Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dad hor leh oo macluul ugu geeriyooday Galgaduud

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
September 18, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
Dad hor leh oo macaluul ugu geeriyooday galguduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSoddon qof ayaa gaajo iyo macaluul ugu geeryootay degaanno ka tirsan degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, siduu xaqiijiyey guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee degamadaas Maxamed Axmed Jicmaale.

“Dadkaani waxaa ku dhacay abaar, waxaa ka baa’bay xoolihii 90%, siiba ariga iyo lo’da, geeliina 50% isna waa le’eday, beero aan badnayn oo jirayna iyana abaartii ayaa saamaysay, taasaa keentay in gaajo markii ugu horraysay taariikhda dad ugu dhintaan degmada Ceel-dheer,

Ilaa hadda waxaan xaqiijiyey toddobaadyadii la soo dhaafay ay macaluul u dhimatay 34 qof kuwaasoo haween iyo carruur isugu jira waxayna ku dhinteen Ceel-dheer iyo tuulooyinka ka ag dhow ee kala ah Hul Caduur, Caws Wayn, Baraag Sheikh Cabdullahi, Burdiir iyo  Hawdley”

Masuuliyiinta degmadda Ceel dheer ayaa sidoo kale xaqiijinaya inaysan jirin wax hay’ado gargaar ah oo ka hawl gala wakhtigan, waxaana gargaar aan badnayn gaarsiiyey hay’adda al Islaax iyo dad ka mid ah qurbo joogta Soomaalida mase ahan wax ku filan baahida badan ee jirta.

Guddoomiyaha gurmadka abaaraha Ceel-dheer wuxuu sidoo kale sheegay inay barakaca iyo cudurardda deegaanka ka jiraan ay aad u korreeyaan gaar ahaan cudurrada nafaqa darrida, jadeecada iyo shubanka wakhtigaanna ay u dhimanayaan carruurta iyo dadka waayeelka ah.

Wuxuuna codsi u jeedinayaa dhammaan bulshadda caalamka ee gargaarka bixisa, ganacsatada iyo jaaliyadaha Soomaaliyeedba inay u soo gurmadaan walaalahooda gaajaysan, arradan, cudurraduna ugu darsameen ee ku sugan deegaannadaas.

Waxaa kaloo degmada Ceel-dheer ka samaysmay xeryo barakacayaal cusubi ku soo xeroonayaan kuwaasoo ah dadka ay abaartu cayrtaysay oo ka soo hayaamaya dhulka miyiga ah.

Degamadda Ceel-dheer oo ay gacanta ku hayaan ururka Alshabaab ayaa haddana masuuliyiintoodu codsanayaan inay soo dhowaynayaan cid kastoo ka cawinaysa taakulaynta dadka dhibaataysan iyagoona sheegay in ay gacan siinayaan hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa gudahaba.

Previous Post

Barakacayaasha Xudur oo nolol adag ku jira

Next Post

Odyaasha Ceelwaaq, “Shan kun oo qof ayaa ku barakacay”

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Odyaasha Ceelwaaq, “Shan kun oo qof ayaa ku barakacay”

Odyaasha Ceelwaaq, "Shan kun oo qof ayaa ku barakacay"

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo