Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

LABO CARRUUR AH OO AY XAALAD CAAFIMAAD DARRO OO QATAR AH KU HAYSO BELED-XAAWO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
November 30, 2011
in Caafimaadka
0
LABO CARRUUR AH OO AY XAALAD CAAFIMAAD DARRO OO QATAR AH KU HAYSO BELED-XAAWO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMuuqaalka 2-daan ruux aad buu kuu murugo gelinyaa, maxaa yeelay waxaa doorsoomay wajiyadooda iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee xubnaha madaxyadooda oo meelaha qaar waxaa ka maqan hilbo ka go’ay, sida dibnaha, haraga ku dahaaran dhaayaha, timaha iyo qeybo kale.

Dhibbanayaashaas waa wiil iyo gabar walaalo ah oo gu`  qura kala weyn, kuna nool magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, hal sano ka dib dhalashadoodii ayuuna xanuunka haya ku billowday, hadda oo uu wiilku yahay 17-sano-jir, gabadhuna 16-sano jir waxay xaaladoodu mareysaa meel halis ah oo sida ay iisheegeen waalidiintoodii  ay dhaqaatiirtii aragtay cadeeyeen inaan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin.

Cudurka haya 2-daasi ruux ee walaalaha ah oo marba marka kadambeeya ka sii daraya waxa uu ka dhigay dhibbanayaasha qaar naafo ah, oo waayay xubno qaali ah, gaar ahaan wiilka oo indho beelay, gacmaha, lugaha iyo dhabarkana ka jiisoobay oo waa uu kala qalloocday, intaas waxaa dheer hadda waxaa beddelmay codkiisii oo haddii uu kuu dhawaaqayo ma garaneysid waxa uu ku oranayo, waxa uuna qatar ugu jiraaa inuuba waayo codkiisa oo idil.

Aabbaha dhalay 2-daasi bukaan ayaan kala sheekeystay xaaladda ilmihiisa, waxaanu ii sheegay in gabadha oo hadda ka yara roon wiilka ay ku sii socoto xaaladdeeda, halka uu wiilku marayo, waxaase waalidiinta ilmahaasi xanuunsan waxaasoo idil uga sii daray, markii ay isla cudurkani u geeriyootay gabar ka mid ahayd ilmahooda oo 19-sano oo ay la nooleed xanuunka, kadib u geeriyootay ugu dambeyntii.

Axmed Cabdulle Carab, waa aab baha ilmahaas waxaanu sharraxayaa sida uu ku soo billowday xanuunka carruurtiisa iyo sida uu yahay muuqaalkooda hadda.

“Ilmahayga dhibaatada haysata waa xanuun indhaha kaga dhacay iyo madaxa iyo maskaxda, muddo badanna ay qabeen. Ilmihii koowaad 19-sano ayuu cudarkaas qabay uu udhintay, cudurkaas si is daba joog ah ayuu u hayay carruurta, cid innaga gar-gaartayna ma jirin, innaguna waxaynu nahay wax maheysato nolushu ku adag tahay” ayuu yiri aabbaha walaalaha xanuunku hayo oo intaas sii raaciyay”Indhaha ayaa laga qabanayaa ilmaha, madaxa ayaa lagu dhufanayaa, indhahaa dhiig soo galayaa, daamankaa dhiig soo galayaa, wey dillaacayaan markaas, bes, sidaas iyadaa ayuun beey ku jirayaan, dheecaan uun baa shubmaya”.

Sidoo kale waxaa aad u adag nolosha qoyska ay u joogaan ilmahaasi xanuunsan oo sida ay Ii sheegeen quuta maalintii hal jeer  waxaan ka badneyn, waxaana ay codsanayaan in looga soo gurmado cudurka ku dhacay carruurtooda, inta aanay u naf waayin ama aanay u dhiman si silac ah sida uu markale ku cataabayo aabbaha dhalay dhibbanayaasha oo goconaya geerida inantiisii hore.

“Muslimkaa qaraabo inoo ah, Islaamkaa qaraabo inoo ah, wax qaraaba ah oo goonni ah oo aan leennahay majirto, marka adduunka  jaaliyadaha Soomaalida iyo hay’adaha caalamka waxaan ka dooneynaa in ay iga kaalmeeyaan arrintan. Waxaan wax weydiisaneynaa kuwa naxariista badan ee u gar gaara dadka tabaaleysan”

Magaalooyin badan oo Soomaaliya ka tirsan ayaa had iyo goor lagu arkaa cudurro mucjiso ah oo ay dadku ka argagaxaan, kuwaasoo ay dhaqaatiirtu sheegaan in aan gudaha wax looga qaban karin, waxayna bukaannada dhibaatadaas caafimaad darro ay la soo deristo ugu dambeyntii ku soo idlaataa noloshooda in gurmad ay usameeyaan samafalayaal loogu qaado bannaanka oo lagu soo dabiibo ama ay si silac ah ay ugu dhintaan meelaha ay ku  xanuunsanayaan.

Nuur Cali Faarax/MG/FM

Previous Post

Somaali laga musaafuriyay Angola

Next Post

Wasiirka kalluumaysiga Puntland “tababarro xirfaddaha kalluumaysiga ayaanu xeebaha ka qabanay”

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Wasiirka kalluumaysiga Puntland “tababarro xirfaddaha kalluumaysiga ayaanu xeebaha ka qabanay”

Wasiirka kalluumaysiga Puntland "tababarro xirfaddaha kalluumaysiga ayaanu xeebaha ka qabanay"

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo