Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Burco: Urur dhalinyaro oo dib u farsamaynaya bacaha

Radio Ergo by Radio Ergo
October 27, 2011
in Masiibooyinka
0
Burco: Urur dhalinyaro oo dib u farsamaynaya bacaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBURCO: Bacda balaastikada ah ee ay dadku ku adeegtaan, ayaa dhibaato ba’an ku haysa deegaanka waxayna saamayn ku yeelatay Noolaha, iyadoo wax u dhintay quruxda iyo bilicda deegaanka. xoolaha ayaa sidoo kale bacdu ay ku tahay dhibaato, marka la daaq geeyo ayey cunaan, waxayna in badan u keentaa cudurro kaga dhaca caloosha iyo dheefshiidka taasoo neefka ku keenta marka dambe inuu ku dhaco xanuun ama caloosha ay kaga maranto si sahlanna u dhinto.

Aamina Axmed, waa hooyo Burco ku haysata xoogaa Riyo ah, waxay tiri: “markaan sii dayno Riyaha waxay cunaan bacda, maalmo kadibna way u dhintaan oo inta xoolo bacdaan cuntay ee iiga dhimatay tiro ma lahan”.

Dalal badan ayaa isku deyey inay wax kale ku beddeshaan si ay uga hortagaan aafada ay leedahay bacdu, mase jiro hadda qorshe mideysan oo la hirgeliyey.

Haddaba urur gudaha Somaliland ka hawl gala lana yiraahdo SYC kana dhisan Magaaladda Burco, ayaa lagu soo bandhigey hannaan cusub oo bacdaan looga faa’iidaysanayo si loo yareeyo dhibaatada ay deegaanka iyo xoolahaba ku hayso.

Waxyaabaha ay soo bandhigeen kana sameeyeen bacda la tuuray ayaa waxaa ka mid ah, alaabooyinka kala ah seledaha, daasadaha, qalabka baabuurta lagu qurxiyo iyo kuwo kale, waxayna u tababareen farsamadaan 190 qof waxayna dib u soo iibsadaan bacaha la isticmaalo oo ay halkii kiilaba ka siistaan lacag dhan $1 (hal doollar), sidoo kale waxaa bacahaan suuqyada magaalada ka soo ururiya dad badan oo kala duwan kana hela xoogaa dhaqaale ah.

Bandhigga ururkani uu ku soo bandhigey waxyaabah ay ka sameeyeen bacaha, ayaa waxa furay gudoomiyaha magaladda Burco Yaasiin Maxamed Cabdi, wuxuuna ku tilmaamay arrintaan wax wanaagsan oo bulshada u soo kordhay, isagoo ku boorriyey dadka gobolka inay sidoo kale ka faa’iidaystaan oo ay ururiyaan waxyaabaha balaastikada ah una keenaan dadka dib u farsameeya.

Cabdifataax Cali Axmed, waa gudoomiyaha SYC, wuxuuna yiri “ujeedadeennu waa sidii aan dhalinyarada ugu baraarujin lahayn inay bulshadda wax tar u noqdaan, muddo laba sano ah ayaan hadda ka shaqaynaynay sidii deegaanka loo badbaadin lahaa, waxaan billownay sanadkaan horraantiisii wejigiisii labaad”

Cabdifataax ayaa intaa raaciyay, inaysan dadku dareensanayn dhibaatada bacdu u leedahay xoolaha, dadka iyo deegaankaba taasoo aan ka qabannay tababarro, waxaanan markii dambe go’aansannay inay tahay fursaddan tan keliya ee lagu dabar jari karo bacda meel kasta taal”.

Bacahaan dib loo hagaajinayo, ayaa faa’iidooyinkeedu noqonayaan fursado kala duwan, waxaa shaqooyin ka helaya dad badan waxaana badbaadaya deegaankii oo ay ku yaraanayaan bacdii balaastikada ahayd.

Dhammaad

Sidiiq Yuusuf/MH

Previous Post

Boosaaso: Roobab burburiyay guryo ay degganaayeen barakacayaal

Next Post

Muqdisho: dadka naafadda ah ee ku jira xeryaha barakaca oo dhibaatooyin haystaan

Related Posts

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
blank
Cunto-Yaraanta

Somaliland: Roobab mahiigaan ah oo sababay dhamashada saddex qof iyo boqollaal xoolo ah

May 10, 2024
Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen

March 7, 2024
Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay
Beeraha Iyo Xoolaha

Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay

March 1, 2024
Next Post
Muqdisho: dadka naafadda ah ee ku jira xeryaha barakaca oo dhibaatooyin haystaan

Muqdisho: dadka naafadda ah ee ku jira xeryaha barakaca oo dhibaatooyin haystaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2025

IDAACADDA 07-JUL-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2025
July 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2025
July 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2025
July 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2025
July 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2025
July 3, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo