Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Pretoria: ganacsatada Soomaaliyeed ee dhowaan loo geystay boobka oo quud darraynaya inay markale ku noqdaan goobahoodii

Radio Ergo by Radio Ergo
October 28, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Pretoria: ganacsatada Soomaaliyeed ee dhowaan loo geystay boobka oo quud darraynaya inay markale ku noqdaan goobahoodii
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBishan Oktoobar horraanteedii,  ayaa boob iyo dhac loo geystay dukaamo badan oo ay leedahay Soomaalida ku nool waddanka Koonfur Afrika, kuwasaoo badi ku yaallay tuulo wax yar ka baxsan magaalada Pretoria.

Sida ay sheegayaan dadkii ku ganacsanayey dukamadaasi, waxaa la boobay ama la gubay 45 dukaan.. Mustafe Muxumed Ibraahim oo ku nool Pretoria kana ganacsada tuulo 10 km u jirta magaAladaas,  ayaa isagoo Raadiyaha  ERGO  la hadalaya sheegay “waxaa magaaladaas  degganaa illaa 150 Soomaali ah oo ay uga furnaayeen 46 dukaan, bishu markay ahayd 16-kii Oktoobar ayaa  niman budhcad ah una dhashay waddanka Koonfur Afrika  ay weerar ku soo qaadeen dukaamadii, dukaamadii qaarna waa boobeen qaarna waa gubeen halka qaar kalena ay fiiqdeen oo xitaa jiingadihii ayey ka diirteen, waxay kaloo dhibaato u gaysteen dadkii Soomaalida ahaa oo qaar badan u geysteen dhaawacyo”.

Ganacsatada Soomaalida ayaan illaa iyo hadda garanayn waxa sababta  u ah dhaca iyo boobkaan lagula kacay hantidooda.

Dadka Soomaaliyeed ayaa sheegaya inay tahay markii afaraad ee dukaamada Somaalida halkaas ay ku leeyihiin la boobo, ganacsatada Soomaalida ayaa ku qiyaasay in illaa 1.5 milyan  oo dollar hanti gaaraysa laga boobay dukaamadaas.

Mid ka mid ah guddiga tuuladaan oo ay la kulmeen guddiga ganacsatada Soomaalida,  ayeysan wax buuran uga qaban cabashadoodii, wuxuuna guddiga sheegay in deegaankaan la boobay ay ka xoogsan jireen  dhalinyaro ka badan 180 kana heli jirey nolol maalmeedkooda, ayna hadda noqdeen kuwo gebi ahaanba ka cararay goobahaan.

Sidoo kale waxay sheegayaan inaysan wax gacan ah ka helin ciidanka dawladda, waxaana jira dad iyagoo ganacsigoodii la boobay iyagii la xiray. Guddiga ganacsatada Soomaalida deegaankaas ayaa sheegaya inay u dacwoodeen ciidanka ammaanka goobtaas, wax tallaabo ah oo aan ka ahayn hadal macaan umaysan sheegin Soomaalida siday sheegeen guddigaani.

Dadka Soomaaliyeed ayaa sheegaya inaysan garanayn meel ay aadaan, waxayna sheegayaan inay ku khasban yihiin inay ku noqdaan goobahoodii oo dib u dhistaan, iyagoo sheegaya inay wada hadal  kula jiraan dadka deegaanka bal sidii ay isu af garan lahaayeen.

Dhibkaan keenay in la booboo dukaamada Soomaalida, ayey sheegayaan dadka Koonfur Afrikaanka iany ka dmabeyso kadib markii uu wiil Soomaali ah dil toogashou geystay Gabar  dadka reer KoonfurAfkrika ahi, taasoo sababtay in dadku ay qaadaan colaad keentay inay boobaan hantida Soomaalida, waxaana sida Soomaalidu sheegayaan dilkaan ku yimid si aan ku talo gal ahayn, haddana ay la xaaleen ehelladii gabadha ayna is afgarteen, oo aan dhacdadaas loo sababayn karin boobka loo gaystay dukaamadooda. Ganacsatada Soomaaliyeed waxay sidoo kale sheegeen,  inay jiraan dad yar oo uu madax maray nacaybka soo galootiga ayna yihiin kuwa ka dambeeya dhibaatada lagu bartilmaameedsanayo.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ayaa badi ka ganacsada raashiinka quutal daruuriga ah, iyagoo deggan goobaah ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee loo yaqaan (Locations) oo ah goobo ammaan ahaan aan la isku hallayn karin, waxayna dadkii hadda laga boobay hantidoodii quud darraynayaan inay dib ugu noqdaan goobahoodii wax kastoo ay ugu kacdaba iyo khatar kastoo ay ku galayaanba.

Cabdulqaadir Axad/MH

Previous Post

Muqdisho: dadka naafadda ah ee ku jira xeryaha barakaca oo dhibaatooyin haystaan

Next Post

Bay: gaadiid sida shixnado ganacsi oo ay xannibeen colaadaha iyo roobabka ka da’aya gedo iyo jubooyinka.

Related Posts

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
Next Post
Bay: gaadiid sida shixnado ganacsi oo ay xannibeen colaadaha iyo roobabka ka da’aya gedo iyo jubooyinka.

Bay: gaadiid sida shixnado ganacsi oo ay xannibeen colaadaha iyo roobabka ka da’aya gedo iyo jubooyinka.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo