
Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa Salaadda ciidda kula tukaday dad aad u fara badan Masjidka isbahaysiga Islaamka ee ku yaalla magaalada Muqdisho
Dadka ku tukaday masaajidka isbahaysiga, ayaa waxa ay ahaayeen dad aad u fara badan kuwaasoo ay ka muuqatay farxadda Munaasibadda Ciidul-adxaa.
Dhinaca kale deegaannada ay maamulaan Ahlu Sunna Waljamaaca ee bartamaha Soomaaliya, kuwa Maamullada kale sida Ximan iyo Xeeb, iyo Galmudug ayaa iyaguna si weyn looga oogay salaadda ciidul-adxaa iyadoo dadkuna ay isugu hambalyeynayeen munaasibadda ciidda.
Sidoo kale dadweyne badan oo u dabaal degayay munaasibadda ciidul-adxaa ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee maamulka Puntland, kuwaasoo isugu hambalyeeynayay farxadda ciidda,,dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay garoonka cayaaraha ee Mire Awaare iyagoo ku tukaday salaaddii ciidul-adxaa.
Qaar ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ka qeyb galay tukashada salaaddaasi ayaa ugu hambalyeeyay shacabka farxadda ciidda .
Goobaha sida weyn looga ciiday salaadda ciidul adxaa waxaa ka mid ahaa degaannada ay ka arrimiyaan xarakada mujaahidiinta Alshabaab ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Kumannaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaal ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana halkaasi salaadda Ciidda ku tujiyay mas’uuliyiin katirsan shabaabul Mujaahidiin.
Barxadda Calamada ee Lafoole waxaa shacabka ku tujiyay salaadda ciidda Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Sidoo kale magaalooyinka hoostaga maamulka la magac baxay Somaliland, ayaa iyana si weyn looga wada ciiday.
Si kastaba aha ahaatee ciidda ciidul adxaa oo ka mid ah ciidaha ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah ayaa sanadkaan waxay ahayd mid ay shacabku gabi ahaanba ku mideysnaayeen oo aanay jirin wax Khilaaf ah.
Cabdisamad Cabdulqaadir /FM/MG









