(ERGO) – Waddo la’aan ayaa saamayn dhaqaale iyo mid nololeed ku haysa boqollaal beeraley ah oo ku nool deegaanno hoos taga buuraha Calmadow iyo Galgala ee gobollada Sanaag iyo Bari. Dadkan ayaa waayay meel ay mariyaan dalagyadii u soo go’ay saddexdii bil ee ugu danbaysay.
Dhibaatadan waxaa horseeday jeex-jeex uu dhulku sameeyay iyo buuraha oo dhowr meel oo kala duwan uga soo dumay jidad raf ah oo ay isticmaali jireen. Khudaartii u soo go’day ayaa xumaatay oo la daadiyay, markii gaadiid lagu raro loo waayay.
Cali Jaamac Faarax oo ka mid ah beeraleyda Galgala ayaa sheegay inay ka khasaareen basal, yaanyo, saytuun, cambe iyo cagaar kale oo bishii 11 dhowr mar uga soo go’ay beertiisa oo labo hektar ah. Wuxuu xusay in ay culays dhaqaale ku noqotay arrintan.
“Nolosheenna oo dhan beerta ayay ku eked, haddii uu dalagii khasaarayna dhaqalaheenii wuu baba’ay. Iibka dalagyada gawaari ayay ku xirnaayeen waana ka joogsaday dhaqdhaqaaqii gaadiidka, in cirka wax lama mariyo ee dhulka ayaa la maraaye.”
Cali ayaa sheegay in waddada ka xirantay ay ahayd tan kali ah ee ku xiraysay magaalada Boosaaso oo in ka badan 80 km u jirta. Saddexdii bil ee ugu danbaysay waxaa ka luntay in ka badan $3,000 oo isugu jirta faa’iidadii uu filayay iyo lafihii uu galiyay tacabka.
Beerta ayaa u ahayd isha ay ku tiirsanaayeen qoyskiisa oo 10 qof ah. Wuxuu tilmaamay in uu hadda dabooli la’yahay baahiyahooda aas aasiga ah. Waxa kali ah ee ay cunaan waa dalagyada ay iibka u waayeen gaar ahaan timirta iyo khudaarta.
“Qofku wuxuu ku nool yahay dhaqaale soo gala oo wuxuu cabi lahaa, cuni lahaa ama dadka ku xiran uu siin lahaa ay ka soo galayeen. Waxaas oo dhan meesha waa ka baxeen. Illaa labo kun oo kiilo oo basal iyo yaanyo ah ayaa iga khasaaray, marka waa burbur weyn, shaqo kalena meeshaan ma leh.”
Cali ayaa sheegay in ay horay caqabado dhanka waddooyinka ah ula kulmi jireen, balse hadda ay ugu daran tahay. Deegaankiisa waxa aan laga walwalin waa biyaha oo ay si bilaash ah uga heleen togogga.
Go’doonka ayaa sababay in dadkii deganaa ay badankoodu isaga guureen, taas oo meesha ka saartay in ay suuq gudaha ah u helaan wax soo saarkooda.
Ninkaan ayaa dhanka kale tilmaamay in gurigiisii oo saddex qol ahaa uu dumay dhamaadkii Sebteembar, markii uu dhulku dilaacay.
Waxay ku nool yihiin labo qol oo ay ka samayteen geedo iyo maryo duug ah, kuwaas oo qoraxda iyo qabowga aan midna ka celin karin.
“Illaa 300 oo guri ayaa dumay qofka ugu fiican barxadiisa ayuu seexdaa, kuwii kalena waa guureen. Wixii naga lumay oo dhan wali wax naloogama qaban.”
Cali ayaa xusay inay ka waxbarasho beeleen saddex carruurtisa ah oo u dhiganayay dugsiga sare ee Xamdaan ee magaalada Boosaaso. Waxaa la soo eryay Oktoobar, markii uu bixin waayay $60 oo bil kasta laga qaadi jiray. Hadda waxay la joogaan tuullada iyagoo daruus la’aan ah, markii dad ehel ah ay gaari raaca ka soo bixiyeen oo dib loogu soo celiyay.
Waxaa sidoo kale loo haystaa $1,700 oo dayn ah oo dadka ku leh uu kula ballamay inuu ku bixin doono dalaga khasaaray, balse aan hadda suuragal u ahayn. Ninkaan oo weligiis ka mid ahaa beeralayda gobolka Bari ayaa sheegay inay la qabsan la’yihiin xaalada ay galeen.
Waddo xumadaan dadka ay saamaysay waxaa ka mid ah qoyska Cismaan Cilmi Muuse oo 6 qof ah. Waxaa ka khasaaray dalagyo uu beeristooda muruq iyo maal badan galiyay.
Ninkan oo beer labo hektar iyo bar ah ku leh deegaanka Mircin ee buuraleyda Calmadow ayaa sheegay in dalagiisa oo diyaar ah uu waayay gaadiid uu ku geeyo magaalooyinka Badhan, Boosaaso iyo Taleex oo u jira masaafo u dhexeysa 80 km illaa 120 km. Gawaari si dhib ah lagu helo ayuu sheegay in ay kirada qaali uga dhigeen oo aysan waxba ku raran karin.
“Waa dhul raf oo aad u dhib badan. Dhabbo xumadaas waxay nagu keentay in haddii khudaar la beerto ama looga baahdo magaalada lama helayo meel la soo marsiiyo oo gaari la’aan ayaa kugu dhacaysa, taas waxay keenaysaa in mirihii naga qurmaan.”
Cismaan ayaa sheegay dalagyo isugu jira liin macaan, liin dhanaan, canbe iyo saytuun oo u soo go’ay bishii sagaalaad aysan waxba uga gadmin. Wuxuu galiyay $800 oo inta badan ay dayn ku ahayd oo aysan waxba uga soo noqon.
Ninkaan ayaa sheegay in dhaqaale xumo iyo waddo la’aanta ay u raacday inaysan deegaanka Mircin ka jirin adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Magaalooyinka adeegyadan lagu heli karo ayuu xusay in uusan reerkiisa geyn karin faro marnaanta darteed. Qofkii ka xanuunsada uma heli karaan daryeelka uu u baahdo.
Cismaan ayaa sheegay in carruurtiisa oo gaaray da’da waxbarashada aysan waligood waxba dhigan. Tuuladu ma leh iskuul dhaqaale darrada haysana waxay ka hor istaagtay in uu meel kale u diro.
Wuxuu saddex bil bixin waayay $240 oo ah mushaarka labo nin oo beertaa uga shaqaynayay. Waxaa intaas u dheer in lagu leeyay $530 dayn ah oo reerka uu raashin iyo arrad-tir ugu qaatay dhowr mar. Noloshoodu waxay muddo dheer ku tiirsanayd beeraha oo hadda aysan wax shaqo ah ka socon.
Gudomiyaha iskaashatada beeraleyda Calmadow Cabdixakiim Axmed Faarax ayaa sheegay in dhibaatada waddo xumada aysan hayn awood ay wax uga qabtaan. In ka badan 40 tuulo oo buuraha ku teedsan ayuu xusay in ay saamayntu gaartay. Xaaladaan ayaa horseeday in laga quusto tacabka.
“Waddo la’aan darteed dhirtu miraha waa dhalaan way qubaan. Hadii mar gaari la helo cid nooliga iska bixin kartaa ma jirto. Marar badan ayaan iskudaynay inaan wax ka qabano, dhulkii dilaacay waa buux buuxinay.”
Gudomiyaha ayaa sheegay in qaar badan oo beeralayda ka mid ah ay noloshooda maarayn la’yihiin. Dowlada Puntland iyo hay’adaha samafalka ayuu xusay in ay dhowr mar cabasho u gudbiyeen, balse aysan wax jawaab ah ka helin.
Isbadalka cimilada oo sababay abaaro soo noqnoqda, roobab culus oo dhulka waxyeeleeya iyo nabaad-guur ku yimid deegaanka ayaa keenay in qaybo dalka ka mid ah lagu arko waxyaabo aan horay loogu aqoon sida, dhul-go’yo.










