
Dadka magaalada Luuq ku nool waxay Raadiyo Ergo usheegeen iney dareemeen argagax iyo anfariir markii mar qura ay maqleen qarax si weyn looga maqlay magaalada iyo nawaaxigeeda oo uu dhawaqiisu xoogfanaa, gilgilayna quluubta dadka reer Luuq oo idil, markaasoo uu qof waliba ka cararay meeshii uu joogay oo uu gabbaad raadsaday, waxay sheegeen in haddana ay xigtay rasaas ay ciidamada Itoobiya adeegsadeen qaraxa ka dib.ciidamada Itoobiyaanku lahaayeen oo mareysay meel bartamaha magaalada ku taalla oo ay shacbigu si aad ah u dhoobnaayeen, isla markaana ah meel lagu kala dukaameysto.
Qof codsaday in aan la magacaabin qaraabana la ah mid ka mid ah labada qof ee lagu dilay halkaas, ayaa sheegay in dadka dhintay uu ku jiro nin ka tirsan shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Nationlink, kaasoo isaga iyo qofka kale ee isna geeriyooday aan la kala caddeyn karin iney ku dhinteen qaraxa ama rasaasta ay ciidamadu adeegsadeen.
Gaariga lala beegsaday qaraxa ee ay ayaa la tilmaamay inuu si joogto ah u mari jiray meesha lagu helay oo waxaa looga soo dhaamin jiray biyo, hase ahaatee waxaa ka horreeyay dhowr gantaal oo hoobiyayaal ahaa oo habeennimadii lagu bartilmaameedsnayay xarumo ay Itoobiyaanku ku leeyihiin Luuq, kuwaasoo iyaga iyo qaraxa halkaas ka dhacayba aan la ogeyn khasaaraha ay u geysteen ciidamada Itoobiya.
Luuq muddo dhowr bilood ah wey degganeyd oo wax rabshado ah kama dhicin, balse goobaha ay ciidamada shihseeye iyo kuwa dowladdaba ku sugan yihiin ma kasata waa laga filaa iney ka dhacaan falal lagu damacsan yahay in iyaga lagu waxyeelleeyo, hase ahaatee haddana ay bulshada waxyeello ka soo gaarto.
Nuur Cali Faarax/FM










