
Hadaba dadka ka faalooda arimaha baddaha ayaa sheegaya in ay tani atahay labo arrimood mid:
1. Qabow adaran oo badda gunteeda hoose ka jira oo sababey in noolahaasi u adkeysan waayo .
2. Walxo sun ah oo badda lagu shubay oo keenay in noolahaasi u dhinaty.
Dadka intooda badan waxay tilmaamayaan in sababtu tahay walxo sun ah oo ku daatay , ma aha markii ugu horeysay oo xeebaha Soomaliya ay ka dhacaan arrimo noocaas oo kale, tobaakii tegey ayaa kalluun lagu qiyaasay 3 ton wuxuu ku soo caaryey xeebta magaalada Boosaaso (Riix), iyadoo weli war sugan aan laga hayn sababta rasmiga ah ee keentay arintaas, caasaanyada ayaan horay loogu arkin xeebaha iyadoo bakhti ah.
Marka laga eego arrintani waxa ay keeni kartaa saameyn xoogan oo dhinaca nadaafada deegaanka , waxana suuragal ah in xanuuno ay ka dhashaan, sida muuqatada waxa ay dad aan la sheekeystay ii sheegeen in urka noolahaas bakhtiyey ku faafay bed aad u balaadhan xeebta magaalada ber-bera.
Yasin ali isse/MH










