(ERGO) – Qoysaska dilaaliinta dhulka ee magaalada Baydhabo ayaa wajahaya dhaqaale yari galisay hubanti la’aan dhanka nolosha ah. Waxaa hoos u dhacay iibka boosaska. Waxaa sababay ganacsadii oo helay magaalooyin kale oo ay maal-gashadaan, markii go’doonka laga qaaday deegaannada kale ee Koonfur Galbeed.
Ilyaas Cali Xasan waxay qoyskiisa oo 10 qof ah wajahayaan nolol xumo badday inay deriskooda dewarsadaan. Xaaladdan ayay ka fursan waayeen bishii Juun ee sanadkan, markii shaqadiisii ay meesha ka baxday.
Wuxuu ka mid yahay boqollaal rag ah oo ka soo jeeda qoysas danyar ah, kuwaas oo hadda maarayn la’ nolol maadmeedkooda. Ninkan oo muddo sanooyin ah ku howlanaa kala iibinta dhulalka, ayaa la qabsan la’ isbeddelka ku dhacay.
“Saameyn weyn ayay igu yeelatay, nolosheenna markii hoe wey ficneyd. Wakhtigii magaalada wax ku kala socdeen aad ayaa wax loo kala gadanayey. Dilaalnimada aad ayaan wax uga heli jiray carruurteena ayaan noloshooda ku maareyn jiray. Marka magaaladiiba magaalo oo waxay noqotay waxba aan laga heleyn.”
Ilyaas ayaa tilmaamay in dhul uu kala gado ay ugu danbaysay bishii Agoosto, wixii ka danbeeyay ayuu xusay inay la daalaadhacayeen dab shidadashada. Wuxuu intaas ku daray in saamaynta ay ku kordhisay inuusan wax kayd ah horey u lahayn.
Ninkan ayaa xusay in isaga iyo qoyskiisa ay joogaan xaalad quus ah. Wuxuu sheegay in hawshan oo uu galay 2019 ay hadda u tahay xilligii ay ugu liidatay. Wuxuu xusay inuu bishii labo mar kala iibin jiray dhulal isaga oo markiiba ka heli kiray lacag u dhaxaysay $150 ilaa $200.
Lacagtaas ayuu sheegay inay ku filnayd baahiyaha aasaasiga ah ee qoyskiisa oo hadda wajahaya saamayn nololeed oo dhinac walbo ah.
“Markii hore ilmaha seddexda wakhti ayay wax cuni jireen hadda hal wakhti hadiiba la helo nasiib ayey leeyihiin, nolosheena aad ayay hawlgab u tahay. Faa’iido weyn ayey ii lahayd qofkii walaal ah ii imaada waan nooleyn jirey qofkii qaraabo ah oo baahan waxbaan ka siin jirey. Hadda aniga ayaaba wax la isiinayaa.”
Ninkan oo 54 jir ah ayaa sheegay inay waxbarashada ka hareen lix ka mid ah caruurtiisa markii uu awoodi waayay inuu bishii ka bixiyo $50. Wuxuu ka welwelsan yahay mustaqbalkooda maaddaama hayaankoodii tacliineed uu ka joogsaday.
Ilyaas waxaa fekerka ku kordhinaya dayn gaaraysa $ 250 oo lagu yeeshay muddadii uu shaqo la’aanta ahaa, taas oo uu reerka raashin ugu qaaday. Wuxuu xusay in hadda laga joojiyay oo lagu cacaadinayo inuu si degdeg ah u gudo.
Wuxuu sheegay guriga uu deggan yahay oo labo qol oo jiingad ah oo bishii uu ku deggan yahay $40 in lagu leeyashay labo bil isla markaanna lagu wargeliyay inuu ka guuro.
Ilyaas iyo qoyskiisa ayaa 2017 ka soo barakacay deeganka Goof-gaduud-buurey markii abaar soo laalaabatay ay nacfi tirtay beer laba hektar oo ay noloshooda ku tiirsanayd.
Nolol xumadda ka dhalatay shaqo la’aanta ayaa ah mid ay ka siman yihiin dhamaan ragga dilaaliinta ah. Maxamed Madoobe Cali wuuxu cunno hal waqti ah u awoodi la’ yahay qoyskiisa oo 12 qof ah. Ninkan oo reerkiisa keligiis u shaqaynayay ayaa xusay inay baagamuudanimada ku riixday inay hal waqti xitaa dabka si joogto ah u shidan waayaan.
Maxamed oo muddo sanooyin ah ku howlanaa kala iibinta dhulalka, ayaa sheegay inay qoyskiisa galeen hubanti la’aan aan horay u soo marin tan iyo bishii Juun markii shaqadiisii ay noqotay mar la arag.
“Welwelka hadda i haayo waxa weeyaan muhiimadu waa dhanka nolosha qoyska, dugsiga iyo iskuulka lagaa rabo adigana baagamuundo tahay waxna lagaa rabo waxna aad hayn. Markii hore carruurteyda waxbey ii baran jireen hadda laakiin aniga ayaaba shaqo la,aan ah oo wax aan hayo malahan. Xaalkeyga waa sidaas culeyska saa’idka ah waaye.”
Maxamed ayaa sheegay inuu waayay ugu yaraan labo boqol oo doollar oo uu heli jiray bisha uusan dhulal badan kala iibin, balse maanta wuxuu tilmaamay inuusan jirin wax daqli oo soo gala.
Ninkan oo qoyskiisa si buuxda ugu filnaa biilkooda ayaa hadda fara-maran. Wuxuu sheegay in muddo labo bil ah ay ku tiirsan yihiin raashin bisil oo ay ku caawiyaan qoysas deris la ah iyo wax ay siiyaan dad uu weli garanayo oo u dan-sheegto.
Wuxuu sheegay in dhaqaale xumada haysata ay u dheer tahay daymo gaaraysa $150, taas oo uu xusay inay culays ku hayso bixinteeda. Waxaa looga yeeshay dukaan uu macmiil u ahaa, balse hadda ka xiray buugii u furnaa.
“Deynta hadda la iga rabaa. Culays saa’id ah ayey igu haysaa ileen qofkii wixiisa wuu kaa rabaa. labo bil ayaan baaga-muudo aan ahay labadaas bilood adi magaalada waxna ma kala socdaan.”
Ninkan oo seddex sano dilaal ahaa ayaa sheegay inuusan xaaladan marnaba filnayn. Maxamed oo 49 sano jir ayaa sheegey in subax kasta uu u kallaho magaalada isaga oo shaqo cusub raadinaya balse ma soo helo.
Wuxuu u sababaynayaa arrintaas inuusan lahayn xirfad suuqa looga baahan yahay. Saameynta shaqo la’aanta ay ku yeelatay intaas kuma eka, waxa iskuulka ka ka haray lix ka mid ah carruurtiisa markii uu ka bixin waayay $60 bishii.
Qoyska ninkan ayaa ka soo barakacay degmada Buur-hakaba oo magaalada Baydhabo u jirta 60km 2023. Waxaa xilligaas dhaafay tiro ari ah oo ay dhaqanayeen. Wuxuu ka cabsi qabaa inay ku laabtaan nolosha barakaca oo ay ka baxeen markii uu shaqadan helay.
Arintan iib la’aanta dhulalka ayay u sababeeyen in qoysas badan oo magaalada markii hore joogay ay dib ugu laabteen deeganadii ay markii hore ka yimaadeen sida Xudur, Waajid, Diin-soor iyo Qansax Dheere oo horey go’doon u ahaa, iyo dhaqaale yari guud.
Maxamed Guhaad Cali oo ah guddomiyaha guddi ay ku midaysan yihiin dilaalinta ayaa tilmaamay in dhaqaalo xumada iyo shaqo yarida ka jirta magaalada Baydhabo ay wada saameysay dalladooda.
“Qoysaska dhulka ka ganacsan jirey oo dilaalinta ahaa oo saaxiibadey ah aad iyo aad ayey xaaladooda u xumaatay. Dhibaatooyin badan ayaa jira oo ay kamid tahay socod la’aanta dhulalka soo wajahday dhulka iyo noloshooda oo aad hoos uga dhacdey.”
Qoysaska xaaladdan nolol xumadda ah wajahaya ayuu sheegay in ay gaarayaan ku dhowaad 200 oo qoys. Wuxuu tilmaammay in ka guddi ahaan aysan waxba ka qaban karin xaaladda jirta. Qoysaskan oo dilaalnimada uga soo kabtay nolosha barakacnimada ayaa qarka u saaran inay mar kale dib ugu biiraan xeryaha barakaca ee magaalada dhaqaale la’aan darteed.










