Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beeralayda Gabilay oo ka cabanaya cayayaan ka awood badiyay markii uu ka galay dalagga

Jibril Osman by Jibril Osman
November 30, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeralayda Gabilay oo ka cabanaya cayayaan ka awood badiyay markii uu ka galay dalagga

Mid ka mid ah beeralayda oo dagaal kula jira cayayaan beertiisa galay/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 500 oo beeraley ah ayaa wajahaya dhaqaale xumo, cunno yari, daymo lagu yeeshay oo bixinteedu ay adkaatay iyo inay awoodi waayeen waxbarashada carruurtooda.

Xaaladan ayaa ku timid markii uu cayayaan uga habsaday beeraha bishii Sabteembar, kaas baabi’iyay dalagyo xilliga gurashada joogay iyo kuwo soo go’i rabay.

Waa qoysas ku nool deegaanka Arabsiyo ee gobolka Gabiley oo ku tirsan wax soo saarka beeraha oo kaliya. Dadka arintan ay saameysay waxaa ka mid ah Ismaaciil Cabdi Xasan. wuxuu sheegay inuusan heli karin dhaqaale uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa.

Dalagyo kala ah galley, yaanyo, basal, basbaas, barbarooni iyo kaabash oo uu guran lahaa bishii October ayuu xusay in gabi ahaanba uu cayayaanku cunay. Beertiisa oo lix hiktar ah ayuu tilmaamay inaysan waxba uga badbaadin.

Halkii uu faa’iido ka sugayay ayuu tilmaamay in lagu yeeshay $2000 oo uu galiyay beerta. Xaaladan ayuu sheegay inay ku beertay jah wareer iyo quus.

“Niyad jab badan buu nagu riday cayayaanku. Nolosheenii hoos ayuu u dhigay, annagu beertaa uunbaanu ka shaqaysanaa magaalana kama shaqayno.”

Ninkan oo ah aabbaha 6 carruur ah ayaa tilmaamay in qasaaraha soo gaaray uu sababay in noloshu ku adkaato. Qoyskiisa ayaa ku tiirsan raashin uu ka daynto dukaamo ku yaalla deegaankiisa.

Wuxuu sheegay inaysan aheyn mid waqti dheer u sii soconeysa oo ku simeysa inta uu ka soo kabanayo. Hubanti la’aantaas waa mid warwar joogta ah ku haysa, xalna uu u la’ yahay.

“Waxaa na loo sheegay in cayayaankan uu ka yimid qaaradda Amerika, afrikana uu soo maray dalal ay ka mid yihiin kuwa la yiraahdo maqribka. Annaga wuxuu naga soo galay dhinaca Itoobiya, wuxuuna noo soo raacay yaanyo, halkaas laga soo dhoofiyo. Bahalkan marka ugu horeysa waa sida diirta oo kale, halkii xabo wuxuu dhalayaa kun xabo oo ugxan ah, kadib wuxuu noqonayaa sida Ayaxa. Bahalkan wuxuu aad u dagaalama xilliga kuleelaha.”

Ismaaciil ayaa intaas ku daray in dhaqaale burburka uu ka dhaxlay cayayaanka uu sidoo kale saameyn ku yeelanayo waxbarashada carruurtiisa.

Afar carruur ah oo jaamacad u dhigta ayuu sheegay inuusan gacan ku hayn $250 oo laga rabo marka ay dhammaato bishan Novembar.

Ismaaciil ayaa sheegay in beertii uu kaligeed ku tiirsanaa ee isha dhaqaale u aheyd uusan awoodin in mar kale uu dib u tacbo, dhaqaale xumo iyo cayayaanka oo wali jooga awgeed.

 “Ma awoodo inaan dib u tacbo. Biyo la’aan ayaa jirta. Haddii xaaladan la sii daawado waxaa dhacaya dhibaato badan, sababtoo ah waxaa yaraanaya cuntooyinkii wadaniga ahaa ee la cuni jiray sida galeyda iyo khudaarta.”

Beeraleyda ayaa xusay in cayayaanka oo aysan garaneyn uu yahay mid dalaga ku baabi’inaya wax ka yar hal bil, isagoo cunaya miraha iyo caleenta, kadibna qallajinaya geedka.

Waxay tilmaameen inay ku guul dareysteen ka hor tagiisa, xataa hadey kula tacaaleen daawooyin iyo habab kale oo dabiici ah.

Mukhtaar Ibraahim Maxamuud wuxuu ka mid yahay beeraleyda uu ceyrteeyay. Wuxuu xusay inuu ka baabi’yay khudaar gurashadeeda ay ka dhineyd labo asbuuc oo ugu tiilay beertiisa oo afar higtar ah.

Tan iyo bishii October ayuu sheegay in qoyskiisa oo shan qof ah ay wajahayaan nolol xumo ka dhalatay tacabka ka qasaaray.

Reerka ayuu xusay inuu ku dabaro deymo uu qaato oo hadda gaaray illaa shan boqol oo Doollar.

“Hadda kollay dhaqaale yari iyo dhaqaale burbur ayaanu dareenay. dhaqaale yari markaad dareentna culayska jiri kara waad dareemaysaa.”

Muqtaar ayaa tilmaamay in isagoo noloshu ku adagtahay laga doonayo inuu bixiyo deyn ah $2,000, taas oo ah qarash uu galiyay beerta oo iskugu jira, abuur, waraabin, falid, buufin iyo lacagta shaqalaaha.

Wuxuu sheegay in qorshihiisu ahaa in bishan uu khudaar u iib geyeeyo Arabsiyo iyo deegaanada ku xeeran. Filashadiisu waxay ahayd inuu ka helo dhaqaale ka badan $4000, balse taas waxaa tirtiray cayayaankan oo gaarsiiyay heer uu awoodi waayo in $80 uu ka bixiyo saddex carruur ah oo u dhigta iskuul iyo dugsi Qur’aan.

“Waxaynu wax beeranay xilli kulul oo jiilaal iyo abaar ah, maantana waxay aheyd wax waliba noo soo go’aan, balse wax noo soo baxay ma jiraan. Sida xanuunada bani’aadamkuba u bateen ayay noogu soo bateen xanuunada beeraha, waana wax la socda cimilada isbedeshay ee kuleylaha u badan.”

Helitaanka biyuhu waa mid adag deegaanka Arabsiyo, taas waxay beeraleyda ku qasabtay inay qotaan ceelal iyo barkado u gaar ah ama ay iibsadaan biyo lagu soo dhaamiyo booyada, taasi waa midda u suurta galisay inay dalagyo beertaan xilli jiilaal ah.

Xaliimo Xasan Odowaa oo ah khabiir dhanka beeraha ah, kana hawl gasha wasaaradda horumarinta beeraha ee Somaliland, una kuur gashay nooca uu yahay cayayaankan ayaa beeraleyda siisay talooyin ku aadan qaabka ay ula tacaali karaan.

“Waxa loola tacaalaa siyaabo badan. Waxa ugu muhiimsan in la helo dabin ka samaysan warqad yar oo lagu dhajiyay xabag, halkaas ayay ku ururtaa, xabagtaas ayaa ku dhegta halkaasay ku baaba,daa. Waxa kaloo la sameeyaa in la wanaajiyo waraabka si geedku adkeysi u yeesho.”

Beeraleyda oo ay muhiim u tahay inay helaan dhaqaale ay ku soo kabtaan, dowladdu waxba kuma ku taageerin, marka laga reebo talooyinka ay bixisay wasaaradda beeraha Soomaaliland.

Previous Post

Mudug: Bacaadka guurguura oo barakac iyo nolol xumo biday dadka deegaanka Kulub

Next Post

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

Related Posts

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
Next Post
blank

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-22-JAN-2026

IDAACADDA-22-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA-22-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo