Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaatada barakacayaashu ku qabaan qaadashada cuntada gargaarka

admin by admin
November 16, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dhibaatada barakacayaashu ku qabaan qaadashada cuntada gargaarka

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Goobaha lagu qeybiyo raashinka ee ku yaalla gudaha  magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayey falal aad u naxdin badan, kuwaasoo ay ka mid tahay dil loo geysto dad barakacayaal ah oo sugayay raashin.

Mid kamid ah xerooyinka ku yaala Muqdisho waxaa ku geeriyooday todobaadkaan bartamihiisa 3 ruux iyadoo tira kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhammaantoodba ahaa dad barakacayaal ah, waxaana dhacdadaani ay timid kadib markii mid kamid ahaa askarta ciidamada DFKMG Soomaaliya uu rasaas ku furay xilli dadkaasi ay saf ugu jireen in ay helaan raashin laga qeybinayay goobtaasi.

Dhacda kale oo taa lamid ah ayaa iyaduna ka dhacday xero ku taal  degmada Kaaraan waxana  ku geeriyootay inta la xaqiijiyay afar ruux oo ay ku jirtay haweeney uur lahayd,  iyadoo toban kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhammaantoodba qeyb ka ahaa qoysas barakacayaal ah oo raashin loo qeybinayay ka dib markii sidaasoo kale uu askari katirsan ciidanka DFKMG Soomaaliya uu rasaas ku furay dadki sugayey..

Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale goob ay ka socotay cuna qaybin waxaa naftooda ku waayay saddex ruux iyadoo shan kalena ay soo gaareen dhaawacya kala duwan, waanna dad barakacayaal ah dhammaantood kadib marki uu askari katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu rasaas aan loo meel dayin ku furay xilli dadkaasi ay raashin safaf ugu jireen.

Qoysas barakacayaal ah oo iyaguna ku sugan qeyba ka mid ah xaafadda Siigaale ee degmada Hodon  ayaa iyaguna sheegay in raashin  gargaara oo loo keenay ay ka boobeen ciidamo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunnah.

Qaar kamid ah hay,adaha xuquuqda aadamaha ee ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in barakacayaasha ku dhintay rasaasta la furo xilliyada raashinka loo qeybinayo  ay kor u dhaafayso siddeetan ruux sanadkaan gudihiissa, kuwaasoo u badan haween .

Arrimahaan oo ah hadal heynta ugu badan ee ka jirta magaalada Muqdisho ayaa waxay tahay mid saaamayn ku yeelatay qoysaska barkacayaasha ah taasoo noqotay “halkii cir laga filayay waxaa ka yimid ceeryaamo!”.

Haddaba maxay tahay sababaha inta badan ciidamada ka tirsan ama ka amar qaata dawladda Soomaaliya ay rasaasta ugu furayaan goobaha cuntada laga qeybinayo, maxayse tahay sababta kale ee loo eedeynayo dadka iyaguna loo qeybinaayo gargaarka?, waxaan arrimahaasi wax ka weydiinay barafisoor Cabdirashiid Maxamad oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay marka hore  in dilka xad dhaafka noqday ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka geystaan goobaha laga qeybinayo raashinka ay ugu wacantahay wada shaqayn la,aan ka dhex jirta hay,adaha dowladda iyo hay,adaha ku shaqada leh  ka shaqaynta samafalku aysan iska xilsaarin ammaanka dadka ay doonayaan inay caawiyaan gaar ahaan dhinaca cunnada loo qeybinaayo, wuxuuna ugu dambayntii ku taliyay in tallaaba adag ay dowladdu ka qaado kuwa caadeystay in ay laayaan shacabka masakiinta ah ee sugaya  in loo qeybiyo  raashin iyo dhuuni ay cunaan.hadii kale ay dowladdu ku fashilmi doonto shacabkeeda.

Arrimahaan dhibatooyinka loo gaysanayo barkaacayaasha ayaa waxaa ugu danbeeyey laba maalmood ka hor rag xiran direyska ciidamada ay boobeen raashin loo qeybinayay barakacayaal ku sugan kaam ku yaala agagaarka cisbitaalka Digfeer.

Sida baaritaanno Radio Ergo sameeyey waxaa jira oo kale kufsi si baahsan uga socda xeryaha barakacaasha, arrimahaan oo aysan jirin cid loo qabtay ama loo horkeenay maxkamad.
C C/MH

Previous Post

Booliiska Burco oo howlgal qaaday

Next Post

Bad-maaxiin Pakistaaniyiin ah oo la sii daayay

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Bad-maaxiin Pakistaaniyiin ah oo la sii daayay

Bad-maaxiin Pakistaaniyiin ah oo la sii daayay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-SEP-2026

IDAACADDA 18-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo