Soddon qof ayaa gaajo iyo macaluul ugu geeryootay degaanno ka tirsan degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, siduu xaqiijiyey guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee degamadaas Maxamed Axmed Jicmaale.
“Dadkaani waxaa ku dhacay abaar, waxaa ka baa’bay xoolihii 90%, siiba ariga iyo lo’da, geeliina 50% isna waa le’eday, beero aan badnayn oo jirayna iyana abaartii ayaa saamaysay, taasaa keentay in gaajo markii ugu horraysay taariikhda dad ugu dhintaan degmada Ceel-dheer,
Ilaa hadda waxaan xaqiijiyey toddobaadyadii la soo dhaafay ay macaluul u dhimatay 34 qof kuwaasoo haween iyo carruur isugu jira waxayna ku dhinteen Ceel-dheer iyo tuulooyinka ka ag dhow ee kala ah Hul Caduur, Caws Wayn, Baraag Sheikh Cabdullahi, Burdiir iyo Hawdley”
Masuuliyiinta degmadda Ceel dheer ayaa sidoo kale xaqiijinaya inaysan jirin wax hay’ado gargaar ah oo ka hawl gala wakhtigan, waxaana gargaar aan badnayn gaarsiiyey hay’adda al Islaax iyo dad ka mid ah qurbo joogta Soomaalida mase ahan wax ku filan baahida badan ee jirta.
Guddoomiyaha gurmadka abaaraha Ceel-dheer wuxuu sidoo kale sheegay inay barakaca iyo cudurardda deegaanka ka jiraan ay aad u korreeyaan gaar ahaan cudurrada nafaqa darrida, jadeecada iyo shubanka wakhtigaanna ay u dhimanayaan carruurta iyo dadka waayeelka ah.
Wuxuuna codsi u jeedinayaa dhammaan bulshadda caalamka ee gargaarka bixisa, ganacsatada iyo jaaliyadaha Soomaaliyeedba inay u soo gurmadaan walaalahooda gaajaysan, arradan, cudurraduna ugu darsameen ee ku sugan deegaannadaas.
Waxaa kaloo degmada Ceel-dheer ka samaysmay xeryo barakacayaal cusubi ku soo xeroonayaan kuwaasoo ah dadka ay abaartu cayrtaysay oo ka soo hayaamaya dhulka miyiga ah.
Degamadda Ceel-dheer oo ay gacanta ku hayaan ururka Alshabaab ayaa haddana masuuliyiintoodu codsanayaan inay soo dhowaynayaan cid kastoo ka cawinaysa taakulaynta dadka dhibaataysan iyagoona sheegay in ay gacan siinayaan hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa gudahaba.