Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

HORUMARKA IYO DIB U DHACA HAYSTA GARGAARKA SOOMAALIYA.

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
January 13, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Oxfam oo ugu baaqday beesha calamka dar dar gelinta gargaarka soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXiriiriyaha arrimaha bani`aadannimo ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa sheegay in jawaabta beesha caalamku ka bixisay gurmadka wax looga qabanayey macaluushii ka dhacday Soomaaliya sanadkii tegey ay ahayd mid wax ku ool ah, taasoo sababtay in lagu guulaysto badbaadinta nolosha kummannaan qof.

Mark Bowden oo ka hadlayey xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa sheegay markii ay ku dhawaaqeen inay macaluuli ka jirto Soomaaliya bishii Luuliyo 2011 ay ka heleen bulshada calaamaka jawaabo keenay in lagu taakuleeyo adduun gaaraya 1.3 bilyan oo Dollar tanoo sababtay in si wanaagsan loogu guulaysto yaraynta macaluusha, nafaqa darrada iyo dhimashada carruurta iyo waayeelka, wuxuuna bulshada calamka ku booriyey in la sii wado taakulaynta la siinayo dadka baahan ee Soomaaliyeed.(Riix)

Iyadoo ay niyad samidaan muujisay Qaramadda Midoobay ayeysan haddana wanaagsanayn wararka ka imanaya gudaha waddanka. Dilalka, afduubka iyo tacaddiyada kale ee lagu hayo dadka ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa sii kordhaya. Inta u dhaxaysa deegaanka Birtadheer iyo Ceeldheere oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb ayaa dil loogu gaystay Cabdikariin Xaashi Kediye oo ahaa hawl wadeen hay`ad gudaha ka shaqaynaysay lana hawl galaysay barnaamijka cuntada Qaramada Midoobay ee WFP, sidoo kale waxaa la dhintay darawalkiisii Ducaale Yaasiin Dhuxulow, shaqalahan oo ka baxay xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb. Dilkaan waxaa geystay kooxo hubaysan welina aan la qaban. deegaanka uu dilku ka dhacay ayaa ah goobaha ay maamulaan ururka Ahlusuna Waljamaaca.

Goobta ayaa siduu sheegay weriyaheenna Galgaduud waxaa ku sugnaa dad badan oo barakacayaal ah kana cararay dagaalladii dhowaanahan ka dhacayey Dhuusamareeb. Sidoo kale laba toddobaad ka hor ayaa saddex ruux oo ka tirsanaa WFP lagu diley degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo aan ka fogeyn meesha dilkaan kale hadda uu ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Cabdillaahi Geeda- qorow ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dilkaan ay aad uga xunyihiin, wuxuuna intaas hadalkiisii ku daray in dilalkaani ay sii adkaynayaan gurmadka loo samayn lahaa kummannaanka qof ee gobolkaas ay dagaallada iyo abaaruhu ku waxyeelleeyeen, waxayna tani sidoo kale wax yeelaysaa baaqii hoggaanka Ahlu sunna dhowaan ay u jediyeen hay`addaha garaarka oo ku aaddanaa in gurmad bani`aadannimo lala soo gaaro gobolkaas.

Gobollada dhexe ee waddanka ayaa u muuqda goobaha waqtigan khatarro badani ka imanayaan, magaalada Gaalkacayo ayaa laga afduubtay laba qof oo u shaqaynayey hay`adda bixinta miinooyinka dhulka ee DDG, illaa waqtigaanna gacanta ugu jira kooxihii afduubtay.

Ururka Al-Shabaab ayaa isaguna xannibay inta badan hay`adihii gargaarka goobaha ay gacanta ku hayaan, hay`adda laanqayrta cas ee ICRC ayaana noqotay hay`addii ugu dambaysay ee joojisa hawlaheedii gurmadka bani`aadannimo iyadoo Khamiisti sheegtay in gebi ahaanba ay hakisay hawlo ay cunto gargaar ugu daad gurayn lahayd Soomaaliya gaar ahaan goobihii macaluushu ay halakaysay ee bartamaha iyo koonfurta wadanka, ka dib markii ay ururka Al-Shabaab is hortaageen hawlahoodii samafal, tanoo saamayn ku yeelanaysa 1.3 milyan oo qof. Mid ka mid ah saraakiisha ICRC ayaa sheegay in illaa badhtamihii bishii Diseembar ay haysteen dhibaatooyin ku aaddan sidii ay u gaarsiin lahaayeen sahay bani`aadannimo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud ayna taasi keentay inay hakiyaan gebi ahaanba hawlahoodii.

Qaramada Midoobay ayaa sanadkaan u codsatay gargaarka Soomaaliya 1.5 bilyan oo dollar kanoo ah gargaarkii maaliyadeed ee ugu badnaa abid  ee loo codsado arrimaha bani’aadannimo ee waddanka, isagoona Mark Bowden sheegay in maaliyaddaan wax uga qaban doonaan arrimaha soo kabashada dhinaca nolosha dadka ay sameeyeen abaaraha iyo dagaalladu, waxaana sanadkaan na saaran masuuliyad aan ku xaqiijinayno in dadkii barakacay ay dib ugu soo noqdaan guryahoodii, awoodna u helaan inay dib u dhistaan nolosha, haddii aan arrintaan la samayna waxaan wajihi doonnaa barakac baahsan oo saameeya umadda Soomaaliyeed iyadoo horayba ay dagalladii muddada dheer ka taagnaa Soomaaliya ay ku barakiciyeen gudaha waddanka dad gaaraya 1.5 milyan oo qof.

Dhibaatooyinka dilalka, afduubka iyo caga juglaynta lagu hayo hay`adaha gargaarka ayaa saamayn ku yeelan kara sidii lagu gargaari lahaa afar milyan oo Soomaali ah oo weli u bahaan gargaar bani`aadannimo iyo in laga taakuleeyo arrimaha aasaasiga ah sida cuntadd, caafimaadka, biyaha iyo fayadhaworka siduu sheegay Mr. Bowden.

MH/FM

Previous Post

HAWEENKA U DOODA XUQUUQDA INSAANKA OO KA DAYRIYEY FALALKA KUFSIGA OO KU SII BADNAYA MAGAALADA MANDHEERA

Next Post

HAY`ADDA ICRC OO JOOJISAY HOWLIHII GARGAAR EE AY KA FULIN JIRTAY QEYBO KA MID AH SOOMAALIYA

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
HAY`ADDA ICRC OO JOOJISAY HOWLIHII GARGAAR EE AY KA FULIN JIRTAY QEYBO KA MID AH SOOMAALIYA

HAY`ADDA ICRC OO JOOJISAY HOWLIHII GARGAAR EE AY KA FULIN JIRTAY QEYBO KA MID AH SOOMAALIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-MAY-2026

IDAACADDA 19-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo