Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

GARGAARKA LOO SAMAYNAYO BARAKACAYAASHA OO WAX KA BEDELEY NOLOSHOODA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
January 20, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
GARGAARKA LOO SAMAYNAYO BARAKACAYAASHA OO WAX KA BEDELEY NOLOSHOODA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankUrurka aan dawliga aheyn oo qaabilsan is dhexgalka adeega bulshada iyo barakacayaasha oo layiraahdo (ISDP) oo gacan kahelaya Wasaarada Caafimaadka Puntland iyo hayada MDM (Medicine Du Monde France) ayaa kawada gudaha magaalada Bosaso gaar ahaan goobaha ay kunoolyihiin dadka barakacayaasha iyo qaxootiga howlo caafimaad oo laxiriira samata bixinta bulshada nugul ee u baahan adeega caafimaad.

Inkabadan 9,000 oo carruur ah oo dadoodu ay kayartahay 5 sono jir oo kunool kaamamka barakacayaasha magaalada Bosaaso ayaa heley gargaar caafimaad oo dhameystiran, waxaana inta badan xaruumaha MCH-yada ee kuyaal kaamamka Barakacayaasha magaalada Bosaso ee uu gacanta kuhayo Ururka aan dawliga aheyn ee is dhexgalka adeega bulshada iyo barakacayaasha lagu daryeelaa hooyada iyo dhalaanka la ildaran nafaqo darida sida cudurada laga daweeyo carruurta shanta sano ka yar iyo kuwa ka waaweyn, in hooyada markay umasha tahay ay hesho xanaanada ay ubaahantahay iyo kawar qabkeeda, iyo sidii loo heli lahaa hooyo caafimaad qabta oo dhasha carruur caafimaad qabta, lasocoshada koritaanka carruurta iyo caafimaadkooda, in laga daweeyo carruurta shanta sano ka yar cudurada ku dhaca habdhiska neefsashada, Shubanka iyo dhiig yarida. hooyooyiinka booqda xaruumaha MCH-yada ee uurka leh iyo kuwa ay nafaqo darida heyso ayaa iyaguna lasiiyaa daawooyiin fitimiino ah oo ka hortagaya dhiigla`aanta, nafaqo darada iyagoona laga baaro jirooyinka haweenka iyo xanuunka HIV AIDS-ka, waxaa sidoo kale shaqaalaha cafimaadka ee MCH-yada ay kadaweeyaan carruurta da’doodu ay ka hooseyso shanta sano 6-da cudur ee dilaaga ah, iyagoona talaalo siiya hooyooyiinka uurka leh.

Ururka is dhexgalka adeega bulshada iyo barakacayaasha ayaa wada barnaamijyo lagu hormarinaayo bulshada sida caafimaadka, biyaha, nadaafada, iyo waxbarashada
Mahad Cumar Xirsi waa kuxigeenka madaxa ururka (ISDP) wuxuuna yiri mar uu la hadlayey Radio Ergo “waxa ugu badan oo aan hada ku hawlanahay waa qeybta caafimaadka aasaasiga sida MCH-yada Biyaha iyo nadaafada, waxaana taageero kahelnaa wasaarada caafimaadka Puntland iyo hayada kashaqeysa caafimaadka ee MDM oo gacan naga siineysa daawada“
In badan oo kamid ah haweenka Soomaaliyeed ayaa u dhinta xilliga dhalmada iyo kahorba nafaqo daro dhiigyari iyo dhibaatooyin uu keenay gudniinka fircooniga oo ah dhaqan ay joogteeyeen Soomaalida adeegsigiisa, waxaana lagu arkaa goobaha caafimaadka magaalada Bosaaso haween la ildaran mahadhada gudniinkankan.

Dr Salaado Xaaji Nuur waxa ay ka howlgashaa xarun caafimaad oo ku taal xaafada Tuurjaale ee Bosaaso waxayna ka warbixineysaa dhibaatada ay la kulmaan haweenka loogudey qaabka fircooniga ah “fircooniga dhibaato weyn ayuu u geystaa hooyooyiinka,  waa maree hooyadu qanjiradeedii baa la jaray intii sakiin loo qaatey, dhibaato weyn ayaa u imaaneysa marka ay weynaato oo la arooso iyada iyo ninkeeda rafaad baa kala raacaya, marka ay uurqaado oo ay dhalmo isu diyaariso dhibweyn iyo dhaawac baa soo gaaraya, xaga qanjirada dareenkeedii oo dhan baaba lajarey“

Kalkaaliso sare Nimco Axmed Maxamed oo kahowlgasha MCH-ka Kaamka Boqolka Buush oo ay ku noolyihiin barakacayaasha ugu badan magaalada Bosaso ee uu gacanta ku hayo ururka ISDP oo wadashaqeyn ka helaya wasaarada caafimaadka Puntland iyo heyada Medicine Du Monde France ayaa nooga warbixisey tirada dadka ay adeeg caafimaad u qabtaan inta ay la egtahay “600 oo ruux oo isugu jira hooyooyiin iyo carruur, baa soo booqata bishii MCH-ka nooc kasta ha uyimaadaane, ha u yimaadaan cuduro, ha u yimaadaan talaal ama hooyo uur leh, inta ay uurka leeyihiin waxaan lasoconaa habka caafimaadkooda uu yahay“

Hooyooyiinka qaar ee kunool xiryaha barakacayaasha magaalada Bosaso ayaa laga dareemaa nafaqo darro iyo tabar xumo xiliga uurka ama dhalmada kadib markii ay waayeen wax fitimiin ama cuno nafaqeysan ah taaso ay u saamixiweyday duruufta dhaqaale sida Raadiyaha Ergo uu u xaqiijiyey Cumar Cali Cismaan hase ahaatee hada waxaa socda olale hooyooyiinkasi lagu nafaqeynayo kadib markii la dhisey afar MCH oo hooyada iyo dhalaanka lagu nafaqeynayo, “way jiraan hooyooyiin badan oo uur leh oo nafaqo daran way noo yimaadaan, waxaan kula talinaa in hooyadu ay isticmaasho wax yaabaha ay heli karto oo cuntooyiinka nafaqada ay kujiraan, ha ahato dhinac qudaareed, ha ahaato dhinac daawo, ha ahaato dhinaca cuntooyiinka“
Isku soo wada duuboo colaadaha iyo abaaraha ka jira wadanka ayaa keenay in mawjado dad ahi buux dhaafiyaan xeryo lagu barakacay oo ku yaal magaalada Boosaaso, waxaa kaloo ka dhisan xeryo qaaxooti oo ay ku jiraan dad ka yimid dhinaca Itoobiya kuwaasoo ku nool xaalado qalafsan oo dhanka nolosha ah, waxaana wakhtigaan muuqanaya inay wax ka bedelaan noloshooda gargaarka ay gaysanayaan hay’addaha ka shaqeeya dhinaca samafalka.

Axmed Soomaali

Previous Post

WADDOOYINKA DEGMADA WAAJID OO LA BANNEEYAY

Next Post

GABAR LA IL DARAN XANUUN OO DALBATEY GARGAAR

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
OCHA: Waa in la joogteeyaa heerarka gargaarku ku socdo si loo adkeeyo guulihii bani’aadamnimada ee la gaarey

GABAR LA IL DARAN XANUUN OO DALBATEY GARGAAR

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo