Inka badan saddex kun oo qoysas barakacyaal ah oo ku nool degmada Xudur ee gobolka Bakool, islamarkaana muddo lix bilood ka hor kaso cararay deegaanno kala duwan oo ku yaalla gobolka ayaa saameyn ku yeeshay go`adoonka saaran magaalada.
Qoysaskan barakacyaasha ah ayaa isugu jira xoolo-dhaqato iyo beeralley oo amni darro iyo xaalad nolol xumo uga soo barakacay deegaannadooda, waxayna ka cabanayaan hoy la`aan, iyo adeegyada caafimaadka oo aan jirin, iyadoo halkaasna ay xanuunno kala duwan ka dillaaceen.
Isxaaq Iimaan Cali oo ah hor-joogaha kaamka Tawakal oo ku yaalla duleedka magaalada Xudur, ayaa Ergo uga warramay xaaladda barakacayaasha, “Qoysaskan waxay ka kala yimaadeen tuulooyinka Moora-gaabey, Kurtun, Doon-dardiid, Abal, Ceel-garas, Garas-weyne, Kulan-jareer iyo deegaanno kale oo dhammaantooda ka tirsan Bakool, ilaa hadda muddo badan ayay joogaan, gargaar na soo gaaray malaha, sababtana waa go`adoonka waddooyinka xiran, laakiin waxaan leeyahay diyaarado gargaar ha lagu soo gaarisiyo waayo noloshooda waa halis.” Ayuu yiri.
Barakacayaasha qaar ayaa ku nool geedaha hoostooda, waxaana xanuunnada ka dillaacay halkaas ka mid ah duumada iyo shubanka oo carruurtu ay la il-daran yihiin.
Kaltuumo Macallin Aadan, qoyskeeda oo ka kooban 10, waxay seexdaan bannaanka, mana laha hoy ay qorraxda iyo qabowga ka galaan, “Tuulada Moora-gaabey ayaan ka imid, markii horeba waddada ayaa kusoo silicney, guri malahan, bannaannada ayaa iska seexinnaa carruurta, xanuun ayaa ku dhacay, nolol aan sheegi karno halkan ma taallo, waxaan keliya u baahannahay waa gargaar degdeg ah.” Ayay tiri.
Faadumo Xuseen Axmed waxay heysataa 9-carruur ah, waxay ka timid tuulada Kulan-jareer, muddo 6-bilood ah ayay joogtaa xerada barakacyasha Tawakal ee Xudur, waxay ka mid aheyd qoysaska aad u filayay in degmada Xudur ay ka helayaan nolol dhaanta tii taalley deegaankooda, waxay ka codsaneysaa maamulka Koofur galbeed inay xoogga saaraan furidda waddooyinka.
Xasan Nuur Axmed wuxuu ka mid yahay odayaasha dhaqanka gobolka Bakool, wuxuu Ergo u sheegay in carruurtu ay yihiin kuwa ugu daran oo ay qarka u saran yihiin inay macluul u geriyoodaan.“ Dhibaatada halkan taalla markii hore sheegis ayay u baahneyd, laakiin hadda jawaab degdeg ah ayay rabtaa, waxaana ka baqaynaa in macluul uu dadku u dhammaado.” Ayuu yiri.
Mustaf Aadan Xuseen oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur ayaa isagana ka codsanaya dowladda federaalka Soomaliya iyo hay`adaha gargaarka inay gargaar lasoo gaaraan barakacayaashan dhibaateysan.
Muxyadiin Xasan Maxamed/FM