Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

Jibril Osman by Jibril Osman
February 5, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kontan rag ah oo ka soo jeeda qoysas barakac ku ah xeryo ku yaalla magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa maareeyay noloshooda. Waxay shaqo abuur ku samaysteen 120 doolar oo ay lix bil aruurinayeen, kana helayeen hay’adaha World vision iyo WFP, iyo daymo.

Raggan iskaashatada ah, ayaa isla gartay inay isku biiriyaan maankooda, maalkooda iyo muruqooda si ay hawshu ugu fududaato. Shan kooxood oo min toban qof ah ayaa kaydsaday $16,500. Kooxdiiba waxaa ku soo aaday in ka badan saddex kun oo doolar.

Waxay ahayd lacag iyaga oo u baahan ay naftooda ka xakameeyeen, taas oo miraheeda maanta ay si wadajir ah u guranayaan muddo bilooyin ah kaddib.

Axmed Cismaan Cali iyo sagaal kale oo ay wada shaqaystaan waxay isku darsadeen $3,300, waxay ku furteen bishii sagaalaad ee 2025, dukaan ay iskaashato ku yihiin oo lagu iibiyo raashin iyo bagaash. Ganacsigan wuxuu u horseedey inuu ku filnaado nolosha qoysaskiisa.

Ninkan ayaa sheegay in bishiiba ay ku soo aaddo 100 doolar oo faa’iido ah, taas oo reerkiisa ka saartay nolol xumo ay muddo ku jireen.

“Ganacsigan inta aan bilaabin ka hor nolosheena qatar ayey ku jirtey. Qoyskeyga iyo aniga nolosheena aad iyo aad ayey u fiican tahay boqolkiiba. Markii hore seddex wakhti aad sheegeysaaye labo wakhti wax dab la saarto xitaa lama heli jirin. Hadda cuntadooda, dharkooda, kabahooda masha allah waaye.”

Ninkan ayaa sheegay inuu ganacsigan ku darsaday lacag gaareysa $330 oo isugu jirta inuu gargaarka hay’adaha samafalka ka dhigaalsaday iyo 120 doolar oo dayn aheyd oo uu hadda iska bixiyay.

Axmed ayaa tilmaamay in dukaanka qofka maalin uu gado, taas oo u sahashay inuu toddobaadkii maalin ama gelin gado. Maalmaha kale wuxuu magaalada ka raadsadaa shaqooyin kale oo oo xoogsi ah. Hadda qoyskiisa oo ka kooban sideed qof ayaa ku naaloonaya nolol midii hore ka wanaagsan.

Aragtida ah inay ayuuto sameestaan ayuu sheegey inay ku dhalatay markii ay arkeen qoysas uu ka go’ay gargaarka oo galay xaalad hubanti la’aan ah. Si aysan taas oo kale ugu dhicin ayay go’aansadeen inay la yimaadan qorshe noloshooda kabi kara.

“Fikrada aan markaas lacagta ayuutada ah aan ugu aruursaney waxay aheyd deeqda hay’adaha dadka ugu talo gashey wey go’i doonaan. Inta aysan go’in wax meel ka dhigta oo ka aruursada oo ganacsi aan ku furano ayaa nagashey. Fikrada sidaas ayey noogu timid.”

Ninkan waxaa u suuragashay inuu bishii 11aad ee 2025 uu saddex ka mid ah carruurtiisa ka diiwaan geliyo iskuul hoose, kaas oo uu bille uga bixiyo $15. Waxay ahayd riyo ay duruufo dhaqaale ka horjooyeen balse hadda u dhabowday.

Axmed ayaa intaas ku daray inuu qorshaynayo inuu qoyskiisa ka saaro xerada barakaca oo ay deggan yiniin muddo shan sanno ah. Wuxuu aaminsan yahay inuu ku filnaan karo noloshooda, maaddaama uu yeeshay il-dhaqaale oo joogto ah.

Ninkan iyo qoyskiisa ayaa 2022 ka soo barakacay deeganaka Labaatan-jirow ee gobolka Bay, markii ay abaar nacfi tirtay beer shan hektar ah oo ay halkaasi ku lahaayeen. Xeryaha oo ay filayeen inay ka heli doonaan nolol dhaanta tii ay ka soo barakaceen ayuu sheegay inay ku adkaatay inay ku helaan cunno ku filan, balse hadda ay dareemayaan nolol wanaagsan.

Dhammaan raggan iskaashatada ah ayaa ka siman isbeddelka dhanka nolosha ah. Maslax Cali Daa,uud wuxuu ka mid yahay ragga isku filnanshaha gaarey. Waxay bishii sagaalaad ee sannadkii hore furteen isaga iyo sagaal saaxibadiis ah dukaan lagu gado bagaash iyo raashiin.

Ninkan ayaa sheegay inuu awood u yeeshay soo saaridda quud maalmeedka qoyskiisa oo markii hore ku sugnaa xaalad quus ah oo uu la daalaadhacayay sidii uu u maarayn lahaa.

“Culeysyo badan ayaan dareemi jirey inta aan ganacsiga galin waxba aan jirin. Ganacsiga inta aan galey faa’iido ahaan maalintii waxan ka helaa sideed baqol, sagaal boqol. Ganacsiga wuu fiican yahay. qofkii hadda raba waxan ku dhiira gelinaa inuu ganacsi furto.”

Ninkan ayaa tilmaamay in nolosha adag ee xeryaha ay isaga iyo dhigiisa ay ku riixday inay galaan heshiis iskaashi ganacsi ah. Wuxu intaas raaciyay inay samaysteen qof hoggaamiya oo dadka isku haya. Wuxuu xusay inay aragtidooda noqotay mid tusaale ka noqotay xeryaha lagu barakacay ee Baydhabo.

Iskaashiga wuxuu raggan u fududeeyay inay qabtaan shaqo xamaal ah oo qof kasta noloshiisa maalin la ah uu ku dabarro si ganacsiga culeyska dhaqaale looga yareeyo. Faa’iidadda soo baxda ayay bille u qeybsadaan, halka qeybna ay dib ugu celiyaan dukaan si loogu soo adeego.

Ninkan oo 51 sano jir ah ayaa sheegay inuu ganacsigan hirgalintiisa u soo maray marxalad ah in reerkiisa habeennada qaar ay qadi jireen isagoo dedaal ugu jiray si uu dhaqaale u aruuriyo. Hase yeeshee, hadda wuxuu daboobay baahiyaha aasaasiga ee qoyskiisa.

“Nolosheyda haDda ayey fican tahay. Markii hore carruur wax iima baran jirin, dhibaato ayaa jirtey waan iska wareegi jirey. Hadda xaaladeyda masha allah waaye wey saxan tahay. Waxa aqabad iga haysatey wax talo ah.”

Maslax ayaa tilmaamay inay qoyskiisa ka soo kabteen nolol adag oo ay sanado ku jireen intii ay xerada degganaayeen. Wuxuu awood u yeeshay inuu iska bixiyo deyn $80 oo uu horay u gudi la’aa.

Wuxuu billaabay inuu bille lacag u kaysado, hadda waxaa u yaalla $100, qorshihiisu waa inuu wadaa, si uu mustaqbalka uu ugu baxsado. Wuxuu qorsheynayaa inuu ka guuro xerada Idaale bilaha soo socda, si uu guri uga kireysto xaafadaha magaalada.

Qoyska ninkan ayaa xerada soo degay 2019 xilligaas ooroob yari ay uga qallaleen digir, galey iyo masago saarnaa beer saddex hektar ah. Tan iyo markaas ayuu sheegay inuu awoodi waayay in reerka uu ka saaro xerada faro marnaanta dhaqaale darteed.

Cabdirashiid Aadan Nuur oo guddoomiye u ah iskaashatadan ayaa Radio Ergo u sheegey in fikradan ay ku dhalatay markii in badan ay waayeen gargaar bani’aadanimo. Wuxuu xusay inay u arkeen xal ka dhimi kara culeysyada nololeed ee horyaalla.

Ninkan ayaa tilmaamay in cudduda midaysan looga guuleysto duruufaha adag ee ka jira xeryaha, Wuxuu intaas ku daray in hadafka aragtidan tahay inay uga soo kabtaan nolosha barakaca oo ay ku raageen.

Daacadnimada iyo is fahanka ayuu ku tilmaamay inay fure u yihiin guul wadajir lagu xaqiijiyo, fikradooda ayaa ku fideysa xeryaha, wuxuu dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin in qoysaska kale ee doonaya inay tallaabadooda oo kale ay qaadaan inuu ku caawinayo tabaha iyo xeeladaha lagu hirgelinayo.

Previous Post

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

Next Post

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 29, 2026
Next Post
Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-FEB-2026

IDAACADDA 07-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo