
Inkasta oo ay beeralleydu ka war-warsan yihiin inuu wabigu sidaa ku tago oo uu ku guro, haddana biyo yareynta uu sameeyay hadda wey ku qanacsan yihiin oo waxay taasi usuura gelisay iney tacab billaabi karaan markale, iyadoo marka aad booqato dhulka beerahu ku yaallaan ay indhahaagu qabanayaan beeralley fara badan oo sahan ku jirta oo damaacineysa dhul qodasho.
Arrintani waxay sidoo kale keentay iney yaraato cabsidii ay qabeen dad badan oo ka mid ah kuwa ku nool magaaladan, kuwaasoo ka baqanayay in haddii fatahaadihii uu wabigu waday ay sii socon lahaayeen ay ku keeni lahayd xaalad adag oo sida ay qiyaasanayeen aaney u muuqan cid ka gar-gaari lahayd.
Maxamuud Cabdullaahi oo ka mid ah dadka ku nool degmada Suuf oo aan kula kulmay wabiga daantiisa Mandheera xili uu lugihiisa ku soo dhex gooyay wabiga oo aan lahayn biyo kor u dhaafi kara boodyaha ayaa Ergo u sheegay in markii hore ay wabiga uga gooshi jireen doon ay ku raaci jireen lacag dhan 100 shilinka Kenya ah oo dhigan ta lacag ka badan hal doollar, haddana uu culyskaasi ka degay in badan oo iyaga kamid ah.
“Markii hore boqol shilin ayaan ku raaci jirnay doon, haddana lug ayaan kusoo maray marka waa Al-xamdulillaah oo farqi weyn ayaa u dhaxeeya hadda iyo horraan waxaana u maleeneynaa inay sabab u tahay roobka oo dhammaaday, marka xilligana waan uga barannay oo wey ahaan jirtay waxaaana xitaa fileynaa iney washaaqada (Ciidda-Xaanada ah) soo baxdo” ayuu yiri Maxamed oo sidoo kale ah dadka wabi ku noolaha ah.
Dhanka kale waxaa la soo sheegayaa in meelaha hoose ee uu mara Daawo ay ku soo badanayaan Yaxaasyo dad cun ah oo la tagay noole isugu jira dad iyo duunyo ka biyo cabayay wabiga, kuwaasoo qaarkood illaa iyo hadda lagu la`yahay sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo intaasi raaciyay iney arrintaasi qal-qal ku keentay dad u badan kuwa reer miyiga ah oo Yaxaas ku soo weeraray biyaha intii ay waraabayeen.
Magaalada Raamu oo Mandheer kaga beegan dhanka galbeed iyo miyiga ku hareereysan ayaa ka mid ah meelaha ay xaaladahaasi ka taagan yihiin, waxaana sida uu markale Ergo u sheegay Maxamed Cabdullaahi ay Yaxaasadu ku qaadaan halkaas toddobaad walba xoolo ama dad nool oo wabiga ku soo hiranaya si ay uga biyo cabaan.
“Dhulkaas kore yaxaas markasta dad ayuu ku qaadaa, sida Raamu iyo meelahaas oo kale, markasta waxaad maqleysaa xoolo ayuu qaaday iyoo dad ayuu qaaday siiba dhulka innaga korreeya oo wabigu meelba meesha ka sii hooseeysa waa uu ka qatar badan yahay. Doonta dadka saaran maqaato Yaxaasku ee kuwa biyaha dhaansanaya iyo xoolaha biyaha cabaya ayuu cunayaa.” ayuu yiri Maxamed oo hadalkiisa sii raaciyay inaaney hadda jirin wax ay garanayaan oo lagaga hortagi karo arrinkaas.
Si kastaba wabiyo farabadan oo mara meelo ka tirsan gobolkan Geeska Africa ayaa biyo yareeyay toddobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaasoo oo uu Daawo ka mid yahay, waxaase si kastaba ha ahaatee meelaha qaar wali jiifa biyihii fatahaadaha oo sii guray iyadoo dhulkuna uu hadda marayo waqti uu aad ugu wacan yahay tabcasho.
Nuur Cali Faarax/FM










