
Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkaan ka jeediyay xilli uu kormeerayay xerada barakacayaasha ee Badbaado,oo ay ku jiraan dad aad u farabadan oo kasoo cararay abaarahii ku dhuftay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ra’iisulwasaaraha ayaa waxa uu kulan kula qaatay xerada hay’ada Maaraynta Musiibooyinka iyo waliba Maamulka Degmadda dharkaynleey iyo saraakiisha Ciidamada booliska ,
Hadalka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Dr,C/wali Maxamad Cali ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay sare u kaceen dhibaatooyinka isugu jira dilalka iyo kufsiga loo geysanayo dadka barakacayaasha ee ku jira kaamamka barakacayaasha ee ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.
Abdisamad Abdulkadir/MG










