Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

GANACSIYADA YAR-YAR EE HAWEENKA GALGADUUD

admin by admin
January 16, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
GANACSIYADA YAR-YAR EE HAWEENKA GALGADUUD
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMarka aad gudaha u gashid suuqyada kala duwan ee gobolka Galgaduud, waxaa kuu muuqanaya goobo ganacsi oo markaad si wanagsan u eegto aysan oollin badeeco badan oo ku cajab geliya, haddana goobtaas yar waxaa laga biilayaa reer dhan.

Dadkaasi waxay u badan yihiin haween suuqyada  ganacsiga ka xamaasha, waxayna ganacsigaasi ku dabbaraan carruurtooda waxay ka bixiyaan waxbarashadooda, caafimaadkooda iyo waxay u baahan yihiin.

Sagal Cilmi Xirsi, oo ah haweeney  goobteeda  ganacsi ku leh gudaha suuqa degmada Dhuusomareeb waxayna iibisaa alaabaha ay dumuraku isku qurxiyaan, maacuunta iyo badeecooyin kale waxayna ka sheekeyneysa sida ay ganacsigeeda yar uga soo saarto nolol-maalmeedka qoyskeeda  “Dadka danta yar iyo dadka kale ee noloshoodu ay sarreyso way ku wada ganacsadaan suuqa, haddana marka laga hadlayo dadka danta yar waxay noloshooda ku dabbaraan hadba waxa ay ka helaan suuqa. Mar wax baa lagaa gadan karaa marna waxba lagaama gadanayo, waa qof walba iyo nasiibkiisa.

Haweenku waxa ugu badan ee ay ka ganacsadaan waxaa ka mid ah  caanaha, hilibka xoolaha iyo khudaarta. Maryan Cumar Cali waxay iyadana ka warrameysaa sida ganacsigeedu uu yahay “  Aniga waxaan ka ganacsadaa caanaha, carruurta ayaana ku maarreeyaa oo ugu iibiyaa wax walboo ay doonayaan waxaana igu xiriira dad 10 gaaraya. Suuq fiican malaha ka ganacsiga caanaha laakiin shaqo la`aan ayay dhaantaa.”

Saciido Maxamed Iimaan,  waxay suuqa ku gadataa khudaar in muddo ah ayayna ganacsigaas ku soo guda jirtay, xilligaan waxay goob ganacsi ku leedahay suuqa bartamahiisa waxana tiri “ Maalmahan suuqa wuu noo kala socdaa oo wuu fiican yahay, waxaana ku maarreeyay ka ganacsiga khudaarta carruurteyda oo xeyn ah.”

Waxaa jira waddooyinka gobolka ganacsi muddooyinkaan dambe si weyn ugu soo badanayay kaasi oo ay abuurteen haween doonaya inay noloshooda ku kaabaan, waxayna haweenkaasi iibiyaan dharka loo yaqaanno huudheyda. Shamso Guuleed Cawaale oo ka mid ah haweenkaasi ayaa iyadana ka warrameysa heerkooda ganacsig “Huudheyda waxaa nalooga keenaa magaalada Boosaaso, mar wax baa laga helaa marna wax faa`iido ah lagama helo, marka nolosheenna ayaan ku dabarnaa.”

Waxaa xusid mudan in ganacsigaan yar yarka ah uu sare u qaaday bilicdii gobolka,  maaddaama dad badani ay goobo ganacsi sameysanayaan si ay uga helaan nolol maalmeedkooda.

Cabdijamaal Macallin Axmed/FM

Previous Post

HAY`ADDA ICRC OO JOOJISAY HOWLIHII GARGAAR EE AY KA FULIN JIRTAY QEYBO KA MID AH SOOMAALIYA

Next Post

XAALADDA BUUHOODLE OO SHALAY UU DAGAAL KA DHACAY

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Muqdisho: qoysas dib loogu celiyay deegaanadii ay ka soo barakaceen

XAALADDA BUUHOODLE OO SHALAY UU DAGAAL KA DHACAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo