Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

WADDOOYINKA DEGMADA WAAJID OO LA BANNEEYAY

admin by admin
January 20, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
WADDOOYINKA DEGMADA WAAJID OO LA BANNEEYAY
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankInkastoo ay jireen dhibaatooyin darawallada gaadiidka ay kala kulmaan marinka qaar ka mid ah waddooyinka degmada Waajid sababo la xiriira dhismooyin yar yar oo laga dhistay hareeraha jidcaddayaasha, ayaa maamulka ka arrimiya degmada wuxuu qaaday tallaabooyin lagu soo celinayo bilicda si loo helo goobo ay maraan gaadiidka. Sidoo kale waddooyin degmada Waajid ku xira deegaanno ka tirsan gobolka Bakool iyo qaar ka mid ah jidcaddayaasha xiriiriya xaafadaha  ayaa ka mid ah goobaha hawlgalka laga sameeyay.

Guddoomiyaha ururka Al-Shabaab ee degmada Waajid ayaa sharraxaya sida ay u fuliyeen tallaabooyinka lagu furayo waddooyinka oo ciriiri ahaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa jawaab u noqonaysa ashtako darawaallada gaadiidka ay u gudbiyeen maamulka waxaana dareen wanaagsan ka muujiyay sida waddooyinka loo furay ganacsatada iyo dadka isticmaala waddooyinka xiriiriya degmooyinka Rabdhuurre iyo Waajid iyo qaar k amid ah xaafadaha.

Shuceyb Sheekh Xasan oo k amid ah darawallada ka shaqeeya degmada Waajid ayaa Raadiyo Ergo uga warramay dareenkiisa ku aaddan waddooyinka dib loo furay.
Wuxuu sheegay in hadda ka dib ay ku safri doonaan waddooyin xirnaa sanadihii ugu dambeeyay kuwaasi oo haatan u fududeynaya gaadiidka inay ku kala socodaalaan jidad kala duwan taasi oo keeneysa buu yiri inay arrimaha isu socodku hagaagaan..

Siday sheegayaan darawallada waxaa aad u adag isticmaalka jidadkaasi iyadoo loo baahanyahay in dayactir lagu sameeyo, Shuceyb ayaa tilmaamay in waddooyinka u baahan dayactirka ay ka mid yihiin waddada isku xirta Baydhabo, Waajid iyo tan Rabdhuurre.
Wadodoyinka bur bursan ayaa noqda kuwo aan laga gudbi karin marka ay da`aan roobabka sababo la xiriira biyaha oo fariista meelaha ay ka burbursanyihiin jidadka taasi oo keenta in ay ku adkaato marinka gaadiidka xamuulka ah ee ku safra waddooyinkaasi.

Roobabkii ka curtay gobollada Bay iyo Bakool oo biyo dhigay waddooyinka ayaa keenay in ay  xannibmaan gaadiid badan oo ku wajahnaa gobolka Gedo iyo deegaanno ka tirsan Itoobiya sababo la xiriira waddooyinka oo bur bursan.

Dhibaatooyinka ka dhasha bur burka jidadka ayaa ah kuwo aad u hooseeyo marka laga hadlayo gobollada Bay iyo Bakool iyadoo roobabkii da’ay xiligii Dayrta ay hakiyeen gebi ahaanba ganacsigii goboladaasi la lahaayeen magalada Muqdisho oo ay alaabtu uga soo talowdo, ku dhowaad 300 oo gaadiid xamuul sida ayaana muddo bil ku dhow rar la taagnaa duleedka Baydhabo.

Cabdicasiis Koronto/MH/FM

Previous Post

OCHA: WAA IN CAALAMKA UU SII WADAA TAAGEERADA GARGAAR EE SOOMAALIYA

Next Post

GARGAARKA LOO SAMAYNAYO BARAKACAYAASHA OO WAX KA BEDELEY NOLOSHOODA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
GARGAARKA LOO SAMAYNAYO BARAKACAYAASHA OO WAX KA BEDELEY NOLOSHOODA

GARGAARKA LOO SAMAYNAYO BARAKACAYAASHA OO WAX KA BEDELEY NOLOSHOODA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo