Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: dadka naafadda ah ee ku jira xeryaha barakaca oo dhibaatooyin haystaan

Radio Ergo by Radio Ergo
October 27, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Muqdisho: dadka naafadda ah ee ku jira xeryaha barakaca oo dhibaatooyin haystaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaar kamid ah qoysas naafa ah  oo isugu jira kuwo ku waxyeeloobay dagaalada dalka ka socda iyo kuwo rabaani ah oo aan ku booqday xerada barakacayaasha naafada Seybiyaano  degmada Hodan ee galabka Benaadir ayaa ii sheegay in ay haysato dhibaato dhinaca nolosha ahi.

Qoysaskan ayaa u badan carruur iyo haween naafa ah  oo isugu jira kuwo ka soo barakacay goboladda  iyo kuwo kaloo horey ugu dhaqnaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaar kood ii shegay in ay xeraadaasi daganaayeen  in ka badan 2 sano iyagoo ilaa iyo  xiligaasi ii sheegay in aysan jirin wax daryeel iyo deeq ah oo la soo gaarsiiyay

Intii aan ku sugnaa xerada barakacayaasha naafada ee deegaanka Seybiyaano ayaa waxaan kula sheekaystay haween naafa ah oo qaar kood haystay carruur isugu jirta kuwo ku naafoobay dagaaladda iyo kuwo dabiici ah oo ku dhashay naafa nimadda

Hooyadan oo magaceeda ku sheegtay Sahro Cumar Max’ed ayaa ah haweenka ku nool xerada barakacayaasha naafada Seybiyaano waxa ay hooyadan haysataa laba carruur ah oo mid kamid ah ay ku naafoowday dagaalada dalka ka socda iyadoo iiga waramaysa xaalada carruurta Naafada ah waxa ay tiri “ waxaan idin sheegayaa gabadhaan yarta ah aad ayay iiga xanuunsantahay  bareelas Camal ayay iga tahay dhaqtarkaan geeryana waxba kama qaban karno aay I leeyihiyiin, marka illaahay S.W ayaa caafimaadka bixiyee aniga daawo uma helin, Cisbitaalka Benadir ayaan la galay hada ka hor waxna kama helin, midan kalan ee yarta ah madaxa ayay xaba uga taala xiligii Ethopianka dalka joogay ayay xabadi madaxa uga dhacday”

Hooyo Sahro ayaan waxaan weydiiyay cida ku  daryeesho xerada barakcayaasha naafada ee seybiyaano iyo xiligan waxa ay ku dabarto nolosha carruurteedda “caampkaan daryeelkiisa waxaan ka aragnay hay’adda EDC oo labaatan guri u dhistay 20 qof oo aad u liita, marka roobka yimaado daadka wuunoo soo galaa, ciyaalka noloshooda waxaan ku dabaraa Caddar iyo barafuun ayaan wareejiyaa sidaasaan ku dabaraa”.

Dhinaca kale sahro cumar oo ah hooyada labadan caruur ee naafada ah haysato ayaan waxa aan weydiiyay marka la is barbardhiga caafimaadka gabadha naafada ku noqotay dagaalada oo ay maskaxda xabadi kaga dhacday oo xiligan da’deedu tahay 9 sano jir  sida ay sheegtay iyo caruurta kale marka laga eego dhanka fahamka iyo caafimaadka,  ayaa waxa ay ku jawaabtay “ markaan isbarbardhigo wey ka caafimaad liidataa sababtoo ah waa qof maskaxdeeda qeyb ka maqantahay lafihii madaxa qeyb kamid ah ayaa ka maqan, dhaqtarkana waxa uu igu yiri hadii aad gabadhan aad u qaado Nairobi waxaad heli kartaa lafo oo halkaasi loogu soo shubo, marka taana ma awoodo”.

Hooyo Sahro Cumar ayaa waxa ay ka codsatay aduunweynaha iyo cid kasta oo wax ku sadaqeysan karta in ay gargaaraan.

Dhanka kale Xaawo Cali Maxamed waa hooyo naafa ah islamarkaana haysata wiil yar oo 2 sano jir ah oo isna naafo ah, kuna nool xerada barakacayaasha naafada  Seybiyaano waxeyna ka mid tahay haweenka aan xeradaasi kula shekeystay, waxaan weydiiyay marka hore in ay iiga warbixso sida loo hayo canugan yar waxey tiri “ hooyay ninkan waa curyaan isagoo halsno iyo bar jira ayaa la asiibay, intii hada tabartayda ahna dhaqaatiir waan u geeyay, waxeyna ii sheegeen dhaqaatiirta inaan dalka wax looga qaban karin, waxaan go’aansaday maadaama uu agoon yahay inta nafta ku jirta inaan hayo”.

Xaawo cali waxa aan sidoo kale weydiiyay  hadii ay raadisay wax daryeel caafimaad ah iyo sidoo kale cida ku daryeesha xerada ay dagan yihiin,  waxedyna ii sheegtay ineysan jirin cid ay ka helaan wax daryeel ah ayna ku nool yihiin wax xoogaa yar oo ay ka oo ay sheegtay iney ka helaan ururo, waxey codsatay hooyadan in dadka wax haystaa iyo hayadaha gargaar ay saacidaad la soo gaaraaan.

Sidoo kale haweenka naafada ah ee aan ku wareystay xerada barakacayaasha naafada Seybiyaano ayaa waxaa ka mid ahayd haweenay lagu magacaabo Yarey Nuur Cusmaan oo iyada ka mid ah haweenka naafadda ah  ee mudo ku dhow 3 sano ku noolaa xeradasi islamrkaana haysatay 5 carruur ah, waxeyna haweenaydan naafada ah ay ii sheegtay inaanay helin wax saacidad ah tan iyo xiligii ay xeradaasi ku soo biireen.

Sidaasi si lamid ah,  Xabiibo Xaayow waxa ay ka mid tahay  haweenka naafada ah ee ku waxyeeloobay dagaalada dalka ka socda waxeyna ii sheegtay in ay ka mid tahay naafada barakacayaasha cusub ah ee ka soo cararay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah goboladda dalka,  waxey tiri iyadoo ka hadlaysa xaaladooda “ waxaa nahay barakacayaal cusub oo naafa ah oo ka soo barakacay goboladda  sidasoo ay tahayna aanan baco iyo hoys haysanin naafo ayaan nahay cuno ma haysano biyo la’aan ayaa nahaysato dad dhibaataysan oo aan waxba haysanin ayaan nahay, waxaan codsanaynaa gargaar nala soo gaarsiiyo”.

Si kastaba ha ahaatee waxaanan jirin tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka ka ariminaysay ka hor labaatankii sano ee aanu soo dhaafnay, cid isku xilqaanta daryeelka iyo wax u qabashada dadka naafada ah oo xiligan u badan carruur iyo haween intooda badan ku waxyeeloobay dagaaladda dabadheeraaday ee dalka ka jira iyo kuwo naafa dabiici ah.

Dhamaad – Sadia/MH

Previous Post

Burco: Urur dhalinyaro oo dib u farsamaynaya bacaha

Next Post

Pretoria: ganacsatada Soomaaliyeed ee dhowaan loo geystay boobka oo quud darraynaya inay markale ku noqdaan goobahoodii

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Pretoria: ganacsatada Soomaaliyeed ee dhowaan loo geystay boobka oo quud darraynaya inay markale ku noqdaan goobahoodii

Pretoria: ganacsatada Soomaaliyeed ee dhowaan loo geystay boobka oo quud darraynaya inay markale ku noqdaan goobahoodii

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo