Saraakiisha caafimaadka ee ka hawl gala gobolka Galgaduud, ayaa ku warramaya inay kordheen tirada dadka qaadaya fayraska keena cudurka jadeecada,iyagoo sheegay in dadkaasi uu haleelayo cudurka ay isugu jiraan dad waa weyn iyo carruur intaba.
goobaha ama xarumaha caafimaad ee la dhigay dadkaasi uu soo ritay cudurka jadeecada, waxaa ka mid ah cisbitalka Istarliin ee ku yaalla degmada Guri-ceel ee gobolkaasi , halkaas waxaa ku sugan hooyooyin ku baxnaaninaya carruurtooda. haddaba qaar ka mid ah hooyooyinkaasi oo la hadlayay Idaacadda ERGO ayaa sheegay inay ka yimaadeen miyiga ku dhaw degmada Guriceel isla markaana ay cisbitalka ku hayaan carruurtooda, “shan bari ka hor ayuu cunuggeyga ku dhacay cudurkaan waligayna ma tallaalin, hadda waxaan helay gar gaar caafimaad waana ii fiican yahay wiilkeyga.” sidaa waxaa tiri haweeney ka mid ahayd hooyooyin carrruurtoodu ay haysay jadeecada oo ku sugnaa cisbitalkaasi Istarliin oo ah cisbital ay gacanta ku hayso hay’adda MSF Belgium.
“Illaa iyo hadda waxa cisbitalkeena soo gaaray bukaanno qaba cudurka jadeecada kuwaasoo gaaraya illaa labaatan iyo kow ruux,afar iyo toban ka mid ah waxa ay ahaayeen dad waaweyn halka toddoba ka mid ah dadkaasina ay carruur ahaayeen.” sidaa waxaa idaacadda ERGO u sheegay Dr. Cabdullaahi Cabdicasiis Faarax Ganeey oo ka mid ah dhaqaatiirta ka hawlgala cisbitalka degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud. Dr Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in dhibaatada ugu badan ay tahay dadka oo aan qabin tallaal isago sheegay in tallaalku uu yaallo gobolka taasina ay tahay nasiib darro weyn.
Sidoo kale Dr. Axmed Sheekh Cumar oo kamid ah dhaqaatiirta ka hawlgala cisbitalka Hadiya oo ku yaalla degmada Caabudwaaq ayaa isaguna u sheegay idaacadda ERGO in cisbitalkooda la jiifiyay bukaanno qaba cudurka jadeecada oo gaaraya illaa soddon ruux saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay,isagoo intaa raaciyay in dadkaasi ay isugu jiraan dad waaweyn iyo carruur intaba iyo in dadkaasi badankood laga kala keenay goobaha miyiga ah ee xiga xadka Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee hay,adda MSF Belgium oo iyadu ah hay,adda maamusha cusbitalka Istarliin ee degmada Guri-ceel ayaa billowday tallaalka cudurkaasi Jadeecada xilli roobabkii Dayrta ay ka da,ayaan gobolka .
Abdifitah Hassan Farah/CC/MG/FM