Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

GABAR LA IL DARAN XANUUN OO DALBATEY GARGAAR

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
January 24, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
OCHA: Waa in la joogteeyaa heerarka gargaarku ku socdo si loo adkeeyo guulihii bani’aadamnimada ee la gaarey
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xanuunka iyo caafimaadka waa wax xagga rabbi ka yimaada, hase ahaatee waxaa jira dadaal ay sameeyaan bani`aadamka kaasoo loogaga hortago xanuunnada soo wajaha bulshada. Faadumo Maxamed Xirsi, waa gabar 23-sano jir ah waxayna ay la ildarantahay xanuun muddooyinkan dambe lagu arkey dalka Soomaaliya oo googo`ku yimaada jirka bani`aadamka ah, kaasoo ay wax ka qaban waayeen Takhaatiirta Soomaaliya.

“Gabadha waagii xanuunka lagu arkey 10-bilood baa ka dambeeyey, dhareer baa lagu arkey marna nabar ayaa kasoo baxay bishinta Afka iyo sanka markiiba waa googo`dey.”

Aamino Axmed Shibiin, waa hooyada dhashey Faaduma waxayna inoo sheegtey in qoyskoodu uu yahay sabool reer miyi ah oo ku nool dhulka Buuralleyda ee u dhaxeeye degmooyinka Baran iyo Laasqorey ee gobolka Sanaag, aysanna awoodin lacag ay Takhtar ku geeyaan gabadhooda.

“Reer baadiyaan markii hore iska aheyn, wax walba gabadheyda oo baadiyaha laga qabto wey qaban jirtey, muddo hadda laga joogo wax dhan 10-bilood ayaa xanuunka ugu horreeyey, wax gubaya ayuu ahaa waan garan weyney.”

Faaduma, waxaa gogo`ay hilibka wajigeedii, waxaa lumey quruxdeedii waxaa naafoobey mid ka mid ah labadeedii lugood, mana aqoonsan karo qofkii horey u yaqiin, reerkeedu waxay keeneen hadda magaalada Boosaaso si ay ula tacaalaan caafimaadkeeda, hayeeshee Takhaatiirta ka howlgasha goobaha caafimaadka ayaa ka deyriyey wax ka qabashada marxaladda ay ku sugantahay Faaduma, laakin waxay sheegeen in wax looga qaban karo oo kaliya xanuunka haya gabadhan dalka dibaddiisa.

Xuseen Maxamed Ibraahim, wuxuu ka mid yahay ehellada gabadhan xanuunsan wuxuuna ka dalbadey umadda muslimiinta iyo cid kasta oo ka shaqeysa ban`aadannimada inay soo gargaaraan gabadhani la il daran xanuunka aan la aqoon.

“dhowr Takhtar baa la geeyey marba heer bey soo joogtey, aakhirkii ugu dambeeyey waxaa l akeeney Takhtarka Boosaaso, waxaa la geeyey Dhahar waxaa la geeyey Manhal, dhammaan waddanka waxba lagagama qaban karo ayey yiraahdeen.”

Ma jirto illaa xiliigan cid si rasmi ah isugu howshey wax u qabashada gabadhan la ildaran xanuun wax looga qaban waayey gudaha dalka, marka laga reebo ehelladeeda oo la kufaa dhacayo sidii ay dib ugu heli laheyd caafimaad gabadhooda, inkastoo qoysku uu sabool yahay.

Cabdiraxmaan Xirsi Cilmi waa adeerka gabadha xanuunsan mar uu la hadlayey Raadiyo Ergo wuxuuna yiri “Gaarisaarkeeda iyo masaariifteedaba kama adkin annaga, waxaan dadweynaha Soomaalida dal iyo dibadba aan uga codsaneynaa in ilaah dartii ay us oo caawiyaan gabadhani xanuunsan, beddelkeedna uu ilaahey wax kheyr qaba uu siiyo.”

Si kastoo ay ahaataba xanuunkan googo`a jirka bani`aadamka oo ah wax ku cusub gudaha dalka Soomaaliya, ayaa muddooyinkii ugu dambeeley lagu arkey deegaanno ka tirsan gudaha dalka, lamana oga cudurkan waxa sababa iyo waxa u daawo ah. iyadoo Faaduma oo kula ildaran xanuunkan gudaha magaalada Boosaaso ay ka naxeyso cid kasta oo aragta, gabadhan ayaa waxaa go`go`ay wajigeedii mana helin gargaar caafimaad oo dhammeystiran, taana waxay keentay in wajigeedii uu noqdo nabar qoyan oo dhacaan uu ka da`ayo, waxaana go`ay faruuryaha Afka, Sanka iyo daamanka waxaana yaraadey aragga indhaha, mana jirto cid u maqan iyo ceel uqodan
Axmed Somali/FM/MH

Previous Post

GARGAARKA LOO SAMAYNAYO BARAKACAYAASHA OO WAX KA BEDELEY NOLOSHOODA

Next Post

BOQOLLAAL QOYS OO KA CARARAY DAGAALKII BUUHOODLE OO U TALLAABAY XADKA ITOOBIYA

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
Barakac ka jira degmada Badhaadhe

BOQOLLAAL QOYS OO KA CARARAY DAGAALKII BUUHOODLE OO U TALLAABAY XADKA ITOOBIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-MAY-2026

IDAACADDA 19-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo