Angola:- Ciidamada wadanka Angola ayaa dhallinyaradaan Somalida ah oo tiradooda lagu sheegay ilaa 15 waxa ay kadib marki ay sii daayeen waxa ay si qasab ah uga gudbiyeen xadka dalka Angola uu la wadaago waddanka Congo Brazaville.iyagoona ciidamadu ay amar ku siiyeen dadkaasi in ay gudaha u galaan waddankaasi Congo Brazaville.
Daahir ugaas oo isagu ah afhayeenka jaaliyadda soomaaliyeed ee waddanka Angola ayaa sheegay in dhallinyaradaan ay qeyb ka ahaayeen illaa lix iyo kontan kale oo dhammaantoodba ah muwaadiniin soomaaliyeed kuwaasoo uu ku jiray xabsiyada ku yaala waddanka Angola.Daahir ayaa sidoo kale sheegay in15kaan dhallinyarada ah ay xabsiga ka soo saareen ciidamo u dhashay Angola kadib marki ay xanuunsadeen iyagoona ugu waramay in ay geynayaan cusbitaal hase yeeshee inta afar afar la isu raaciyay in lagu amray in ay xadka Congo barazavile u gudbaan waxaana uu sheegay in dhallinyaradaasi ay dhibaatooyin fara badan la kulmeen.
“Xiriir ayay nala soo sameeyeen kolkii ay tageen Congo brazavile waxaan kula talinay in ay isu dhiibaan dowladda wadankaasi waana ay isu dhiibeen waxa lagu xareeyay xero weyn oo xabsi oo kale ah balse dhaanta xabsiyada dalka Angola” sidaana waxaa Radio ERGO u sheegay Daahir Ugaas afhayeenka jaaliyadda soomaalida ee wadankaasi Angola.
Bishaan Nofembar 20keedii ayay ahayd markii xilli habeennimo ah lagu wargaliyay maxaabiis soomaaliyeed oo ku jirta xabsi magaalada caasimadda ah ee Luanda qiyaastii u jirta 55km lagu wargaliyay in ay i diyaar garoobaan lana qaadayo iyadoo aan loo sheegin halka loo qaadayo,maxaabiistaasi waxaa ka mid ahaa Guuleed Maxamad Axmad waxaa uu idaacadda ERGO u sheegay in lagu soo qaaday diyaarad ciidan lana keenay gobol lagu magacaabo Kibanda oo xad la wadaaga wadamada Congo brazaville iyo Congo Kinshasa.
Guuleed ayaa sheegay in xabsigaan uu ka liitto kii hore waxa uu yiri malahan koronto iyo biyo toona “marki aanu joognay xabsigi u dhawaa caasimadda Angoola waxaa noo imaan jiray oo aan taageero ka heli jirnay soomaalida laakiin meshaan soomaali ma joogto ,aniga sadex sano ayaan ku jiraa xabsiyadaan lamina soo koobi karo dhibaatooyinka igu qabsaday xabsiyadaan mudadii aan ku jiray ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay Guuleed oo ah wiil soomaaliyeed oo ku jira xabsi ku yaala waddanka Angola.
Si kastaba ha ahaatee soomaali badan ayaa ku dhibaateysan xabsiya badan ku yaala qaaradda afrika gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha xilli la qabtay iyagoo doonaya in ay u sii tahriibaan waddanaka South afrika,mana jirto illaa iyo hada cid mas,uuliyadda muwaadiniintaasi dusha iska saartay amaba u ol oleysay sii deyntooda.
Faarax Dubad/AA/MG