Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dadka Lo’da ku dhaqda Baladweyne oo nafis-dhaqaale dareemay

admin by admin
November 22, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
Dadka Lo’da ku dhaqda Baladweyne oo nafis-dhaqaale dareemay

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHiiraan:- Ku dhawaad afartameeyo soof oo lo’ ah isuguna jira irmaan iyo guran oo dadkii lahaa ay guryaha ku masruufi jireen muddo ku dhaw saddex sano, ayaa maalmahan aroor kasta xarkaha laga soo furaa si ay u daaqdoonato, kadib markii ay roobeysteen deegaannada Ku xeeran magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Lo’dan oo laga soo kala soofsho xaafadaha kala durugsan ee magaalada Beledweyne, ayaa dadka dhaqda ee guryaha ay ugu xirantahay qof waliba aroor kasta sacaha uu leeyahay uu keenaa goobo ay cayimteen intii markaa isku soof ah, goobahaas oo ku yaal duleedka xaafad kasta, halkaas oo Qofkii ama Raacigii soo daajin lahaa loogu dhiibo.

Dadka lo’dan dhaqda oo sheegan jiray culays dhaqaale oo ka saarnaa dhinaca masruufidda lo’dooda da’mada roobka hortii, ayaa maalmahan muujiyey nafis dhaqaale iyo culeeys ka degay.

Barre Maxamuud oo kamid dadkaas lo’leeyda ah ayaa sheegay “Lo’daan saddex sano abaar awgeed ma foofin, intii saddex sano ah lama foofin jirin xariggaa lagu biili jiray wixii ay keensato caanaheeda biilaa loogu dari jiray al-xamdullilaah shukri rabbilcaalamiin!, hadda waxaan helnay roob waa barwaaqoowday, haddaan intii saddex maalmood ah lo’da waa la siideeyey waa barwaaqoowday, cunno ayay soo heshaa.”

Waa halkee Meelaha roobeeystey ee lo’dan loo soofsho, iyo qaddarka aminta ay u sii soofto ? waa kan Barre oo mar kale ka hadlaya arrintaasi“ waa magaalada daafaheeda aan dheereyn, hal saac ayay soconeysaa ama nus saac hadba magaaladu sidii ay ugu kala dheeryihiin afarta xaafadood , waxaan kuu tilmaami karaa ee Hello-buullo oo bari ah, Hiiraan oo waqooyi ah, Bari oo Jento xaggeeda ah. Qorax-sin waxay u aaddaa Gembarlaawe xagiisa, ee Burfiiq xagiisa, ee Raasumaal meel la yiraa xaggiisa sdddexdaasna Qorraxsin ayay ka aaddaa, Magaalada daafaheeda oo idil qof walba meeshii ugu dhaweyd ayuu daaqaas lo’da u deystaa, Al-xamddullilaah,!! Xareedda ayay soo cabtaa, daaq ayay soo cuntaa iyadoo aan wax loo dhigo lahayn ayay soo hoyataa.”

Barre wuxuu mar kale tilmaamayaa waxa iska baddalay noloshoodii hore,“ Noloshii hore ee qoyska waxaa nooga baddalmay biilkii iyo caanaheedii aan suuqa geyn jirnay dadka isticmaala, wax lo’da lasiiyo malaha, hadba ninkii xoolaha u irmaan yihiin biilkiisa waa mustakafi, wax buu ka heystaa A-xamddullilaahi shukri!! Caanihii la gadi jiray qoyskaa u isticmaalaya.”

Lo’dan muddada dheer ee abaartu jirtay ku xirneyd guryaha magaalada qaarkood oo maalmahan xarkaha looga soo furay inay soo daaqsato, ayaa dadka iska leh ee soofsaday ay sheegayaan in ay u soo daaqsan doonto muddo dhan illaa iyo soddomeeyo casho, taas oo ay muujinayaan kana filayaan inay u soo doogsan doonto uguna cayili doonto lo’dooda neefafkii abaartu jilcisay, islamarkaana ay kaga nasan doonaan qarashaadkii lacageed ee maalinlaha ahaa ee ay gelin jireen maalin walba.

Cabdullaahi Salaad/FM

Previous Post

CUDURKA JADEECADA OO KU FIDAYA GALGADUUD

Next Post

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka digay in la dhibaateeyo barakacayaasha

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka digay in la dhibaateeyo barakacayaasha

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka digay in la dhibaateeyo barakacayaasha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo