Nairobi:- Waalidiin badan ayaa dhaqan geliya maahmaah Soomaaliyeed oo oraneysa: (haween nin dhali kara ayaa dhaqi kara), taasoo ay ku burbureen qoysas badan. Ka dib is fahan waa ka dhaca labada qof ee iyagoo aan is dooran la isku daray. gaar ahaan nin aad u da` weyn oo lagu daro gabar uu dhali karo, gabadhiina iyadoo aan ku qanacsaneyn ninkaasi ay ku raacday amarka waalidkeed ay la noolaan weyso.
Furriinka ayaa ku badan qoysaska aan lagu dhisin isku qanacsanaan, gabdhaha da`da yar ayaa ka cabanaya in raggaasi qaarkood ay ula dhaqmaan sida shey uu soo iibsaday siduu doonana uu ka yeelo, maadaama waalidkeed uu siiyay lacag aad u fara badan si ay ugu guuriyaan.
Xaliimo Xassan, waa gabar 23-jir-ah, waxaa waalidkeed ay ku dareen nin dhali kara oo aad u da` weyn, muddo saddexa bilood ka dib ayuu furay ninkii ka dib markii ay kala kulantay garaacid uu u geysanayo oo uu caado ka dhigtay taasoo keentay furriinka.
Waa gabar da` yar oo mustaqbalkeeda gabarnimo ku weysay saddex bilood gudahood, kuma aysan guursan rabitaankeeda, waxay fulineysay amarka waalidiinteeda. Iyadoo u warrantay raadiyaha ERGO ayay sheegtay,” ninka reerkeenna ayaa igu daray, muddo saddex bilood ah ayaan is qabnay, ka dibw axaan ku kala tagnay naxariis darro aan kala kulmay oo garaacid ay ka mid tahay”.
Garaacistaasi ay Xaliimo sheegtay, waxay u geysatay dhaawac ka muuqda wajigeeda oo ka soo gaaray nabar,” waxaa la igu xero geliyay maahmaahda ah, gabar nin dhali kara ayaa dhaqi kara, laakiin aniga ayaa taas soo arkay mana ahan wax jira, hadba qofka wuxuu la noolaan karaa qofka uu ku qanacsanyahay ee uu nolosha la wadaagayo”.
Xaliimo keliya ma ahan gabdhaha ay waxyeellada ka soo gaartay garaacis uu ninkooda u geystay, balse waxaa jira haween badan oo arrintaasi la kulmay.
Dhaqanka Soomaalida iyo diintaba kuma jirto in haweenka dhib loo geysto, waxaase ku kaca ragga qaar oo aan fahansaneyn ixtiraamka ay mudan yihiin haweenka.
Xaliimo ayaa kula talineysa ragga Soomaaliyeed, inay iska daayaan dhaqankaas xun ee garaacista haweenka ah,”waalidiinta waxaan kula talin lahaa inay gabadhooda ku qasbin nin aysan raalli ka ahayn, sidoo kale ragga ayaan dhihi lahaa iska daaya garaacista aad haweenka u geysaneysaan.
Garaacista haweenka loo geysto ma keento xal ah inuu qoysku ku noolaado nolo ay ku dheehantahay kalgaceyl iyo is faham, balse waxay sababtaa furriin iyo kala fogaansho.
ololaha ka hortagga ku xadgudubka haweenka, wuxuu raadiyaha ERGO idinkugu soo gudbin doonaa warbixinno, wareysiyo, Doodo iyo barnaamijyo ku saabsan tacaddiyada loo geystay haweenka, waxayna socon doonaan 16 maalmood laga billaabo maanta oo ah jimco 25ka bisha November 2011-ka illaa 10-ka bisha December 2011-ka.
FM