujiyey saameynta dagaalkii xalay ka dhacay degmada Garbahaarrey iyo khasaaraha uu ku keenay adeeggii Caafimaad ee ka jiray degmada Garbahaarrey iyo waliba degmooyinka kale ee gobolka Gedo, isagoo sheegay Sheybaarkani inuu ahaa midka keliya ee ay isticmaali jireen Xarumaha Caafimaadka ee ku yaalla degmooyinka Garbahaarey, Ceelwaaq, Buurdhuubo, Baardheere iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bay.

Aadan Goomey, ayaa wuxuu intaa ku darey in bukaannada ku jira cisbitaalka iyo weliba dadka caadiga ah ee ku nool degmada inay soo food saartay cabsi la xiriirta daawo la`aan ka soo cusboonaatay deegaanka, xilligan oo uu tilmaamay in waddooyinkii ay soo marayeen daawada ay saameyn ku yeelatay dagaallada iyo xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolka.

Sidoo kale dagaalka ka dhacay degmadaasi, ayaa waxay wararku sheegayaan inay ku barakaceen qaar ka mid ah qoysaskii ka ag dhowaa goobta uu dagaalku ka dhacay.

Inkastoo xaalad degganaansho ah oo aan la isku hallayn karin ay ka jirto hadda degmadaasi, haddana waxaa xayiran adeegyadii waxbarashada iyo goobihii ganacsiga .

Axmed Cumar Saalixi/FM

Previous Post

Cabasho ka soo yeeraysa qaxooti Soomaaliyeed oo ku jira xero ku taalla dalka Musambiig

Next Post

CARRUURTA BELEDWEYNE OO HESHAY TALLAALKA CUDURRADA DILAAGA AH SANADO KA DIB

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
CARRUURTA BELEDWEYNE OO HESHAY TALLAALKA CUDURRADA DILAAGA AH SANADO KA DIB

CARRUURTA BELEDWEYNE OO HESHAY TALLAALKA CUDURRADA DILAAGA AH SANADO KA DIB

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo