
Dadka Mashruucaan qalliinka ah ka faa’ideysanaya oo gaaraya illaa 300 oo qof ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka, iyadoo ay sidoo kale jiraan dad ka yimid dhanka gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.
Dadka qalliinka ka faa’ideysanaya oo ka kala yimid deegaanno aad u fog fog ayaa waxaa wajiyadooda laga dheehanayay diif iyo daal aad u daran, waxaana Dhoobley ku sii qulqulaya dadka doonaya inay ka faa’ideystaan howlahaan qalliinka.
Xasan Cabdi Xaasho, oo ah guddoomiyaha gudiga cisbitaalka Dhoobley oo wareysi gaar ah siiyay Raadiyaha Ergo, ayaa sheegay in mashruucaan qalliinka ah ay ka faa’ideysanayaan dad kor u dhaafaaya 300 qof kuwaasoo qaarkood laga soo saaro rasaasta xabado hadda ka hor ku dhacay, iyadoo ay jiraan dad Burooyin laga qalayo iyo dadka da’da ah oo indha loo fiiqayo.
” Mashruucaan qalliin Dhaqaatiir WHO ka socota ayaa cisbitaalka Dhoobley ka fulineyso, waana mashruuc loogu talagalay inay ka faa’ideystaan dadka Soomaaliyeed ee qaba dhaawacyada kala duwan iyo kuwa ay Burooyinbka ku yaalaan, waxaana uu qeyb ka yahay caawinaada ay WHO ugu tala gashay Isbitaalka Dhoobley, ayuu yiri Xasan Cabdi Xaasho oo kamid ah maamulka Isbitaalka Dhoobley”.
Si kastaba ha ahaatee dadka ka faai’deysanaya qalliinka ayaa si weyn u soo dhaweeyay mashruucaan qalliinka iyagoo ku tilmaamay inuu wax weyn ka baddali doono dhaawacyadii iyo dhibaatooyinkii ay markii hore qabeen.
Khadar Maxamuud Xareed/MG/FM









