Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

HAY`ADDA ICRC OO JOOJISAY HOWLIHII GARGAAR EE AY KA FULIN JIRTAY QEYBO KA MID AH SOOMAALIYA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
January 13, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
HAY`ADDA ICRC OO JOOJISAY HOWLIHII GARGAAR EE AY KA FULIN JIRTAY QEYBO KA MID AH SOOMAALIYA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHay`adihii yaraa ee dhowaan uu ururka Al-Shabaab ka mamnuucay gudaha Soomaaliya, ayaa joojiyay qeybinta cunto iyo miraha dalagga beeraha oo la siin jiray dad gaaraya 1.1 milyan oo qof oo ku sugan koofurta iyo bartamaha dalka.

“Xayiraaddan way sii socon doontaa illaa aan ka helno maamullada xukuma deegaannadaas oggolaansho ah inaan gaari karno dhammaan dadka gargaarka u baahan,  sidaa waxaa warbixin la soo saaray ku yiri Patrick Vial, madaxa wafdiga  ICRC ee  Soomaaliya.

Iyadoo aan si gaar ah loo magacaabin ururka  Al-Shabaab, oo iyagu xukuma inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa warbxinta  ICRC lagu sheegay in qeybinta gargaarka ee loogu talo galay 240,000 oo qof oo ku nool gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud la joojiyay tan iyo bartamihii bishii December 2011.

“Waxaan dhab ahaantii raadineynaa iskaashi aan kala sameyno maamullada gudaha sidii aan u soo celin lahayn howlihii aan wadnay ee la xayiray ,” ayuu  Vial hadalkiisa raaciyay.

Illaa saddex milyan oo qof oo ku sugan  koofurta iyo bartamaha  Soomaaliya ayaa u baahan gargaar bani`aadannimo sababtoo ah waxaa isugu darsoomay abaaro iyo dagaallo, 250,000 dadkaasi ka mid ah ayaa weli ku nool xaalado macluul, sida uu sheegya xafiiska QM u qaabilsan arrimaha bani`aadannimada.

Dhanka kale, afhayeenka xoogagga difaaca Kenya ee loo soo gaabiyo (KDF), oo bishii October gudaha Soomaaliya ka billaabay howl gallo milatari oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa codsaday gargaar bani`aadaannimo oo dheeraad ah si loo gaarsiiyo dadka ku nool deegaannada ay qabsadeen.

“Waxaan ugu baaqeynaa ururrada caalamiga ah ee leh awood ay gargaar ku soo gaarsiiyaan deegaannada ku jira gacanta KDF iyo ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, inay si dhaqso ah ula soo gaaraan,” ayuu Maj Emmanuel Chirchir u sheegay wakaaladda wararka arrimaha bani`aadannimada u qaabilsan QM ee IRIN.

Wuxuu  Chirchir sheegay in ciidamada Kenya , kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya ay gacanta ku hayaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo iyo qeybo badan oo koofurta ka mid ah.

“Deegaannada aan maamulno waxaa laga sameyn karaa  adeegyo gargaar, sababtoo ah waxaan awoodnaa inaan ilaalo u sameyno shaqaalaha gargaarka, hay`adaha samafalka waa inay nagala tashadaan sida ugu wanaagsan ee loo damaanad qaadi karo ammaanka shaqaalaha gargaarka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka ciidamada Kenya ee galay gudaha Soomaaliya.

Afhayeenka  OCHA Soomaaliya Russell Geekie, ayaa yiri “Go`aannada ku saabsan meesha howlaha gargaarka laga fulin karo waxay ku xiran tahay baahida iyo xaaladaha ammaanka, markaas samafalayaasha ayaa xaaladda indha indheyn kara.”

Sarkaal sare oo isagana samafalayaasha ka tirsan ayaa IRIN u sheegay : “”Hay`adaha gargaarka waxay wadaan qiimeynta xaaladaha ammaanka ee Soomaaliya iyo sidii ay uga howl gali lahaayeen meel walboo ammaan ah. Balse waxay mar walba ka fogaadaan in lala xiriiriyo koox walboo hubeysan  .”

Xaaji Xiifow, oo ka mid ah dadka deggan magaalada Buurgabo, oo 90km u jirta xadka  Kenya oo ay maamulaan ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG ah, ayaa sheegay in magaaladaasi aysan weli ka soo kaban saameynta abaarihiid daba dheeraaday, inkastoo roobab ay ka da`een dhowaan.

Xiifow ayaa sheegay in dadka magaaladaasi ku nool iyo barakacayaasha Buurgaabo uga yimid magaalooyinka kale, ay heystao xaalad cunno yaraan ah. Wuxuu sheegay in hay`ad gargaar oo halkaasi ka howl gasha aysan jirin.

Inkastoo magaalada ay haatan tahay mid nabdoon, wuxuu yiri Xiifow, “Ma cuni karno ammaan; waxaan u baahannahay wax aan cunno iyo caawin dhanka adeegyada caafimaadka ah “.

Warbixintan waxaa qortay wakaaladda wararka arrimaha bani`aadannimada u qaabilsan QM ee IRIN.

FM

Previous Post

HORUMARKA IYO DIB U DHACA HAYSTA GARGAARKA SOOMAALIYA.

Next Post

GANACSIYADA YAR-YAR EE HAWEENKA GALGADUUD

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
GANACSIYADA YAR-YAR EE HAWEENKA GALGADUUD

GANACSIYADA YAR-YAR EE HAWEENKA GALGADUUD

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18 MAY 2026

IDAACADDA 18 MAY 2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18 MAY 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo