Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Cunno xumo haysa 10,000 oo qoys oo laga waayay diiwaanka raashin bixinta

Jibril Osman by Jibril Osman
November 24, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Cunno xumo haysa 10,000 oo qoys oo laga waayay diiwaanka raashin bixinta

Raxma Cabdulqaadir Madgaab iyo carruurta oo ka mid ah dadka dhibaatada ay ku hayso gargaar la'aanta/Axmed Cabdullaahi Jaamac/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kumanaan qoys oo laga waayay diiwaanka raashin bixinta hay’adda WFP oo la sheegay in ay cillad ku timid ayaa xaalad nolol xumo ku wajahaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab tan iyo bishii July ee sanadkan.

Qoysaska ka gadoodsan gargaarka ka istaagay ayaa subax walba u cabasho taga xarumaha qaabilsan qaybinta raashinka. Waxaa se ay dib u laabtan iyadoon xal loo helin dib u soo celinta liiskooda lumay.

Dadkaas waxaa ka mid ah Raxma Cabdulqaadir Madgaab oo quus ka joogta helidda gargaarka raashinka ah oo ka maqan muddo shan bil ah. Waxaa ku tiirsanaa carruurteeda oo 11 ah, isla markaana agoon ah.

Wuxuu ka koobnaa 50 kiilo oo bariis ah, 20 digir ah iyo 25 saliid ah. Waxay meesha ka bexeen, markii ay ka mid noqdeen dadka liiskooda la waayay, taas oo nolosha ku adkaysay iyada iyo qoyskeeda.

Waxay xustay in xilliyo kala duwan oo ay booqatay xarumaha WFP ay u sheegeen howl-wadeenadeeda in ay ku howlan yihiin sixidda cilladda farsamo, balse ay ku dheeraatay jawaabta ay ka sugayso.

“Qof kaar aan haysan, Chakulana aan haysan muxuu ka nool yahay? Carruurta caawana casho uma hayo, maantana qado uma hayo. Hadda kaddib wax Ilaahey iisoo adeejiyo maayaana wax aan gurayga ku ogahay oo dabka loo saaro ma ahayo, dadkii deriskana waxba waa laga waysan yahay, dhar-dhaqowna malahan. Wax aan u hayo malahan.”

Gargaar la’aanta waxaa u raacday shaqada dhar-dhaqista oo ay qaban waysay, markii uu ku soo labo-kacleeyay cudurka dhiig-karka, kaas oo ka hor istaagay 5000 shillinka Kenya oo bil walba ay heli jirtay.

Waxay tilmaamtay in aysan shaqo tagin tan iyo bishii Sabteembar ee sanadkan. Gargaarka hakadka ka galay wuxuu ahaa rajada kaliya ee qoyskeeda. Waxay maciin-biday in ay u dawarsi tagto carruurteeda.

Dadka dariska ay yihiin ee hela raashinka gargaarka ah iyo kuwa dhaqaale ahaan dhaama ayaa ku caawiya cunno bisil ama mid ciiriin ah oo ay dabka saarto. Waxay sheegtay in uusan ku filayn.

Carruurteeda ayay xustay in saacado badan ay cunno la’aan noqdaan. Arrintan waxaa ugu wacan saamaynta uu ku hayo cudurka ay la daalaadhacayso.

“Toban iyo shan beri guriga kama bixin. Dhiig karkii igu kacay ayaa ilaa hadda ihaya oo wajiga i barariyay. Gacmaha iyo lugahana waan ka bararay. Ilaa hadda dhiiggayga wuu dami la’yahay, isbitaalkana bishan dhexdiisa waan tagay. Waxaa la i dhahay isdaji, kaniinina way isiiyeen. Baahi ayaan la laqi la’ahay.”

Cudurkan oo muddo 8 sano ah ay la nooleed ayay tilmaamtay in uu ku soo rogaal-celiyay, markii ay isku biirsadaan gargaarka ka hakaday iyo daymo lagu yeeshay, kuwaas oo culays ay xamiliwasay ku noqday.

Daynta oo ay qaadatay intii u dhaxaysa bilihii July iyo Sabteembar ee sanadkan waxay u horseedeen in lagu xujeeyo bixintooda ka hor inta aysan codsan mid kale.

“Sondon iyo shan kun waxaa igu leh dukaamo aan adeeg uga soo qaatay ilmaha sida sonkorta iyo caanaha iyo waxyaabaha kale aan u baahanahay. Daynta nasii ayaa la igu yiri waxa kale ha noo danbeeyaane. Lacagtaada waa badatay dayn kale laguuguma darayo ayaa la yiri, Intee wax ka keenaa ilmaha aabbahoodna wuu dhintay?.”

Waxay sheegtay in tan iyo 2008 oo ay ku soo biirtay xerada Xagardheer aysan gargaar la’aan noqon shan bil oo xiriir ah, taas oo lama filaan ku noqotay. Waxay sheegtay in aysan hayn qorshe ay kaga dabaalato.

Ujeedada ay u timid xeryaha qaxootiga Dhadhaab waxay ahayd in ay ka hesho badbaado amaan iyo mid cunno. Waxay colaad iyo abaar ka soo qaxday deegaanka Saakow ee gobolka Jubbada dhexe.

Waxay halkaas ku lahayd beer toban hiktar ah oo ku dhawaad labaatan sano aysan dib ugu laaban. Raxmo waxay ka walaacsan tahay mustaqbalkooda xaqootinimo gargaar la’aanta darteed.

Guddiga xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay ku howlan yihiin xal u helidda ciladda ku timid nidaamka raashin bixinta sida uu xaqiijiyay Khaliif Dhuubow Jaale.

Waa guddoomiyaha xerada Xagardheer, ahna xubin ka tirsan gudigan. Wuxuu xusay in saddexdii bil ee u danbeeyay dib loo helay liisaska in ka badan 500 qoys, kuwaas oo qaadanaya gunnada raashin ah.

Hase ahaatee, wuxuu walaac ka muujiyay rajada laga qabo in la helo diiwaanka kumaanka qoys oo la dhibaatoonayo xaalad cunno xumo, taas oo wali aysan xal u helin hay’adda WFP.

“Waxay aad uga murugsan yihiin in kaararkooda ay systemka ka bexeen, wax meel u yaallana aysan jirin, raashinna ma qaataan, system-kiina way ka baxeen, laakiin annaga waxaan ku dadaalaynaa in qaylo-dhaantooda aan meel walba gaarsiino si dadkaas wixii ka qaldamay loo saxo.”

Dadka ka qatan gunnada raashinka ah waxay haystaan kaararka u diiwaan-gashan hay’adda, balse horraantii sanadkan waxay ayaa iska dhex-waayeen hab-raaca raashin siinta qaxootiga.

Isaaq Maxamed Nuur iyo qoyskiisa oo 6 ah waxay la dhibaatoonayaan saamaynta ka dhalatay xaaladdan. Kiilooyin raashin ah oo lagu caawiyay ayuu sheegay in ay gabaabsi ka sii yihiin, taas oo walaac ku haysa.

“Raashinka aan dabka saarano hadda walaalaha dariska ah, markii ay raashinka soo qaataan ayay ilmaha kiilo kiilo iigu keenaan. Toddobo kiilo oo bariis ah ayay ii soo aruuriyeen. Midda kale islaanta ilmaha dhashay dhar waxay ku soo dhaqdo ayaaa ilmaha qutul-yoom looga dhigaa oo loo yaryareeyaa”

Wuxuu tilmaamay in shaqada nadaafadda ee xaaskiisu qabato in aysan joogto ahayn, isla markaana dhaqaalaha laga helo oo kooban uusan wadadabooli karin baahida qoyskooda.

Isaaq saddex sano ka hor ayuu dhul-yaal noqday, markii lugta midig uu ka asiibay cudur la tacaaliddiisa oo dhaqaale u la’yahay. Wuxuu ahaa gaari-gacanle ka xamaalan jiray suuqyada xeryaha qaxootiga.

Wuxuu sheegay in gaajada haysa carruurtiisa ay ilowsiisay xaaladda caafimaaddaro ee uu ku jiro. Wuxuu tagaa xarunta ugu dhow ee hay’adda WFP ay ku leedahay xerada Xagardheer isagoo biro ku boodaya.

“Gaajada ilmaha haysa ayaa keentay, xaaladdaasna aad iyo aad ayay ii dhibaysaa. Nin raashin qaadan jiray, liiskiisana meel aan lagu sheegin oo murugoonaya, isla markaana yaabban baan ahay, subax walbana albaabka ayaan taaganahay amaad wax heshaan bay naga tahay, cid wax noo qabanaysan malahan.”

Dhibaatadan waxaa u raacday hoy la’aan, Waxaa u dhisan labo qol oo cooshad ah, kuwaas oo kulaylka qorraxda ay jilcisay bacaha roobka ee dusha ka saaran, kuwaas oo aan celin karin dhibicda roobka.

Ninkan gargaarka ka istaagay wuxuu qaadanayay tan iyo 2011, markaas oo qax uu uga yimid deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada dhexe. Wuxuu halkaas ku leeyahay beer 15 hiktar ah oo abaar ay saamaysay.

In ka badan toban kun oo qof ayaa lagu qiyaasay dadka liiskooda laga waayay diiwaanka raashin siinta qaxootiga sida ay sheegeen guddiga xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Previous Post

Xoolo-dhaqatada Galgaduud oo awoodi waayay in ay dabka shitaan biyo yari awgeed

Next Post

Qoysas barakac ku tagay Wanlaweyn oo ka dayriyay nolol xumo haysa

Related Posts

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Next Post
Qoysas barakac ku tagay Wanlaweyn oo ka dayriyay nolol xumo haysa

Qoysas barakac ku tagay Wanlaweyn oo ka dayriyay nolol xumo haysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JAN-2026

IDAACADDA 19-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JAN-2026
January 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo