Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

DADKA MANDHEERA OO KA CABANAYA CIMILADA OO QABOW ISKU BADDESHAY

admin by admin
January 3, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
DADKA MANDHEERA OO KA CABANAYA CIMILADA OO QABOW ISKU BADDESHAY
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMandheera oo ahayd magaalo jawigeedu ahaan jiray kuleyl aad u sarreeya, oo uu mararka qaar gaaro heer kulkeedu 40 Digree ayaa qabowga hadda ka taagan oo badankiisa soo dhaca markuu habeenku dumo ama casar-liiqii la gaaro wuxuu noqday mid ay si weyn u hadal hayaan bulshada halkaas.

Jawiga cusub ee ay magaaladani gashay oo la  saadaaalinayo inuu waqti kooban oo aad u yar socon doono ayaa dhibta uu ku soo saa’idiyay dadka waxaa ka mid ah xanuunno ay ka mid yihiin hargab, iyo qufac oo  qandho daran wata, maqaar qalleel iyo faruuryaha oo oo ka wada dillaacay inta badan dadka.

Maxamed Aadan oo ah mid ka mid ah bulshada ku nool magaalada Mandheera ayaa Ergo u sheegay in aaney wali arkin mid la mid ah qabowgaas, waxaanu intaas raaciyay in farqiga u dhaxeeya is beddelka labada Jawi ee magaaladaas ay ku keentay noloshooda culeys dhinacyo kala duwan ah, taasoo sida uu ii sheegay beddeshay qeybo badan oo k amid ah noloshoodii dabiiciga ahayd.

“Qabowgu dadka dhan ee magaalada aad buu u saameeyay oo dadka wajiyadooda haddaad fiiriso waad yaabeysaa jac-jaca ka muuqda, xitaa Masaajidii dadku wey soo aadi la’yihiin oo meeshii 10 saf ahaan jirtay maanta waa labo ama hal saf, marka qabwqgu aad buu u saameeyay  dadka magaalada. Inta aan magaaladaan ku noolaa wali ima soo marin qabowgaan oo kale, dadkana waxaa ugu liita waayeellada” ayuu yiri Maaxamed oo qudhiisu k amid ah kuwa ay xaaladdani saameysay.

Dadka magaaladaas ku nool waxaa caado u ah inay cabaan biyo fara badan, taasoo magaalada ka dhigtay mid looga iibiyo meelo badan oo ka mid ah gudaheeda nuucyada kala duwan ee biyaha, ha ahaadeen kuwo dabiici ah ama qaar la farsameeyay, hase ahaatee qabowga hadda ka jira la ajligeed dadku maba cabayaan biyo fara badan, waxayna bulshada halkaas haada badsadaan isticmaalka sharaabka kulul ama diirran.

Maalintii jawigu waa iska caadi inta badan, laakiin qabowga gala jirka dadka xilliga habeenkii aa ayaa sababa inuu ku dhex keedsamo oogada noolaha oo illaa iyo maalinkii jawigu waa qabow oo kale, dadka qaarna sida waayeellada, carruurta iyo kuwa kale ee aad ujilicsan waxa uu jawigu u yahay isku mid habeen iyo dharaarba, waxaana inkasta oo ay qorraxdu muuqato maalinkii, haddana jirin jawi diirran, iyadoo dhaxanta laga dhaxlay qabowgaas uu sababay in iska daa habeenkii  xitaa la xirto maalintii dhar adag ama culus si la isaga difaaco qar-qaryada.

Marka aad booqato ama gaarto dukaamada lagu iibiyo walxaha leysku qurxiyo waxaa dhooban dad ka fara badan intii caadiga ahayd oo iibsanaya saliidda ama kareemada maqaarka la marsado iyo kuwa dibnaha lagu jilciyo, si aaney u adkaan ama u jeex-jeexmin, waana mid kamid ah xaaladaha ay ku soo kordhiyeen qaboobaha jira oo hadda sii dhaafaya muddo toddobaad ah.

Sidaasoo kale, sida aynu ku heleyno wararka innaga soo gaaraya deegaannada ku xeeran degmada Mandheera, qabowgu waa uu ka jira, walow ay u sii kala daran yihiin, waxaana ka mid ah meelaha heerkulkoodii caadiga ahaa uu aad u sarreeyay ee hadda laga la`yahay diirrimaadkii, degmooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo-Soomaaliya iyo Suuf iyo Doolow Caddoo oo iyana ku yaalla dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, giyigaasoo u dhow Magaalada Mandheera.

Nuur Cali Faarax/MG/FM

Previous Post

WAASIDEE QAABKA LOO DHISO AQAL SOOMAALIGU

Next Post

KU DHOWAAD 300 QOF OO KA FAA`IIDAYSANAYA QALLIIN NOOCYO KALA DUWAN AH OO LAGA BILLAABAY DHOOBLEY

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

KU DHOWAAD 300 QOF OO KA FAA`IIDAYSANAYA QALLIIN NOOCYO KALA DUWAN AH OO LAGA BILLAABAY DHOOBLEY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo