Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

KALLUUN KU SOO CAARIYEY XEEBTA BOOSAASO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
January 18, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
KALLUUN KU SOO CAARIYEY XEEBTA BOOSAASO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank Kalluun lagu qiyaasey cadadkiisa 3-Tan oo aan nooleyn ayaa ku soo caariyey xeebta dekedda magaalada Boosaaso, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Cabdi-Waaxid Maxamed Xirsi Joocaar, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay sababsadeen Kalluunkaasi Wasakh iyo nafto lagu daadiyey nawaaxiga Dekedda.

“ Niman doonyo wata oo ka yimid dalka Yemen oo asalkoodu Kalluumeysato ahaa oo haatan shidaal lagu keeno, ayaa ku kala baddala kuna dhaqa doonyaha dekadda korkeeda meesha guhada ah. Kalluunka Ceydiga ahna  isagoo dabeysha ka soo cararay ayuu meesha soo galaa, waxa ugu badan ee le`anaya waa kalluunka loo yaqaanno Carabi, waxa laayayna waa naaftadaasi gaartay.”

Dad badan ayaa qaba in nafto lagu daadiyey Badda aysan waxba ka beddeleynin nolosha Kalluunka Badda ku nool, ee sababta soo saartey tirada intaa la eg ee Kalluunka ay tahay Sun lagu daadiyey gudaha Badda.

Aamina Cabdullaahi oo ka mid ah dadka deggan xeebta Boosaaso ayaa waxay leedahay “Aniga aragti ahaan waxaan u heystaa in Kalluunkani ay Sun soo saartay, waayo 11 sano baan joogaa halkaan weligeyna hal mar baan arkay Kalluun waaweyn iyo Abeesooyin ka soo baxay Badda, laakiin hadda in Kalluun intaan la eg ay soo baxaan wax caqliga galaya ma aha waxaana is leeyahay Sun baa soo saartay.”

Qaar ka mid ah Kalluumeysatada xeebta magaalada Boosaaso ayaa iyaguna u sababeeyey arrintaasi iyada oo la gaarey xilligii Badda uu ka soo go`i jirey Kalluunka Ceydiga, oo aanu jirin wax sun ah oo lagu shubey Badda.

Cabdi Cali oo ka mid ah Kalluumeysatada ayaa wuxuu yiri “ Aniga waxaan is leeyahay Kalluunkan Ceydi ayaa la dhahaa xilli buu leeyahay uu Badda ka soo go`o, laakiin markii hore sidaan oo dhan uma soo bixi jirin intaan waa ka yaraa.”

Kalluunkan soo caariyey ayaa sababey nadaafad darro iyo caafimaad xumo soo wajahdey dadka ku nool xaafadaha ka ag-dhow xeebta, oo isku arkey xanuunno ay ka mid yihiin Hargab iyo Daaf.

“Dhibaato badan buu nagu hayaa sida Ur, Hargab iyo Daaf baanu ka qaadnay,” sidaa waxaa tiri haweeney ka mid ah dadka deggan halkaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa  sheegay in aysan wanaagsaneyn nadaafadda xeebta Boosaaso ayna ka dhalan karaan cudurro, kadib markii la joogteeyey in lagu soo daadiyo wasakhda sida timaha la jaro, waraaqaha afka lagu tirtirto, bacaha reebreebka maqaayadaha iyo wasakh kale oo fara badan oo laga keeno xaafadaha.

Ma jiro olole rasmi ah oo wax looga qabanayo bilicda iyo nadaafadda xeebta magaalada Boosaaso oo iminka socda, waana markii ugu horreysay oo Kalluun tiradiisu ay ka badantahay 3- Tan ay ku soo caariyaan xeebta magaalada Boosaaso.

Baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee arrintan keentay ayaa socda, dib ayaana idinkaga soo gudbin doonnaa haddii eebbe idmo.

Axmed Nuur Soomaali/FM

Previous Post

DAD KU DHINTAY QARAX KA DHACAY DEGMADA LUUQ

Next Post

OXFAM/SAVE THE CHILDREN: JAWAABTA BEESHA CAALAMKU KA BIXISAY ABAARTII BARIGA AFRIKA OO GAABIS AHAYD AYAA KEENTAY INAY DHINTAAN KUMANNAAN QOF

Related Posts

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Next Post
OCHA: Waa in la joogteeyaa heerarka gargaarku ku socdo si loo adkeeyo guulihii bani’aadamnimada ee la gaarey

OXFAM/SAVE THE CHILDREN: JAWAABTA BEESHA CAALAMKU KA BIXISAY ABAARTII BARIGA AFRIKA OO GAABIS AHAYD AYAA KEENTAY INAY DHINTAAN KUMANNAAN QOF

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 01-SEP-2026

IDAACADDA 01-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 01-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-AUG-2026
August 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-AUG-2026
August 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-AUG-2026
August 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo