Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku wajahaya nolol xumo deegaan u dhow Afgooye oo colaad ay ku saamaysay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 3, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Cunno xumo iyo hoy la'aan ka dhalatay colaad/photo/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ayay wajahayaan boqollaal qoys oo bishii Luulyo deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeelaha hoose uga soo barakacay dagaalka u dhexeeya ciidanka dowlada iyo Shabaab.  Waxay ku sugan yihiin dhul bannaan oo duleedka degmada Afgooye ah, halkaas oo ay ku haysato xaalad adag.

Dadkan ayaa sheegay in guryihii, beerihii iyo ganacsiyo yar yar oo qaarkood ay ku tiirsanaaayeen dagaalka looga burburiyay. Faro marnaan ayay ku yimaadeen meesha ay joogaan oo wali aysan wax gargaar ah ku helin.

Qoyska Farxiyo Maxamed Cali oo sagaal qof ah waxay tan iyo 29 bishii 7aad wajahayaan gaajo iyo oon ku qasbay in ay dawarsato. Waxay sheegtay in cunno bisil iyo lacag yar oo mararka qaar ay ka soo hesho dadka deegaanka ay hal mar dabka saartaan, haddii ay waydana ay qadaan.

‘’Nolosha qoyskayga waa dhibaataysanahay ciyaalkayga silic ayay ku nool yihiin. Muslimka ayaan dhex galaa si aan ilmaha dabku ugu shito, labo yaryar ayaa ii jooga caano uma iibin karo raashin xitaa uma heli karo. Meesha aan joogno wax aan ku haysano ma lahan.’’

Farxiyo ayaa sheegtay in deegaanka oo ay ku cusub yihiin ay ka waayeen shaqooyin xoogsi ah oo iyada iyo ninkeedu ay ka raadiyeen. Caruurteeda oo kan ugu yar uu hal sano jir yahay ayaa la qabsan la’ barakaca oo ay ku cusub yihiin. Waxay tilmaamtay in cunno xumada ay wehliso biyo yari bidday in 24 saac ay isticmaalaan 10 liitar oo aan ku filnayn.

Waxay ka soo baryaan ceelal gaar loo yeelayahay oo jira 40 daqiiqo oo sii socod iyo soo socod ah, kuwaas oo ay u dan-sheegato. Maalmaha qaar oo mulkiilaha ceelka ay wayso ayay biyo la’aan ku joogaan.

Farxiyo ayaa sheegtay in dhaxanta iyo qorraxda ay bannaan-yaal u yihiin, taas oo u horseeday in caruurteeda oo kan ugu weyn uu 9 jir yahay aysan harsi iyo hoyaad fiican midna helin. Waxaa u wehliya cabsi joogto ah oo ay ka qabaan tuugada iyo bahallada, maaddaama ay meel banaan seexdan.

“Maryaha ayaan dhulka dhiganaa, awalna waxba lama aanan imaan. Waa meel iska dhibaataysan oo banaan oo xitaa aan geed la harsado lahayn dhaxanta iyo kaneecada ayaa nagu dilaya labo qori oon garbasaar ku xiray ayaan ilamaha galiyaa.’’

 Farxiyo ayaa sheegtay inaysan qabin rajo ay dib ugu laabato deegaankeedii oo ay wali colaadii ka jirto. Dagaalka oo si kadis ah ugu bilowday ayay ku waysay dhamaan ilihii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in 10 Luulyo duqaymo looga burburiyay beertooda oo 5 hektar ahayd oo ay ugu beernaayeen khudaar, galey iyo digir goosasho ku dhawaa. Waxay xustay in dalagyadaas ay galisay $400. Lacagtaas oo boqol ka mid ah ay deyn ahayd ayay sheegtay in aysan waxba uga soo noqon.

Farxiyo oo 39 jir ah ayaa sheegtay in sidoo kale ay waxbarasho la’aan ka yihiin labo carruur ah oo dugsi quraan uga dhigan jiray Bariirre. Hadda oo ay maarayn la’yihiin baahiyadooda kale waxay tilmaamtay inaysan bixin karin $6 oo waxbarashadooda ah.

Dagaallada ku soo lalaabta gobolka Shabeelaha hoose waxay barakac iyo nolol xumo u horseedeen qoysas markii hore ay noloshodu wanaagsanayd. Istaahil Cumar Cabdi waxay quus ka muujisay xaalad barakaca oo tan iyo 18 bishii toddobaad ay ku jireen.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in carruurteeda oo shan ah ay u la’dahay cunno, biyo iyo hoy ay dhaxanta ka galaan. Qoysas kale ayay tilmaamtay inay la joogaan goob aan dhismo iyo darbi wareegsan midna lahayn. Cunno yar oo dadka deegaanku u keenaan ayay hal mar wada cunaan.

‘’Waqtigaan aad ayay xaaladayadu u adag tahay, meel banaan oo cidlo ah ayaan iska fadhinaa, xoolihii iyo wixii aan ku tiirsanayn waa naga dhamadeen nafsadeena oo kali ah ayaan kala soo cararnay, baad, biyo iyo meel aan seexano midna ma haysano, beeraley ayaan ahayn wixii noo abuurnaa waa naga baaba’een.’’

Istaahil ayaa sheegtay inay magaalada Afgooye oo 30 daqiiqo u jirta ay ka raadisay shaqooyin nadaafad ah. In ka badan bil oo maalin kasta ay raadinaysay ayay xustay inaysan waxba ka helin. Waxay u sababaysay inaysan cidna ka aqoon iyo dadka shaqada raadinaya oo badan.

Duqayn deegaankoodii ka dhacay intii ay ka soo maqnaayeen ayay sheegtay in looga burbriyay labo qol oo cariish ah iyo beer 4 hektar ah. Alaabbtii u taallay guriga ayay xustay inaysan waxba ka soo qaadan, maaddaama uu safarku dheeraa sidoo kalena aysan gaadiid haysan.

Haweenaydaan oo leh uur 6 bil ah ayaa sheegtay in labo maalin ay jidka ku soo jireen, si ay u soo gaaraan degmada Afgooye. Carruurteeda oo yaryar ayay xustay in saddex ka mid ah uu ninkeedu dusha ku soo qaaday, markii ay socon waayeen.

“Labo maalin wax ma aanan cunin markaan soo soconay. Wax la cunno waa la waayay, ilmaha oo caloosha ka bararay ayaan keenay, waana xanuusadeen wax aan ku daaweeyana ma hayo malaariya ayaan u malaynayaa.’’

Istaahil ayaa sheegtay in miyiga deegaanka Bariirre oo ay deganaayeen ay ku haysteen nolol isku dheeli tiran. Xaaladan ka hor, beer xilli roobaadka ay khudaar iyo raashin ku abuuran jireen ayay ku tiirsanaayeen. Barakacan oo ah kii ugu horreeyay ayay sheegtay inuu culaysyo badan u horseeday.

Cali Cusmaan Cabdi oo ah gudoomiyaha gudi ay samaysteen dadkan ayaa sheegay in labadii bil ee ugu danbaysay ay xaqiijiyeen in ka badan shan boqol oo qoys oo yimid Afgooye iyo duleedkiisa. Dadkan oo naftooda la soo baxsaday ayuu sheegay inay koox koox u socdeen, iyagoon waxba sidan.

Xeryaha barakaca oo buux-dhaafay ayaa sababay inay qaarkood meelo bannaan degaan. Cali ayaa sheegay in dadka deegaanka ay uga soo aruuriyeen kaalmo kooban oo raashin iyo sijaayado ay dhulka dhigtaan ah, taas oo aan waxba ka tarayn baahidooda.

‘’Dadkaan wixii ay haysteen oo ay ku dhaqmayeen gabi ahaanba cagtaa la mariyay noloshoodu aad ayay u liidataa. Maamulka iyo hay’adaha waxaan ka codsanaynaa in dadkaas la garab istaago oo laga kaalmeeyo dhinacayda caaafimaadka, cunnada, biyaha iyo hoyga.’’

Cali ayaa sheegay in dadkaan haddii aysan gargaar helin ay xaaladoodu ka sii darayso. Wuxuu tilmaamay in maamulka deegaanka ay gaarsiiyeeen, balse aysan jirin wax jawaab ah oo ilaa hadda uga timid.

Qoysas badan oo xoolo dhaqato, beeraley iyo toolooyinka kuwa degan isugu jiray oo dagaallada gobolka Shabeelaha hoose ay saameeyeen ayaa wali xal u la’ dhibaatooyinkii ka soo gaaray. Meelaha ay tageen oo dad kale oo barakac ah ay uga soo horreeyeen ayaysan ka helin kaalmo wax u tarta.

Previous Post

Ganacsiyo ka burburay haween iskudayay in ay ka baxaan nolol xumo ku haysa Garowe

Next Post

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo