Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

DAD KA BARACAY DEEGAANNADA CEELCADDE,FAAFAX DHUUN IYO BUUSAAR EE GOBOLKA GEDO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
January 6, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Muqdisho: qoysas dib loogu celiyay deegaanadii ay ka soo barakaceen
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBarakac uu sababay dagaal ayaa ku yimid dadka ku dhaqan tuulooyinka Ceelcadde, Faafaxdhuun  iyo  Buusaar kana tirsan gobolka Gedo oo maalmahii ugu dambeeyey ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa DKMG oo is kaashanaya iyo Xarakada Al-Shabaab  ay dagaallo ku dhex mareen, waxaana saacadihii ugu dambeeyey wararka laga helayo degaannadaasi ay sheegayaan in halkaasi ay ka qaxayaan kummannaan qoys oo hor leh.

Qoysaskani barakacayaasha oo ah kuwii ugu fara badnaa ee ka carara dagaallada ka socda Gedo ayaa u badan haween, carruur iyo dad waayeel ah waxayna intooda badan u carareen dhulka miyiga ah ee ku teedsan tuulooyinkaan dagaalladu ay saameeyeen si ay nafsadooda ugu helaan meel ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo wararka laga helayo deegaannadaasina ay tilmaamayaan in goobaha dadkaani gaareen ay ku haysato dhibaatooyin dhinaca nolosha ahi ma haystaan hoy, biyo iyo cunto toona.

Maxamed Sheekh Xasan (Bacle) oo ka mid ah odoyaasha deegaanka Ceelcadde oo la hadlayey Raadiyo Ergo ayaa sheegay in sababta ay uga soo barakaceen guryahooda ay tahay iyagoo u adkeysan waayey dagaallada ka taagan deegaannadaasi, sidaasi darteedna ay dantu ku qasabtay inay isaga tagaan guud ahaan guryahoodii.

“Dadku waxay dareemayaan colaad tii ugu darneyd weyna argagaxsan yihiin, Ceelcadde oo kale dadkii ku noolaa waxaa hadda ka jooga dad yar oo fara ku tiris ah oo donaya inay waardiyeystaan guryahii laga cararay.” Ayuu yiri oday Maxamed oo intaasi raaciyay in deegaanka Ceelcadde oo keliya ay ka barakaceen dad lagu qiyaasay illaa 4 kun oo qoys, dhibaatooyinka ugu daranna ay yihiin degganaansho la`aanta iyo cabsida duqeymaha diyaaradaha dagaalka isagoo tilmaamayna xitaa dhulka miyiga ah in dadkii ay isku aamini la`yihiin.

Oday Maxamed ayaa wuxuu sheegay in  dhibaatooyinka haysta qoysaskan barakacayasha ah waqti xaadirkani ay ugu weyn tahay raashin la`aan, hoy la`aan iyo weliba dhibaatooyin caafimaad darro oo la soo dersay carruurta iyo dadka waayeelka ah, waxaana adag sida lagu gaari karo iyadoo dagaalladu ay xireen dhammaan waddooyinka.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee dawladda kumeel gaarka ah Maxamed Cabdi Kaliil ayaa isagu raadiyo Ergo u sheegay in dagaaladu ka jiraan tuulooyiinkan dadku ka bara kaceen, wuxuuna ku daray intaas in dadka looga bahan yahay inay naftooda badbaadsadaan inta dagaladu socdaan, qorshaheenuna waa inaan ka fekerno sidii dadka rayidka loo badbaadin lahaa, gudoomiyuhu wuxuu qiray in duqayn ka dhacday deegaanka Ceel Cade dad rayid ahi dhibaato ka soo gaartay “waxaan isku dayeynaa inaan duqayn danmbe aan loo gaysan goobaha rayidka ah”

Deegaanada gobolka Gedo ayaan gebi ahaanba wax hay’ado gargaar ahi aysan ka hawl gelin, gudoomiyaha gobolka Gedo ayaana taas ku micneeyey dhibaatada dhinaca amaanka ah.

Dhanka kale degmadda Qooqaani oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose kana gaabsaday inuu magaciisa xuso ayaa Ergo u sheegay n in dhibaato cunta yaraani weli ka jirto deegaankaas  dad badanina ay cunaan calleenta la yiraahdo Carmada si ay ugu noolaadaan, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin haba yaraatee wax gargaar ah oo la gaarsiiyey deegaanka Qooqaani oo hadda ku dhowaad saddex bilood ciidamo isku hor fadhiyaan.

Axmed Cumar/MH/FM

Previous Post

WABIGA DAAWO OO AAD U BIYO YAREEYAY IYO YAXAASYO DAD IYO DUUNYO KU QAATAY HALKAAS

Next Post

BIYO DHAAMIN LOO SAMEEYAY DADKA DEEGAANKA HOLHOL EE DEGMADA BOORAMA

Related Posts

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

August 5, 2026
Next Post
Biyo la`aan ka jirta xerada qaxootiga Xagardheer

BIYO DHAAMIN LOO SAMEEYAY DADKA DEEGAANKA HOLHOL EE DEGMADA BOORAMA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-AUG-2026

IDAACADDA 29-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-AUG-2026
August 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-AUG-2026
August 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-AUG-2026
August 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-AUG-2026
August 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo