Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

CARRUURTA BELEDWEYNE OO HESHAY TALLAALKA CUDURRADA DILAAGA AH SANADO KA DIB

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
March 2, 2012
in Caafimaadka
0
CARRUURTA BELEDWEYNE OO HESHAY TALLAALKA CUDURRADA DILAAGA AH SANADO KA DIB
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankOlole  tallaal  oo ka socday muddo toddobaad ah MCH-yada afarta xaafadood ee magaalada Beledweyne ayna fulinayeen ururro caafimaad oo maxalli ah oo ay maalgelinaysay hay`adda UNICEF, ayaa waxaa si aad ah uga faa`iideeystay carruur fara badan iyo dumar ku nool xaafadaha Magaaladaasi ay ka koobantahay.

Dhallaanka iyo dumarka ku nool Beledweyne oo aan helin muddo ku dhow labo sano wax tallaal ah, ayaa tirada carruurta ee ka faa`iideystey ay gaareeysaa 10,735, halka dumarka qaatay tallaalkan iyagana ay gaarayaan 3400, sida uu Raadiyo  Ergo u sheegay Mid ka mid ah hawlwadeennada diiwaan gelinayay ololahan tallaalka kaasoo codsaday in aan la carrabaabin.

Raadiyo Ergo oo booqday meelo ka mid ah goobihii tallaalka lagu Bixinayay, ayaa xog warran la yeeshay qaar ka mid ah dumarkii u yimid in loo tallaalo carruurtooda “Walaal waxaan MCh-kan ka soo aaday xaafadda Kooshin, wacyigelinta la baahinayo ayaan maqlay, waxaana u imid in
carruurta la ii tallaalo, labo carruur ah ayaan wataa wiil iyo gabar, wiilkeyga hadda ka hor ayuu
tallaal qaatay, tallaalka in uu fiican yahay ayaana ka aaminsanahay.” sidaa waxaa tiri hooyo k amid ah hooyooyinkii u tegay in carruurta loo tallaalo MCH ku yaalla xaafadda Kooshin.

Hooyo kale oo iyadana carruurteeda loo tallaalayay ayaa tiri “ labo carruur oo mid uu afar bilood jiro iyo mid kale ayaan wataa haddana waa la ii tallaalay, carruur aad u dhibaateysan oo jiid iyo jadeeco aad u hayso oo dariskeeyga ah ayaan is leeyahay amey  ilmaha kaaga dhacaan, waana
cudur aad u daran oo dilaa ah. Dad deriskeyga ah oo badan ayaa cudurradan carruurta uga dhaceen oo carruur yar yar ka dilay, qaarna hadda waa u bogsadeen.”

Dr. Maxamed Sheekh Xuseen oo ah takhtar ka mid ah takhaatiirta ololahan tallaalka fulinayay oo Raadiyi Ergo u warramay ayaa yiri  “ Walaaloow waxaan bixineyno waa tallaalka lixda cudur ee dilaaga ah, oo uu wehliyo kii hooyada teetanada tallaalka kojiyaha  ee toddobo-magaartada ah, waxaana bixinaya NGO-ga WARDI oo ay maalgelinayso UNICEF ,waxaa kaloo na wehliya NGO-yada kala ah DOVE, GEELO iyo DOOYAALE, waxaana siinaynaa afarta xaafadood ee magaalada Beledweyne, Haddana waa wejigii koowaad, kii labaad iyo kii saddexaad  ayaan bixin doonnaa hadduu eebbe idmo.”

Dr, Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “In xilligan adag iyadoo lagu jiro aan olole tallaal sameyno waxaa nagu kallifay cudurro badan oo lagu magacaabo  lixda cudur ee  dilaaga ah oo waddankii dhibaato adag ku saameeyay gaar ahaan gobolka Hiiraan degmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa, oo ay ugu darantahay  jadeecada iyo xiiqdheerta, jadeecada dad badan ayaa u dhintay  ama ha yaraadaan ama ha weeynaadaan.”

Ololahan tallaalka ah oo ay ka faa`iideysteen carruur fara badan iyo dumar ku nool Beledweyne, ayaa wuxuu ku soo beegmay xilli xaafadaha magaalada iyo guud ahaan deegaannada gobolka Hiiraan laga sheegayo xanuunno soo ridanaya carruurta, kuwaasoo waaliddiinta deegaanka cabsi ku beeray, sababayna in waalidiinta qaar carruurtooda dugsiyada iyo ka bixidda guriga ay ka celiyaan ,si aysan uga soo qaadin carruurta xaafadda ee qaba xanuunnada,  maaddaama cudurro saf mar ah ay yihiin,  xaaladaha caafimaadka bulshada ee gobolku muddooyinkan dambe ay waxay ahayd mid liidata.

Cabdullaahi Salaad/FM/MH

Previous Post

Dagaal ka dhacay Garbahaarrey oo waxyeello u geyestay cisbitaalka guud ee degmadaasi.

Next Post

WARARKII QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
WARARKII QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA

WARARKII QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo