Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

Jibril Osman by Jibril Osman
December 16, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

Qoys la barakiciyay wajahaya hoy la'aan/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno xumo ka dhalatay shaqo la’aan, biyo yari iyo hoy la’aan ay u dheertahay dhaxanta daran ee ka dhacay Hargaysa iyo deegaannada ku dhow ayay wajahayaan 300 qoys, kuwaas oo laga raray xerada Maxamed Mooge saddexdii bil ee u danbeeyay.

Waxaa la geeyay xerada lagu barakacay ee Kaashmiir oo 20 km u jirta Hargaysa, halkaas oo aysan ka jirin adeegyada aasaasiga u ah nolosha sida cunnada, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo hoyga. Waxaa u raacday xoogsatadii u shaqayn jiray carruurtooda oo meel cidlo ah ku soo dhacay.

Waxay waayeen shaqooyin maalinle ahaa oo ay ka heli jireen nolol-maalmeedka tan iyo markii la geeyay bannaanka magaalada. Dadkan waxaa ka mid ah Khadra Maxamed Aadan iyo qoyskeeda oo toddobo ah.

Waxaan la kulmay xilli subax ah iyagoo horfadhiya qol cooshad iyo jiingado la isku dhisay ka samaysan, kaas oo dhinacyada ka furan. Dhaxanta daran ee dhacay ayay ii sheegtay Khadra in ay hurdada u diiday. Carruurteeda waxay wadaagaan maryo fudud oo qabowga aan celin karin.

Cunno ay karsadaan waxaa ugu danbaysay labo maalin ka hor. Khadra rajada kaliya ee ay qabto waa in ay taageero cunno ka hesho dariskeeda, kuwaas oo badankooda la qaba duruufta. Waxay xustay in cunno yarida iyo dhaxanta isbiirsaday ay halis ku yihiin noloshooda.

“Noloshaydu aad bay daciif u tahay, baahiduna aad bay noogu badan tahay. Marka u horraysa waxaan u baahannahay hoy aan galno in nala siiyo. Bustayaal ma haysano hal qol oo jiingad ah baan galnaa. Dhaxan baa nagu haysa, halkaas qol ayaan 7 qof ku galnaa oo rag iyo dumarba leh. Hoy aan galno oo aan dadka ku kala asturno ayaan u baahanahay.”

Waxay tilmaamtay in dhibaatooyin nololeed ay kala kulmeen barakaca oo ku beegmay xilliga qaboobaha oo billowda bisha sagaalaad ee sanad walba, kaas oo ku helay dhul bannaan oo Soomaaliland ay dajisay.

Waxay xustay in halka looga raray ay mulkiyaddiisa leeyihiin shaqsiyaad dalbaday in si deg-deg ah ay uga guuraan. Waxay halkaas ku haysteen qoyska Khadra cunno labo waqti ay karsan jireen maalintii iyo hoy.

Wuxuu ka koobnaa labo qol oo ku yaalla meel dugaal ah oo qabowga ay ka gabaadsadaan. Khadra ayaa sheegtay in cunnada ay ka taageeri jireen labo ka mid ah carruurteeda oo jayga ay guraan ka ganacsada.

Galinka hore ee maalintii ayay bannaanka magaalada u shaqo tagi jireen si ay u soo a ruuriyaan jaygan oo lagu dhiso guryaha, halka galinka danbna ay dhigan jireen iskuul hoose iyo dhexe, kaas oo hadda ay ka hareen dhaqaale xumo awgeed.

“Waxbarashadooda markii hore saddex baa waxbaran jiray. Kabacdi markan wax ka bixiya waayay waan ka saaray. Hadda jayga ayay meelaha ka xaaraan oo ay ka soo guraan. Maalin kasta waxaan ku dhahaa baxa oo soo gura jayga bal in aan ka helno waxyar oo aan cunno.”

Ka hor barakaca dhaqaale kooban oo u dhaxeeyay $3-$4 ayay ka heli jireen. Hadda se sidii hore maahan. Waxaa ku adkaaday in ay joogto u tagaan dhulkii ay ka guri jireen oo halka ay dageen u jira 20 km.

Qoyskan waa markii labaad oo ay barakacaan. Saddex sano ayay hayaan baad iyo biyo doon ah ku tageen Hargaysa, markii ay abaartu cayrtaysay.

“Dabaguryaale meesha la yiraahdo ayaan ka soo guurno, dabadeedna magaaladaan soo galnay. 20 ari ah iyo dameer ayaan haystay. Hal meel bay kuwada dhinteen, kaddibna Ina-mooge ayaan soo galay. Saddex sano ayaan joognay, ka bacdina halkaan ayaan u soo guurnay. Wax aan ku hayno halkan ma jirto. waa aniga kaaga sheekeeyay. Carruurta cid u shaqaysa ma jirto.”

Khadra oo 60 jir ah waxay kali ku noqotay korinta carruurteeda. Waxay sheegtay in saygeeda oo da’ ah uusan awood u lahayn in uu la koriyo. Wuxuu dulsaar ku yahay qoys ay qaraabo yihiin oo deggan miyiga.

Qoyskeeda iyo dadka la midka ah ayaa Soomaaliland ka helay balanqaad ah in laga caawinayo dhinaca hoyga iyo biyaha, hase ahaatee weli ma helin taageeradaas loogu yaboohay.

Qoysaska barakicintu ay galaafatay nolol-maalmeedkooda waxaa ka mid ah Nimco Jaamac Warmsame iyo carruurteeda oo ah 6, kuwaas oo ku tiirsanaa abbahood oo wajahay shaqo la’aan iyo cudur wadnaha ka asiibay.

Waxay sheegtay cudurkan oo sanado badan hayay uu ku soo laba-kacleeyay, markii la barakiciyay, isla markaana uu awoodi waayay in uu lug ku gaaro Hargaysa. Wuxuu ahaa dalaal kala iibin jiray xoolaha loo soo suuq geeyo sayladda.

Wxay tilmaamtay in ay ku dhibban yihiin helidda biyaha. Fuustada biyaha ah ayaa xerada lagu keenay $1.5, taas oo aysan awoodin dadka qaar in ay helaan sida qoyska Nimca.

“Baahiyaha dhaxanta, calafka iyo biyo yari ayaa noogu daran xaaladdu ma fududa. Biyo ma haysano guryo ma qabno, guryaheena waa meel dhaxanta iyo siigadu ku dilayso. Waxaan huwano ma haysano. Iminka dhaxantii ayaa soo dhacday iyadaa noogu daran. Bustayaal iyo calaf haddii nala siiyo waan iskaga fiicaan lahayn.”

Aqal cooshad ah oo ay ka dhisatay xerada Kaashmiir ayay ku haysaa carruurteeda iyo aabbahood. Waxay la daalaadhacaysaa daryeelka saygeeda oo qaata daawooyin iyo nolol-maalmeedka carruurteeda.

Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in mararka qaar ay taageero dhaqaale ka hesho dad ay ehello yihiin, kuwaas oo la socda duruufta uu qoyskeedu wajahayo. Arrintaas oo badbaado u noqotay.

Dhaqaalaha ay ka hesho oo qiimo go’an aan lahayn ayay xustay in ay ku iibiso daawooyinka saygeedu uu u qaato cudurka ka haya wadnaha iyo cunno hal waqti ah maalintii. Inkastoo mararka qaar ay waayaan.

“hore waan iska wanaagsanayn, laakiin iminka wax rajo ah iyo calafka midba maanan arag. Waa barakac kale oo labaad, odaygiina wuu naga bukaa. Wuu xanuunsanayaa wuxuu leeyahay waddno xanuun. Maba kaco. Shaqadii xanuunkaas baa ka baabi’iyay. Guriga ayuu iska joogaa.”

Qoyska Nimca waxay barakac ku tageen Hargaysa sanadkii 2013, markii ay ka soo barakaceen deegaanka Saraar oo Burco hoostaga. Abaar ka dhacday ayaa ka dishay 230 xoolo ah oo iskugu jiray ari iyo geel.

Guddi ay leeyihiin dadka ku barakacay xerada Kashmiir ayaa Raadiyow u sheegay in xaaladda ay ku jiraan qoysas la barakiciyay aysan ka maarmin gurmad cunno iyo mid hoy.

Kiin Maxamed Cige oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa xustay in hal mar oo ka mid ah ay heleen dadka barakacay booyad biyo ah oo dad mutadawiciin ah ay ugu deeqeen.

“Cid wax noo keentay oo wax noo keentay iyo hay’ado noo yimid midna ma jiraan, markii hore magaalada noo shaqo tagay. Iminka waan ka soo fogaannay magaalada. Gaariga waxaan lagu raacaya dhowr iyo toban kun oo shilin. Qof aan cunnada heli karin cunnada subax walba bus ma ku raaci karaa ? Illeen wuxuu cunayay ma haystee.”

Dhibaatada nolol xumo ee haysata qoysaskan waxaa horay u la kulmay kumaanan kale oo barakac ah. Waxay waayeen guryo ay dhisteen iyo fursado shaqo oo ay abuurteen, taas oo dib ugu celisay xaalad adag oo sanado ka hor ay ka soo gudbeen.

Previous Post

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

Next Post

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post
Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-APR-2026

IDAACADDA 24-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo