
Qoysaska beeraleyda roob falatada ah oo labadii sano ee la soo dhaafay ay saamayn xoogan oo dhinaca nolosha ah ay ku yeelatey abaarihii ku dhuftay gobolada koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa xaaladooda waxay u muuqataa mid ka soo raynaysa, iyagoo billaabay inay si tartiib ah uga soo kabtaan waxyeeladii ay ku reebtay abaartaas.
Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa iibka raashinka gaar ahaan dalagyada beeraha ee haruurka ku yimid hoos u dhac kaddibmarkii suuqyada magaalada la soo geliyay haruur aad u faro badan oo ay beeraleydu goosteen sanadkan.
Qaar ka mid ah Beeraleyda Roobfalatada degmada Baardheere oo la hadlayey Warbaahinta ERGO ayaa waxay sheegeen beeraleyda oo soo marey sanadahii la soo dhaafey dhibaatooyin adag ay sanadkani ka faa,ideysteen roobabkii xilliga Deyrta ah ee ka da,ay deegaanadooda.
Cali Xusen Aden (Cali Gaab) oo ka mid ah beeraleyda roob wax ku beerata ayaa sheegay in baahida xilligan ay qabaan beeraleyda ay ugu weyn tahay dhinaca goobaha lagu keydsado cuntada iyo qalabka beeraha lagu fasho oo beeralaydu ay baahi weyn u qabaan, iyagoo aan awoodin in ay iibsadaan.
Halkii kiish ee 50kg ee haruurka ah oo haatan muddo laga joogo 4 bilood suuqyada magaalada Baardheere lagu kala iibsan jiray 800,000 shilling ayaa ayaa hadda qiimihiisu uu marayaa 200 Shilling.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay mudo ka badan ilaa 2 sano ah ay beeraleydan ay muujiyaan rajo wanaagsan inkastoo ay wali jiraan caqabado ka hortaagan kordhinta waxsoosaarkooda.
Axmed Cumar Saalixi/MG









