Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Booliiska Burco oo howlgal qaaday

admin by admin
November 15, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
Booliiska Burco oo howlgal qaaday
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankTOGDHEER:- Howlgal ballaaran oo lagu cirribtirayo khamriga iyo muqaadaraadka ayna qaadeen ciidamada booliiska magaalada Burco, ayaa waxay ku soo qabteen in ka badan 30,000 liitar oo khamri ah iyo hub sharci darro ah oo tiradiisa lagu sheegay 6 qori.

Sida uu sheegay taliyaha qeybta booliiska gobolka Togdheer oo ciidamada howlgalkaas qaaday hoggaaminayay Saleebaan Dhagacadde, howlgalka waxaa fuliyay ciidamada booliiska ka ddib dabagal baaritaan ah oo lagu soo ogaaday illaa 6 goobood oo lagu iibiyo khamriga, iyadoo sidoo kalena booliisku ay soo qabteen 17 qof oo lagu eedeeyay in ay ka ganacsanayeen khamriga.

Taliyaha Saleebaan Dhagacadde, ayaa sheegay in howlgalku uu ku dhacay si nabadgelyo ah marka laga reebo kooxo isku dayay in ay ka dhaga adeygaan amarka ciidamada, taasi oo keentay in booliisku ay isticmaalaan awood si ay u galaan dhisme ay ku jiraan dadka la soo qabqabtay, kuwaasoo ka dhaga adeygay in ay furaan guriga.

Mar aanu wax ka waydiinnay waxa laga yeelayo dadka la soo qabtay, ayaa wuxuu sheegay Saleebaan Dhagacadde inay maxkamad la tiigsan doonaan eedaysanayaasha, isagoo dhinaca kale digniin u jeediyay dadka ku lugta leh waxyaabaha anshax xumada ah sida aflaamta dhaqan xumada ah.

“Ma oggolaan doonno in Video-yada anshax xumada ah lagu daawado goobaha dadweynaha.”

Tallaabadaas ay qaadeen ciidamada ammaanka, ayaa waxaa soo dhoweeyay dadweynaha reer Burco oo sheegay in haddii khamriga iyo hubka sharci darrada ah aan wax laga qaban ay sababi karaan in nabadgelyadu faraha ka baxdo.

Sidiiq Yuusuf Qalaf/MG/FM

Previous Post

Rakaab ku duruufaysan Goofguduud ka dib markii gaadiidkii ay la socdeen ay xannibeen roobab

Next Post

Dhibaatada barakacayaashu ku qabaan qaadashada cuntada gargaarka

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Dhibaatada barakacayaashu ku qabaan qaadashada cuntada gargaarka

Dhibaatada barakacayaashu ku qabaan qaadashada cuntada gargaarka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo