Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dad rayid ah oo ku eedeeyay militariga Kenya inay dhibaateeyeen

admin by admin
November 29, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
Dad rayid ah oo ku eedeeyay militariga Kenya inay dhibaateeyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMandheera:- Dad shacab ah oo ku nool magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya oo sheegay in jirdil ay ugeysteen ciidamada dalka Kenya ayaa cabashooyin ay ka muujinayaan dhibaatooyin soo gaaray waxa ay u gudbiyeen mas,uuliyiinta maamulka dawladda hoose ee degmada Mandheera.

Dadkaasi oo qiyaastii kor u dhaafaya illaa 200 oo ruux ayaa waxa sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin uu kamid yahay duqa Mandheera Maxamed Aadan Khaliif, iyagoo cadeeyey in dadkaani u badnaayeen carruur, haween iyo dad da, ah, waxayna sheegeen in ciidamada waddanka Kenya ay si xun ula dhaqmeen,mas,uuliyiinta halkaasi ku sugan iyo wax garadka degaanka ayaa billaabay in ay tirakoob ku sameeyaan dadka dhibanayaasha ee ku wax yeeloobay degaanadaasi.

Qaar kamid ah dadka dhibaatada ay soo gaartay oo lagu dabiibayo isbitaalka Mandera ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u gaareen

“Waxaan ka jabanahay lug waxaan ka loo ka jabanahay sararta iyo gacanta ,sidaana waxaa ii galay ciidamada Kenya” sidaa waxaa Radio Ergo, u sheegay Maxamad Xasan Isaaq oo ka tirsan shacabka ku nool Mandheere, Maxamad ayaa intaasi ku daray in todoba ka mid ah ciidamada Kenya ay guriga ugu soo galeen dabadeedna ay garaaceen illaa aan dhulka ku dhacay ayuu yiri.

Waxaan deganahay Kenya oo aan ku dhashay,waxaa ii yimid 3 kamid ah ciidamada Kenya banaanka qorraxda ayay na seexiyeen saddexdii subaxnimo illaa 7saac oo duhurnimo waxaan tusiyay kibaandhada ma naqaano kibaandho mana fiirinayno, ayay iigu jawaabeen waxaan qorraxdi jiifay illaa aan ka miyir doorsoomay sidaana waxaa Radio Eergo u sheegay haweeney 42 jir ah oo lagu magacaabo Muxibbo Macallin Daahiye kana mid ah dadka xaafadda Town shi bee ku taala Mandheera.

Dhibaatooyinkaas ay ku andacoonayaan dadka rayidka ah ayaa ku soo beegmay wax yar kadib markii hal askari oo katirsan ciidamada Kenya uu ku dhintay qarax miino, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen kaasoo ka dhacay Mandheera.

Maxamad Aadam Khaliif oo ah duqa magaalada Mandera ayaa waxa uu sheegay in qaraxa marki uu dhacay kadib in ciidamadu ay qaar kamid ah shacabka dhibaato u geysteen,garaaca iyo boobka waxaa inta badan geystay ciidamada dawladda Kenya in kastoo ay jiraan ciidamo ka soo talaabay dhanka xuduuda soomaaliya ay iyaguna boob iyo dhac sameeyeen ayuu intaasi ku daray duqa Mandheera .

“Insha allaah hadda waxaan qaadanay kulan anaga iyo shacabka waxaanan rajaynaynaa inaysan mar dambe dhicin falalkaan oo kale ,haddana waan u gudbinay madaxweynaha Kenya sida ay wax u dhaceen .isaga ayaanan ka sugaynaa wixii jawaab ah.” Sidaana waxaa Ergo u sheegay duqa Mandheera Maxamad Aadan Khaliif oo wareysi dheer siiyay Radio Ergo.

Si kastaba ha ahatee shacabka inta badan ka ag dhaw hadba meeshi qarax ama iska hor imaad ka dhaco ayaa iyagu la kulma dhibaatooyin badan oo halis galiya nafsadooda.

Waxaana mudooyinkaan dambe ku soo badanaya qeyba kamid ah gobolka waqooyi bari Kenya qaraxyada lala eeganayo ciidamada ammaanka dawladda Kenya.

Previous Post

CARRUUR SHUBAN LA ILDARAN OO LA GEEYAY CISBITAALKA QANSAXDHEERE

Next Post

Somaali laga musaafuriyay Angola

Related Posts

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
blank
Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Wiil ganacsi u hirgalay ku furtay lacag uu mar u qorsheeyay inuu ku tahriibo

March 14, 2025
Next Post
Somaali laga musaafuriyay Angola

Somaali laga musaafuriyay Angola

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2025

IDAACADDA 23-JUN-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2025
June 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2025
June 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2025
June 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2025
June 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2025
June 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo