Nairobi:- Faadumo macallin Abuukar oo ka tirsan raadiyaha Ergo ee codka arrimaha bani`aadannimada Soomaaliya, ayaa qeyb ka ahayd in ka badan 20 wariyayaal ku sugan Kenya isla markaana ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha Kenya, kuwaasoo lagu abaal mariyay warbixinno ay ka diyaariyeen arrimaha haweenka, bulshada, gudniinka fircooniga iyo caafimaadka xubnaha taranka.
Abaalmarintan saxaafadeed ee caalamiga ah oo ahayd tii 5-aad, ayaa sanadkiiba mar waxaa soo qaban qaabiya sanduuqa badbaada carruurta UNICEF, hay`adda QM ee horumarinta bulshada UNFPA, dalladda saxaafadda kenya ee horumarinta bulshada KEMEP, hay`adda qaranka xiriirka bulshada iyo horumarinta Kenya NCAPD, guddiga runta, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta Kenya iyo ururka ay ku midoobeen haweenka qareennada kenya.
Faadumo, ayaa sanadkan 2011ka lagu abaal mariyay warbixin ay ka diyaarisay xaaladaha caafimaad ee haweenka ku dhala xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kakuma ee kenya.
Tartankan abaalmarineed ee sanadkan waxaa ka qeyb galay in ka badan 300 wariye oo ku sugan Kenya, iyadoo ay ku guuleysteen 21 wariye oo ka kala socday raadiyaha Ergo ee arrimaha bani`aadannimada Soomaaliya, Citizen TV, wargeyska The Standard, wargeyska the Daily Naition, raadiyaha ito telefishinka ku hadla afka dowladda Kenya KBC, BBC World Kenya iyo telefishinka NTV
Xafladda abaalmarinta ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka jinsiga (Gender) Naomi Shaban iyo wasiir ku xigeenka Sportiga Kabando wa Kabando iyo wakiillada hay`adaha UNFPA iyo UNICEF ee Kenya.
Raadiyo Ergo.