Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaasha Xudur oo nolol adag ku jira

admin by admin
June 10, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dad cudurka Jadeecada ugu dhintay gobolka Bakool

Photo | sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Inka badan saddex kun oo qoysas barakacyaal ah oo ku nool degmada Xudur ee gobolka Bakool, islamarkaana muddo lix bilood ka hor kaso cararay deegaanno kala duwan oo ku yaalla gobolka ayaa saameyn ku yeeshay go`adoonka saaran magaalada.

Qoysaskan barakacyaasha ah ayaa isugu jira xoolo-dhaqato iyo beeralley oo amni darro iyo xaalad nolol xumo uga soo barakacay deegaannadooda, waxayna ka cabanayaan hoy la`aan, iyo adeegyada caafimaadka oo aan jirin, iyadoo halkaasna ay xanuunno kala duwan ka dillaaceen.

Isxaaq Iimaan Cali oo ah hor-joogaha kaamka Tawakal oo ku yaalla duleedka magaalada Xudur, ayaa Ergo uga warramay xaaladda barakacayaasha, “Qoysaskan waxay ka kala yimaadeen tuulooyinka Moora-gaabey, Kurtun, Doon-dardiid, Abal, Ceel-garas, Garas-weyne, Kulan-jareer iyo deegaanno kale oo dhammaantooda ka tirsan Bakool, ilaa hadda muddo badan ayay joogaan, gargaar na soo gaaray malaha, sababtana waa go`adoonka waddooyinka xiran, laakiin waxaan leeyahay diyaarado gargaar ha lagu soo gaarisiyo waayo noloshooda waa halis.” Ayuu yiri.

Barakacayaasha qaar ayaa ku nool geedaha hoostooda, waxaana xanuunnada ka dillaacay halkaas ka mid ah duumada iyo shubanka oo carruurtu ay la il-daran yihiin.
Kaltuumo Macallin Aadan, qoyskeeda oo ka kooban 10, waxay seexdaan bannaanka, mana laha hoy ay qorraxda iyo qabowga ka galaan, “Tuulada Moora-gaabey ayaan ka imid, markii horeba waddada ayaa kusoo silicney, guri malahan, bannaannada ayaa iska seexinnaa carruurta, xanuun ayaa ku dhacay, nolol aan sheegi karno halkan ma taallo, waxaan keliya u baahannahay waa gargaar degdeg ah.” Ayay tiri.

Faadumo Xuseen Axmed waxay heysataa 9-carruur ah, waxay ka timid tuulada Kulan-jareer,  muddo 6-bilood ah ayay joogtaa xerada barakacyasha Tawakal ee Xudur, waxay ka mid aheyd qoysaska aad u filayay in degmada Xudur ay ka helayaan nolol dhaanta tii taalley deegaankooda, waxay ka codsaneysaa maamulka Koofur galbeed inay xoogga saaraan furidda waddooyinka.
Xasan Nuur Axmed wuxuu ka mid yahay odayaasha dhaqanka gobolka Bakool, wuxuu Ergo u sheegay in carruurtu ay yihiin kuwa ugu daran oo ay qarka u saran yihiin inay macluul u geriyoodaan.“ Dhibaatada halkan taalla markii hore sheegis ayay u baahneyd, laakiin hadda jawaab degdeg ah ayay rabtaa, waxaana ka baqaynaa in macluul uu dadku u dhammaado.” Ayuu yiri.

Mustaf Aadan Xuseen oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur ayaa isagana ka codsanaya dowladda federaalka Soomaliya iyo hay`adaha gargaarka inay gargaar lasoo gaaraan barakacayaashan dhibaateysan.
Muxyadiin Xasan Maxamed/FM

Previous Post

MEYDAD HOR LEH OO LAGA HELAY XEEBAHA LIIBIYA

Next Post

Dad hor leh oo macluul ugu geeriyooday Galgaduud

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Dad hor leh oo macaluul ugu geeriyooday galguduud

Dad hor leh oo macluul ugu geeriyooday Galgaduud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-JUL-2026

IDAACADDA 27-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-JUL-2026
July 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUL-2026
July 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUL-2026
July 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUL-2026
July 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo