MOZAMBIQUE:- Inta la ogyahay 3 ruux ayaa ku geeriyootay halka 5 kalana ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay Gobolka Inhambane ee dalka mozmbique.
Shil kan Baabuur, ayaa waxaa dadka ku nafwaayay ka mid ahaa 1 qof oo Somali ah iyadoo laba kalena ay dhaawacyo ku soo gaareen. dhamaan dadka waxyeellada ay soo gaartay ayaa waxay ahaayeen tahriibayaal ku sii jeeday waddanka koonfur Afrika.
Sidoo kale isla shilalkaasi gaari ayaa waxaa ku geeriyooday laba qof oo u dhashay dalka Ethiopia halka 3 kalana uu Dhaawac kasoo gaaray
Ganacsade Soomali ah oo lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed, oo deggan gobolka Inhambane ee shilkaas uu ka dhacay ayaa Raadiyo ERGO u sheegay inuu shirkaasi sababay markii gaariga uu taayir hore u qarxay –taasi oo la rumeysanyahay ay ku timid gaariga oo aad u xawaareynayay iyo dadka la saaray oo aad u tira badnaa.
Ganacsadaha ayaa intaasi ku daray in gaariga ay saarnaayeen qiyaastii 25 ruux oo 6 ka mid ah ay ahaayeen Soomali halka 19 kalana ay ahaayeen Ethiopian.
Qaar ka mid ah dhaawacyada ayaa lagu soo warramayaa in lagu daawaynayo goobo qarsoodi ah ka dib markii ay ragga wax tahriibiya ay diideen in la geeyo goobo caafimaad iyagoo ka cabsi qaba in ay dabagal ku sameeyaan ciidamada ammaanka.
Dadka ka shaqeysta tahriibinta ayaa sidoo kale ka cabsi qaba in ay ciidamada ammaanka ay ka warhelaan silsiladaha ay isticmaalaan dadka wax tahriibiya.
Mid ka mid soomalida dhaawaca uu soo gaaray oo qaba dhaawac halis ah ayaa haatan lagu guuleystay in loo qaado isbitaal ku yaalla magaalada Inhambane oo uu shilkan ka dhacay.
Bishii April ee Sanadkan ayaa waxaa shil noocan oo kale ah oo ka dhacay isla goobtan waxaa ku dhintay 9 ruux halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen
Faarax Dubad/MG/FM