Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

HAWEENKA U DOODA XUQUUQDA INSAANKA OO KA DAYRIYEY FALALKA KUFSIGA OO KU SII BADNAYA MAGAALADA MANDHEERA

admin by admin
January 12, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
HAWEENKA U DOODA XUQUUQDA INSAANKA OO KA DAYRIYEY FALALKA KUFSIGA OO KU SII BADNAYA MAGAALADA MANDHEERA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa isa soo tareysa cabasho ay jeedinayaan dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee ka shaqeeya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, taasoo ku aaddan kufsi baahsan oo sida ay sheegeen ka jira qeybo ka mid ah  deegaannada Mandera-Count leysku yiraahdo ee gobolkaasi ka tirsan.

Waxay sheegeen in meelo u badan baadiyaha ku hareereysan magaalooyinka iyo tuulooyinka loogu geysto kufsi, jir-dil iyo dil gabdhaha, iaygoo intaa raaciyay in xaaladdu ay mareyso hadda meel khatar ah.

Gabdhahaan loo geystey fara xumaynta waxaa ku jira kuwo carruur ah, iyagoo la jooga xoolo ay rag ka itaal roon ku kufsadeen gayi cidlo ah, kuwaasoo haddana baxsaday illaa iyo waqtigaana aaney suuroobin in lasoo qabto, hase ahaatee Carfoon Daahir Sheekh oo xubin ka ah urur u ololeeya nabadda ayna ku midoobeen haweenka Mandheera (Mandera Women for Peace) ayaa u sheegtay Raadiyo Ergo in arrimahaan ay sabab u yihiin xuquuqda gabdhaha ay u leeyihiin ilaalintooda oo la liido.

“Ma la fiiriyo xuquuqda gabdhaha la xoogaayo, dowladduna kama taxadarto, maxaa yeelay gabadhii kufsi loo geysto oday dhaqameed ayaa arrintooda u soo fadhiista oo waxaa la leeyahay gabadhu waxay leedahay wax la yirahdo “maro-rid” gabadhii xaqeedii oo dhan ayaa la luminayaa, waxaasna lama rabo, gabadhu waa iney xaqeeda heshaa.” ayay tiri Carfoon oo muujineysa iney si weyn uga careysan yihiin kufsiga gabdhaha ee ku soo badanaya Waqooyi Barri Kenya.

Haweenkan u dooda xuquuqda insaanka waxay shaaciyeen in mid ka mid ah  waxyaabaha sii dhiirri gelinaya inuu kufsigu sii jiro ama baaho ay tahay inuusan marin ciqaabtii uu lahaa ruuxa dhibta geysta, taasoo sahasha bey yiraahdeen inuu dambiiluhu sii wato dhaqamadiisa ka dhanka ah haweenka.

“Gabar baa duurkan lagu gowracay, waa la kufsaday, waa la dildillaaciyay mindi ayaana lagu dilay, seddex beri iyadoo taalla meel ayaa markii dambe la helay meydkeeda, marka dhagax in lagu dilo ayey qabtaa shareecada ama dowladdu xabsi daa`in ku xakunto qofka gabar xooga, haddaan saas la yeelin berri mid kale ayuu xoogayaa.” ayay sidoo kale tiri Carfoon Daaahir oo ugu baaqday dadka in loo istaago ka hortagga halistan haweenka soo wajahday.

Sidoo kale talooyin ayay haweenka u dooda xuquuqul aadanaha u jeedinayaan qoysaska oo idil, gaar ahaan kuwa reer miyiga ah ee la tilmaamay iney xaaladdani badi iyaga ku dhacdo, waxayna codsadeen iney si weyn ula socdaan ammaanka carruurtooda, gaar ahaan marka ay u dirayaan xoolaha ama ay qoryo iyo xaabo ka soo gurayaan dhulka howdka ah ee baadiyaha ku yaalla, waana mararka ugu badan ee ay gabdhuhu la kulmaan xaaladaha fara xumeynta.

“Marka ugu horreysa waa in haddii ay dhacdo in la kufsado gabar aan la qarin, taas waxay u hiillineysaa dambiilaha, tan kale waalidiintu ha dhowraan gabdhahooda oo yaaney u dirin meelaha khatarta ah, gaar ahaan baadiyaha, maxaa yeelay waxaan maqalnay in gabdhaha la xoogay badankood ay ciddooda u soo gurayeen qoryo ama ay xoolo ula jireen, marka waa inaan gabdhaha khatar la gelin noloshooda, oo xitaa haddii laga maarmi waayo, waa in la ilaaliyaa ammaankooda.” ayay ku soo idleysay Carfoon hadalkeedii, iyadoo ku hadleysay afka dadka u dooda xaqa aadanaha ee Mandheera ka howlgala.

Inkasta oo ay yihiin haweenka la sheegayo in la kufsado kuwo lagu waxyeelleeyo deegaannadoodii ay u dhasheen, haddana waxaa jirta in sidoo kale Kufsiga ay ku dhacaan haween fara badan oo nabad-gelyo usoo doontay Kenya, kuwaasoo qaxooti ahaan ugu jira Xeryo Ku yaalla gobolka Waqooyi Barri Kenya oo ay waayadaan xaaladahooda ammaan ay sii xumaanayeen.
Nuur Cali Faarax/MH/FM

Previous Post

SADDEX QOF OO XAALADO CAAFIMAAD DARRO AH UGU GEERIYOODAY TUULADA DEG-ILLIMA EE GOBOLKA JUBBADA HOOSE

Next Post

HORUMARKA IYO DIB U DHACA HAYSTA GARGAARKA SOOMAALIYA.

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Oxfam oo ugu baaqday beesha calamka dar dar gelinta gargaarka soomaaliya

HORUMARKA IYO DIB U DHACA HAYSTA GARGAARKA SOOMAALIYA.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo